biirjeex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirjeex
(Biirjeex-a)
Qof aan dhibta ka waaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirjeex
m.l (-xyo, m.dh) Qof aan dhibta ka waaban; qof firfircoon oo aan halista ka waaban. la-mid: birjeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirjeex
m. n., [compound] someone who can withstand hardship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biirjeex
-a: (n) tough person; able to withstand physical or mental hardship; spearhead (ispiiyar-heed)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirjeex
de: someone who can withstand hardship
lx: biirjeex
pd: (-a)
ps: n2-m-cmp
key: biirjeex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birjeex
m.l (-xyo, m.dh) la-mid: biirjeex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birjeex
(tilmaame) in qofkaasi yahay mid geesi ah, aan gabban. Birjeex sida Xamsiyo raggi Axud beerka lagu gooyey, ee Jannada u ambabexee, Aakhiro barwaaqoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalooti
(Maalooti-ga)
(bahal, geesi, ...) si daran wax u laaya; aan biqin; aan nixin; soomajeeste; biirjeex; dhiigyacab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiritaan
-ka: (magac,lab, keli) ku darsamitaan. Isku biiritaan meeshii laga sugayey miyey kala tageen. biirjeex -a: (magac, lab, keli) qof aan dhibta ka cabsoonin oo ka waaban, wax kastana u birdhiga. Biirjeex geesiyoo wacan, Allaw yaanu baas dilin. Dh: birjeex, hawlkar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirjeexnimo
-da: (magac, dhedig, keli) calool adayg aan dhibta laga leexane loo badheedho. Biirjeexnimo ayuu daadka kaga tallaabay. Dh: hawkarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birjeeb
(Birjeeb-ka)
Qalab birlab ah oo biraha kale lagu jaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birjeeb
m.l (-bo/-byo, m.l) Bir, biraha kale lagu qabto oo ka kooban laba qalbac oo dhexda iska haysta oo marka gadaal la isaga qabto hore wax ka qabata; kalbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birjeeb
m.l (-bo/-byo, m.l) Bir, biraha kale lagu qabto oo ka kooban laba qalbac oo dhexda iska haysta oo marka gadaal la isaga qabto hore wax ka qabata; kalbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birjeeb
m. n., [compound] hard steel instrument used for cutting other metal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birjeeb
-ka: (magac, lab, keli) qalab bir aad u adag ah oo biraha kale lagu gooyo ama lagu jaro. Birjeeb birahaa lagu jaraa dubbana waa lagu tumaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birjeeb
de: hard steel instrument used for cutting other metal
lx: birjeeb
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: birjeeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirjeex
(Cirjeex-da)
(xiddigo) Meereyaasha qorraxda ku wareega oo sagaalka ah, kan ugu weyn: wuxuu u dhexeeyaa farrarre (mariikh) iyo raage (saxal) ~ mushtar; (ama cirjiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirjeex
m.dh Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. la-mid: cirjiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirjeex
m.dh Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. la-mid: cirjiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cirjeex
pr. n., loc. Jupiter (the fifth planet)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cirjeex
-a: (magac, lab, keli) meerayaasha ama xiddigaha qorraxda ku wareega ee sagaalka ah, kan ugu weyn. Waxa uu u dhexeeyaa Farrarre (Mariikh) iyo Raage (Saxal). Dh: Mushtar, Cirjiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cirjeex
bw: Arabic
de: Jupiter (the fifth planet)
lx: Cirjeex
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
syn: Mushtar
key: Cirjeex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarjeex
(tilmaame) badhtanka timo ka kala seeran ama ka kala rogan; timo dhexda ka kala jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biire
m. n. pen, ball-point pen, byro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biire
biiraha: (n) ballpoint pen ~ qalin biire
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biire
de: pen, ball-point pen, byro {It}
lx: biire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: biire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn. m.f.dh, birayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biree
v. make into iron
biree v. slaughter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biree
yey/biraysay: (v) the killing of animals for food; slaughter (isloo ter) by cuting throat, butcher (bujar) ~ gawrac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biree
(fal) neef xoolo ah gawrac. Biree laxdu intayna bakhtiyin. Dh: xalaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjee
f.g/mg2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barjee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid. m.f.dh, barjayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjee
(fal) qaad cun. Barjee oo iska mirqaa. Dh: qayil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Wax, wax aad u cad ka dhigid; qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biifee
v. spray; beautify, whiten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifee
(fal) dusha biyo xafiif ah ama subag kaga saydhi oo ku biifi. Gorowga kolkaad shuqlayso biifee. Dh: biif.
