biinan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biinan
(Biinan-ka)
Cudur maskaxeed oo keena in qofku, wax aan waxba ahayn ka dido, ama ka naxo, ama la boodo, sida wax bayr qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biinan
m.l 1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biinan
m. n., pl. paranoia (mental illness)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biinan
-ka: (n) (paara nooy); a psychotic disorder, paranoia ~ cuqdad nafsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biinan
-ka: (magac, lab, keli) in qofku wax aan waxba ahayn ka dido ama ka naxo oo ka boodo, sidii wax bayr qaba. Nin biinaan qaba ayaa ii dirtay taliye. Dh: baydad, bayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biinan
de: paranoia (mental illness)
lx: biinan
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: biinan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biiran
inch. v. be increased
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biiran
de: be increased
lx: biiran
pd: (biirmay)
ps: v1=inch
key: biiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayr
(Bayr-ta)
Iin maanka iyo muruqyada ku dhacda oo wax aan la hubsan lala boodo ama laga dido ama laga cararo; salaaf; biinan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayr
bayr¹: m.l 1. Nuxurka hadal, dood iyo wixi lamida ku saleysanyahay. 2. la-mid: bayrid.
bayr²: m.dh Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda dhan u weecasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayr
bayr¹: m.l Nuxurka hadal, dood iyo wixi lamida ku saleysanyahay.
bayr²: m.dh Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda dhan u weecasho. m.f.dh, bayrid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hydrophobia
/hydrofobiya/ (n) 1. cudur xoolaha ku dhaca oo waala. (n) 2. cabsi ama biinan ka-qabista biyaha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paranoia
/paaranooya/ (n) biinan, cuqdad nafsi (cudur maanka gala oo qofku shaki miiran noqdo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
épingle
épingle, n.f. - qodax; biin.
épingle de sureté - biinan dheerdheer; biinka dharka laysugu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifane
m.l Digir ama badar la dubay oo biyo lagu bilbilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifayn
(Biifayn-ta)
1. Biif ka dhigid.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifayn
m.f.dh eeg biifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid: biyo ku bilbilid oo ku qoyn.
biifayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin. Dh: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biimayn
(Biimayn-ta)
Biimo ka dhigid; meel cabsi ah gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimayn
m.f.dh eeg biimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax halis gelin. Bimaynta naftaada ka daayoo bannaanka mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsan
biirsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax biiray noqosho.
biirsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax biiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsan
(fal) intii hore ka bado, ka siyaad intii hore, wax biiraya noqo. Biirsan oo barakoow oo balaayo kuma hesho. Dh: korodh, bado.
biirsan: (tilmaame) wax siyaadsan, la kordhiyey, la biiriyey, in dheeri ah lagu daray. Sadkaagu wuu biirsanyahay ee qaado. Dh: korodhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikilan
bikilan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Weel wax buuxsamay noqosho.
bikilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Weel wax la bikilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilnaan
m.f.dh eeg bilan. la-mid: bilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bilan oo qurxoon ahaan. Qof walba bilnaanta qaabkiisa wuu jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinayn
* (Miinayn-ta)
Miino gelin, ku aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinayn
m.f.dh eeg miinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) miino dhigid: miino qaraxda xidhid. Dh: miinays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biin
* (Biin-ka)
Qodax bir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biin
m.l (-nan, m.l) 1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biin
m.l (-nan, m.l) 1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biin
m. n. safety pin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biin
ka: (n) [Pl. biinan-ka] 1. pin (piin) 2. safety pin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biin
-ka: (magac, lab, keli) bir yar oo isku laba jeer iyo in ka badan isku laaban oo siyaabo kala duwan loo adeegsado. Beenka iigu qabo wargadaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biin
de: safety pin
lx: biin
pd: (-ka Pl: biinan (ka))
ps: n4-m
key: biin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inan
1. (Inan-ka) a) Wiil, barbaar (ha la dhalo ama yaan la dhalin). b) Wiilka la dhalay (ha yaraado ama ha weynaado).
