bilicaws
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicaws
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumara oo la guursadey oo yabyabato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilacaws
-ka: (magac, lab, keli) labo ruux oo caroos ah, qoys udubkoodu cusub yahay diiqe u baahan. Bilacaws weeye reerkuye laguma raago lagamana raago.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilicsami
-da: (n) beauty (bi-yuuti); handsomeness, bonniness, prettiness; good looks ~ qurux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaw
(Bilaw-ga)
Wax la fala hayo qaarkiisa ugu horreeya; unug; abuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaw
v. begin, start
bilaw vl. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilaw
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billaw). Syn: Bilow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaw
-ga: (n) starting (istaarting); novice (noovas); beginning (bi gin ning) ~ bilow, billaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bilaw
magac loo baxsho wiilka curadka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaw
(fal) meel wax ka unkamo u samee; kow ka qaad oo hawl socodsii.
bilaw-ga: (magac, lab, keli) ambaqaadka u horreeya; gudagalidda hawsha ee u horreeya. Hawshu imika ayay bilaw tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilic
(Bilic-da)
Muuqaal indhuhu u bogaan oo jeclaystaan; qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilic
m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilic
m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilic
f. n., [abstract] prettiness, beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilic
-da: (n) beauty (biyuuti); grace (gareeys); ~ qurux, bilicsami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilic
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal qurux badan oo isha soo jiita.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilic
de: prettiness, beauty
lx: bilic
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: bilic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilis
(Bilis-ta)
1. Cid wanaagsan ka dhashay; gob; dhalad; xor.
2. Haween; dumar; dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilis
m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilis
m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilis
f. n. noble, well-off, high-caste, free-born person
bilis [feminine] n., [collective] women, womankind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilis
-ta: (n) women (wi-men); women considered as a group; womenkind ~ dumar, bilis-xaawalay, haween, naago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilis
-ta: (magac, dhedig, keli) bilid ku samayn.
bilis-ta: (magac, dhedig, keli) qoys wanaagsan ka dhashay. Bilis buu ka soo jeedaa dadnimada lagu yaqaanno. Dh: xor, gob, dhalad.
bilis-ta: (magac, dhedig, keli) bidhid ku samayn oo kor u qaadis. Bilis baa wax lagu qaadi jirey oodda jiiddada ahi.
bilis-ta: (magacwadareed) dhedigoodka aadamaha oo aan kala reeb lahayn, yar iyo weyn. Dh: dumar, haween, gambooleey, xaawaley, bilisxaawo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilis
نبيل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilcas
-ta: (magac, dhedig, keli) fiilka u horreeya ee ay geeduhu bixiyaan marka roobku ku da'o. Ilcasta ayaa is qabatay oo dhirtu way magooshay. Dh: magool.
ilcas-ta: (magac, dhedig, keli) geed maanyada, gahaydhka iyo dhaloosha la bah ah oo dhulka Ilaha la yidhaahdo ka baxa oo geela iyo riyuhu daaqaan.
ilcas-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha xareedda ah ee marka uu roobku da'o dhulka jiifsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicis
m.l/dh la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcan
(Bilcan-ta)
Naag la guursadey; haweeney; (ama bilcaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcan
bilcan¹: m.dh.u Haweeney la guursaday. la-mid: bilcaan.
bilcan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilcan
m.dh.u Haweeney la guursaday. la-mid: bilcaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilcan
f. n. married woman; lady
bilcan v. marry, take a husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcan
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeneyda iyada oo bikir ah la guursaday. Bilcan dumar ah bannaan iyo bahal looma dhaafo. Dh: bilcaan, marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaw
v. begin, start
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaw
a: bilaab ~ bilaw ~ billow
de: begin, start
lx: billaw
pd: (billaabay)
ps: v1=
key: billaw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-CAS
(Il-as) C Kelleronia obbiadensis Chiov. Zygophyllaceae.
N Kelleronia quadricornuta Chiov. Zygophyllaceae.
N Kelleronia revoilii (Franch) Chiov. Zygophyllaceae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
N Indigofera arabica Jaub. & Spach. Papilionaceae.
N Taverniera multinoda Thulin. Papilionaceae.
C, S Crotalaria emarginella Vatke. Papilionaceae.
C Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
N Boerhavia elegans Choisy Nyctaginaceae.
NFD Ruttya fruticosa Lidau. Acanthaceae.
S Glossonema revoilii Franch. Asclepiadaceae.