biifee: (fal) qurxi oo caddee. Caruusadda wejiga u biifee. Dh: biifay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biifee
de: spray; beautify, whiten
lx: biifee
pd: (biifeeyey)
ps: v2b=
key: biifee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti iyo wixi lamida biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti iyo wixi lamida biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid. m.f.dh, biimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biimee
v. take a chance, risk, put at risk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biimee
-yey/biimaysay: (n) take a risk; expose to a chance of loss or damage; danger (dheen-jar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimee
(fal) nafta hur oo meel ama wax halisi ay ka jirto ku sii daa. Naftu kol bay dhimane dabbaasha isku biimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biimee
de: take a chance, risk, put at risk
lx: biimee
pd: (biimeeyey)
ps: v2b=
key: biimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ciiro u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiree
v. make obscure; cover with a mist; fill with smoke; cover with dust; make something unclear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiree
(fal) caano gadhoodh ah, subagga ka saar.
ciiree: (fal) ciiro u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiree
de: make obscure; cover with a mist; fill with smoke; cover with dust; make s.t. unclear
lx: ciiree
pd: (ciireeyey)
ps: v2b=tr
key: ciiree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiree
(fal) leexo oo ka weeco dhinacaad u jeedday, dib u noqod, dib u laabin qalloocan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiiree
-yey / qiireysay: (v) arouse the emotions; stir the feelings; excite (ik-saayt); impassion (im-paashen); touch (taaj); move (muuv)
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birxeef
Nooc kamid ah soofaha birta oo leh jirjir middi oo kale u samaysan ee loogu isticmaalo ilkabixinta furaha la qorayo, birta la calaamadinayo iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siijeed
(Siijeed-ka)
1. Oogada qaarkeeda sare, docda jeegada iyo dhabarku ku yaalliin.
2. Docdaas oo qofka hadlaya ama wax eegaya xaggiisa u jeedda, xigta; dhabarjeedis.
3. Sii socod, sii fogaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siijeed
m.l 1. Oogada qaarkeeda sare, dhanka jeegada iyo dhabarku ku yaalliin. 2. Wajhadda dambe ee wax leeyihiin, sida buuraha, aqallada iyo wixi lamida. 3. Dulqaad iyo wax qodqodis la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siijeed
m.l 1. Oogada qaarkeeda sare, dhanka jeegada iyo dhabarku ku yaalliin. 2. Wajhadda dambe ee wax leeyihiin, sida buuraha, aqallada iyo wixi lamida. 3. Dulqaad iyo wax qodqodis la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siijeed
m. n. hind quarters; back, backwards direction
siijeed v. face the opposite way; move away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siijeed
-ka: (n) hind part; toward the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siijeed
-ka: (magac, lab, keli) oogada qofka qaarkeeda dambe ee dhabarku ku yaallo.
siijeed -ka: (magac, lab, keli) sii socod; sii fogaad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xiireey
nickname-m shaved, shaven
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baarleex
nickname-m he who his hair is parted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarleex
magaca wiil timo jilicsan oo qurxoon oo jiifa leh; wiil timihiisu bis jiifta yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarjeex
(Qaarjeex-a)
Cudur feeraha ku dhaca; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarjeex
m.l Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaarjeex
m.l Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaarjeex
m. n. pain in the side ~ the ribs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarjeex
-a: (magac, lab, keli) cudur feedhaha ku dhaca. Saca qaarjeex ayaa hayee ka guba. Dh: oofwareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaarjeex
cf: oofwareen
de: pain in the side ~ the ribs
lx: qaarjeex
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: qaarjeex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) timo dhaadheer badhtanka ka kala seexin; kala rogidda timaha oo badhtanka lagu kala jeexo. Baarjeexid baa laygu yaqaan taniyo yaridiiye, maatana waa la tirin karaa timaha guudkayga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigrojebi
f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimo ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikrajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimada ka bi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bikrajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimada ka bi'in. m.f.dh, bikrajebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirbeel
miyirbeel¹: m.l 1. Lumidda garashadu ka lunto qof. 2. la-mid: miyirbeelid.
miyirbeel²: m.l (daawo) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Suuxid dhaawac, cudur iyo wixi lamida oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyirbeel
miyirbeel¹: m.l Lumidda garashadu ka lunto qof.
miyirbeel²: m.l (daaw.) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Suuxid dhaawac, cudur iyo wixi lamida oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid. m.f.dh, miyirbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirbeel
v. lose consciousness, faint; lose one's wits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirbeel
-ay / miyirbeeshay: (v) faint (feeynt); black out; be comatose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeel
(fal) maanka iyo xiska kala garashada waa. Nin waalan miyirbeel ha ku odhan. Dh: maandoorsan, doorsoon. Li: miyirqab.
miyirbeel -ka: (magac, lab, keli) maanka oo tega oo waxba la kala garan waayo cudur ama jug darteed. Dh: miyirdoorsan, maandoorsan. Li: fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirbeel
de: lose consciousness, faint; lose one's wits
lx: miyirbeel
nt: miyirbeel (ka) [vn-m], miyirbeelid (da) [vn-f]
pd: (miyirbeelay)
ps: v1=intr
key: miyirbeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birjeexnimo
m.dh la-mid: biirijeexnimo.