biirsamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirsamid
(Biirsamid-da)
Wax aayar aayar layska dabaggeeyey oo ururay oo batay noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsamid
m.f.dh eeg biirsan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirsamid
vl. n. act of increasing, intensifying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) qunyar u sii kordhid, aayar aayar sii biirid. Biirsamid malaha ganacsigu sannadka. Dh: kordhid, badasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirsamid
de: act of increasing, intensifying
lx: biirsamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: biirsamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsad
m.l la-mid: biirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsad
-ka: (magac, lab, keli) kordhisasho; biirsasho; siyaadsasho. Dh: biirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsamid
m.f.dh eeg iibsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama badeecad suuq la keenay, iibgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsamid
m.f.dh eeg cabiidsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsamid
-da: (magac, dhedig, keli) addoon noqosho; addoonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirsamid
m.f.dh eeg dibbirsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) calool, dibbiro buuxsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibsamid
m.f.dh eeg dhiibsan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirid
(Biirid-da)
Inyar inyar u soo kordhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirid
m.f.dh eeg biir³. la-mid: biiris².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Biirid
Accumulo
Accrual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsamid. Kut biiridda mucaaradku xukuumadda waa bilow cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsi
m.l la-mid: biirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicsad
m.l la-mid: biicsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg biicmushtarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biircad
-da: (magac, dhedig, keli) dhuuso aad u qadhmuun. Biircad xoor baa loo ogaa markuu shinnida maagaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsan
biirsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax biiray noqosho.
biirsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax biiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsan
(fal) intii hore ka bado, ka siyaad intii hore, wax biiraya noqo. Biirsan oo barakoow oo balaayo kuma hesho. Dh: korodh, bado.
biirsan: (tilmaame) wax siyaadsan, la kordhiyey, la biiriyey, in dheeri ah lagu daray. Sadkaagu wuu biirsanyahay ee qaado. Dh: korodhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirsad
m.l la-mid: ciirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, kaalmo iyo gargaar ka raadsasho. Dh: ciirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsad
(Diirsad-ka)
Diirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsad
m.l la-mid: diirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsad
-ka: (magac, lab, keli) wax qaboobay in yar kulaylsasho.
diirsad -ka: (magac, lab, keli) (ku ~) ku farxid oo fal la sameeyey ka ralli noqosho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismid
Compressability
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirsad
(Fiirsad-ka)
Fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirsad
m.l la-mid: fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg'eegista ama fikirka talo laga baaraandego. Dh: fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirmid
(Miirmid-da)
Wax miiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirmid
m.f.dh eeg miiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon cidi taaban kala saafiyoobid oo kala soocmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsad
m.l la-mid: miyirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsad
-ka: (magac, lab, keli) gargaarsadka; cuskadka. Ul aan tiirsado i sii. Dh: tiirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirsad
-ka: (magac, lab, keli) ku digasho; dhibaato qof haysata baga dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacramid
m.f.dh eeg bacran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacramid
-da: (magac, dhedig, keli) laftu marka ay jabto ee aanay burburin ama kala dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxamid
m.f.dh eeg barxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo biyo la isku daray noqosho. Dh: badhxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcamid
(Bilcamid-da)
Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcamid
m.f.dh eeg bilcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcamid
-da: (magac, dhedig, keli) bilcan noqosho Bilcamid ninkii doonayoow geel cas baad bixine. bilcan: (fal) gabadh, oori ka dhigo. Gabadh la la yaabay buu bilcamay. Dh: guurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birsolid
m.f.dh eeg birsol². la-mid: birsol¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsolid
-da: (magac, dhedig, keli) gawracida neef sii dhimanaya. Wankii bakhti oo bersolidna seeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birtumid
-da: (magac, dhedig, keli) farsamaynta biraha. Birtumid buu intaa kula soo ekaaday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaamid
m.f.dh eeg bitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitamid
(Jiitamid-da)
1. Wax aan toos u socona hayne la jiida hayo.
2. Dabasocod culus; cagajiid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiitamid
m.f.dh eeg jiitan². la-mid: jiitan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tamar xun, haddana socod tukube ah socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtamid
(Kirtamid-da)
(xoolo) kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtamid
m.f.dh eeg kirtan². la-mid: kirtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, kadaalliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixramid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu sixir qabtay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tiirsanaanshoha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarramid
m.f.dh eeg baarran². la-mid: baarran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarramid
-da: (magac, dhedig, keli) afeefasho oo cudurdaar sii qaddimasho, ballamid. Baarramid hore haddaad lahayn adkayso. Dh: baarrimasho, afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraamid
-da: (magac, dhedig, keli) kibrid iyo isla weyni. Inan fiican buu ahaaye, badraamid buu bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batraamid
m.f.dh eeg batraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batraamid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u edeb darraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaamid
(Bidhaamid-da)
Bidhaan muuqata yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaamid
m.f.dh eeg bidhaan². la-mid: bidhaan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bidhaan muuqata yeelad. Dh: iftiimid, bildhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiroobid
m.f.dh eeg biirow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) sumoobid; biirta ceelasha guntooda ku sumoobid. Carruurta ceelasha ka celiya biiroobid ayay halis u yihiine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsasho
m.f.dh eeg biirso. la-mid: biirsad, biirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsasho; iska kordhisasho. Biirsashda fasaxa la iskuma ogola. Dh: kororsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilicsami
-da: (n) beauty (bi-yuuti); handsomeness, bonniness, prettiness; good looks ~ qurux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxsamid
(Buuxsamid-da)
Wax buuxa noqosho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsamid
m.f.dh eeg buuxsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buuxa noqosho. Buuxsamidda foostadaa daba sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liillamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii liillin ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisaamid
(Miisaamid-da)
Wax miisaankiisa ogaansho; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaamid
m.f.dh eeg miisaan². la-mid: miisaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid oo inta culayskiisu yahay eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursamid
m.f.dh la-mid: ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku soo ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedertamid
(Bedertamid-da)
Orod, la tartama hayo, ka qayb gelid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedertamid
m.f.dh eeg bedertan². la-mid: baratamid, beretamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedertamid
-da: (magac, dhedig, keli) eegid orod ka u dheereeya. Bedertamid ayuu u joogaa meesha. Dh: baratamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaarid
m.f.dh eeg beersaar². la-mid: beersaar¹, beersaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaarid
-da: (magac, dhedig, keli) beersaaro ku legdid oo beerka dhulka ugu jiidid.
beersaarid-da: (magac, dhedig, keli) faras beersaar ku fuulid. Ninka farasfuulka ahi beersaarid buu fardaha ku fuulaa.