S Satanocrater somalensis (Lindau)Lindau. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifays
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku bilbilid oo ku qoyn. Biifayskii baa ka badisay ka jooji biyaha.
biifays -ka: (magac, lab, keli) wax qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimays
-ka: (magac, lab, keli) biimo ku samayn: halis ku ridid. Biimayska markii horeba adaa i geliyey ee iga saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcaan
m.dh la-mid: bilcan¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilcaan
-ta: (n) a married woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh gabadhnimo lagu guursado oon horay nin u soo arag.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
biliary
(adj) pertaining to the bile, to the bile ducts, or to the gallbladder.
dheecaanka xameetida, marinka xameetida iyo xameetida
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bilious
a., dacaraysan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jilicow
nickname; name-m soft, flexible, tender, supple; easy; sick, weak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jilicow
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay ay ka muuqatay astaan muujinaysa in uu tamar yaryahay ama xanuunsan yahay. Waxa kale oo loo baxshaa wiil timo jilicsan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixays
-ka: (magac, lab, keli) bidixaynta ku lisid. Bidixays ku lis hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho. m.f.dh, bilicsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilicsan
-aa I ayd: (adj) graceful (gareeysfuul); elegant (ela-gent); beautiful (bi-yuuti-fuul); lovely (laav-li); cute (kiyuui) ~ xiisa-leh, qurxoon, quruxbadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicsan
(tilmaame) qurux badan oo nuur iyo ilays leh. Magaalo bilicsan ayaan soo gallay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilisayn
(Bilisayn-ta)
1. Bilis ka dhigid; xorayn.
2. Gudid (gabdho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilisayn
m.f.dh eeg bilisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dumar ka dhigid. Bilisaynta dumarkoo kaluu ka dhigay raganimadi doobeede. Dh: naagayn.
bilisayn -ta: (magac, dhedig, keli) gabar da' yar gudid; xalaalaynta gabadh yar. Dh: gabdhaggudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilitaan
-ka: (magac, lab, keli) bilis iyo qurxin heersare ah.
bilitaan -ka: (magac, lab, keli) sare u qaaditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billaawe
(Billaawa-ha)
Qalab bir ah oo raggu dhexda ku xirto; toorrey; magli; abley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Mindi labada dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab xardhan oo gees ama caag iyo wixi lamida ka samaysan leh oo ay ragga qaataan; magli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
billaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Mindi labada dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab xardhan oo gees ama caag iyo wixi lamida ka samaysan leh oo ay ragga qaataan; magli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaawe
m. n. dagger
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Billaawe
nickname-m dagger. Lit: warrior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
billaawe
-billaawaha: (n) dagger (dhaagger) ~ tooreey, golxob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaawe
-ha: (magac, lab, keli) agab bir ah oo sida toorrida laba af labada dhinac ku leh oo la afeeyey gal la geliyo leh, oo soo yara xoodan, raggu dhexda ku xidho. Nin dhergaa billaawe beer ku cuna. Dh: golxod, qolxad, golxob.
billaawe: magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo geesi dagaalyahan ah oo sida billaawaha wax u jara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaawe
bw: golxob
de: dagger
lx: billaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: magli
key: billaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulcaws
m.l/dh (-syo, m.dh) Hooy yar oo ka samaysan caws iyo qoryo la isa saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulcaws
-ta: (magac, dhedig, keli) aqalsoomaali yar, aan si fiican u habaysnayn, aan harrarro ka samaysnayn ee caws ka dhisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg milixayn. milixaysan: (tilmaame) milix lagu daray ah; milix leh. Dh: cusbaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilisxaawo
m.dh.u Haween. la-mid: bilisxaawood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilisxaawo
m.dh.u Haween. la-mid: bilisxaawood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilisxaawo
-da: (magacwadareed) magac guud oo dumarku wadaagaan. Shir ay bilisxaawo leeyihiin ayaa guriga ummadda ka socda. Dh: haween.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abilitare
v.tr. tababarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abilitato
agg. - tababarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilitaan
-ka: (magac, lab, keli) biil bixitaan. Dh: bilin, masruufitaan, quudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliglayn
m.f.dh eeg biliglee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biliglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biligbiliglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliqsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax baahsanaani ka muuqato.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
billiards
/bilyardis/ (n) — ciyaarta bilyaardiga (miiska iyo ulaha lugu dheelo)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
billiards
/bilyardis/ (n) dheely bilyaardighy oo ully i shiitho boojothy lyky dheelaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabcaws
-ka: (magac, lab, keli) xayawaan adhiga cuna oo inta badan xeebaha gala. Dh: dalxaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilicsane
-ha: (magac, lab, keli) qofka kartida xun ama jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kilkilays
m.l la-mid: kilkilayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ombilical
ombilical, adj. - xudun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilicsanaan
m.f.dh eeg bilicsan. la-mid: bilicsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux badnaan isha soo jiidata. Bilicsanaanta deegaanka gugii ayaa la gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bililiqaysi
m.l la-mid: bililiqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bililiqaysi
vl. n. looting, plundering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bililiqaysi
-ga: (n) pillage (pi-leeyj); looting (luuting); plundering (palaandhering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bililiqaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhac iyo boob aan geed loogu gabban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bililiqaysi
a: bililiqo (/da) [vn-f]
de: looting, plundering
lx: bililiqaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
syn: booli, dhac
key: bililiqaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bililiqayso
f.g3 (-stay, -satay) Hanti la boobayo in yar ka qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bililiqayso
f.g3 (-stay, -satay) Hanti la boobayo in yar ka qaadasho. m.f.dh, bililiqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilisxawood
m.dh.u la-mid: bilixaawo.