2. (Inan-ta) a) Gabadha la dhalay, haba yaraato. b) Gabar (la dhalay ama aan la dhalinba) la gudey welina aan la guursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inan
inan¹: m.l (-ammo, m.dh) 1. Wiil. 2. Nin dhalin yar. 3. la-mid: iran (2).
inan²: m.dh (-amo, m.l) 1. Gabar. 2. Gabar gaartey da'dii guriyeelashada welise aan la guursan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inan
inan¹: m.l (-ammo, m.dh) 1. Wiil. 2. Nin dhalin yar. 3. la-mid: iran (2).
inan²: m.dh (-amo, m.l) 1. Gabar. 2. Gabar gaartey da'dii guriyeelashada welise aan la guursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inan
m. n. boy; son, male child
inan: [feminine] n. girl; daughter, female child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inan
-ka: (n) boy (booy); son (san) ~ wiil
inan -ta: (n) girl (geerel); daughter (dhooter) ~ gabadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inan
-ka: (magac, lab, keli) qof lab oo da' yar oo aan weli guursan. Dh: wiil. Li: gabadh.
inan-ta: (magac, dhedig, lab) qof dheddig oo da' yar oo aan weli la guursan. Dh: gabadh. Li: wiil.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biisa
-da: (n) pizza (piitsa)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biita
Beta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilay ahaansho. m.f.dh, bilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bilan
magac loo baxsho gabadh quruxda abuurka ay u dheertahay lebbis iyo qalab lagu bilay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilan
(tilmaame) wax qurxoon; wax la qurxiyay. Marwo bilan baro loogu hoydaa. Dh: bilicsan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Binin
name-m small; tiny
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diina
name-f religious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miian
-ka: (n) solution (soluushiri)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minan
m.l la-mid: min¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minan
m. n. house, home
minan m. n. large basket used as a measure for dates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minan
-ka: (n) home (hoom); residence (rez'idansi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinan
Siman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinan
sinan¹: f.mg1 (-nmay, -nmantay; -nmi) la-mid: siman¹.
sinan²: f.mg4 (-nnaa, -nnayd) la-mid: siman².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinan
inch. v. be smooth, level ~ equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinan
-sinnaa / sinnayd: (adj) level (leval)-, smooth (is-muuth); horizontal (hori-zental)-, same level; even (i-van) ~ siman, is-le'eg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinan
-ka: (magac, lab, keli) aan kala dheerayn; siman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinan
de: be smooth, level ~ equal
initial: s
lx: sinan
pd: (sinmay)
ps: v1=inch
see: siman
key: sinan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—iina
(suffix) your (plural). Ex: gurigiina; your house ~ kiina
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baanan
vl. pron., neg. I ... not,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baanan
(v) it is the one I didn't... Ex: Ali baanan arag; Ali is one I didn't see
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baanan
de: I ... not + [FOCUS] = baa + aan (neg) + aan (vpro)
lx: baanan
ps: focus + vpro + neg
xe: Ali is the only one I did not see.
xv: Cali keliya baanan arkin.
key: baanan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bii'ad
m.dh la-mid: bey'ad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bii'ad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bey'ad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biicin
(Biicin-ta)
Iib ku doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicin
m.dh eeg biici. la-mid: beecin, beecis, biicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax iibin; alaab gadid. Biicinta waa lagu kala nasib badan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifay
(fal) biyo ku dar, ku bilbil, ku qoy. Horey u tun hadhuudhka waan kuu biifaye. Dh: biifee.
biifay: (fal) wax qurux badan ka dhig. Waan biifay marmarka guriga gudo iyo dibad. Dh: qurxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilin
-ta: (magac, dhedig, keli) biil siin. Dh: biilid, masruufid, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimay
(fal) wax halis geli. Baabuur lalaayoo, haad baalle mooddoo, fananaaya buur dheer, isma odhan ka boodoo, nafta sow ma biimayn. Dh: biimee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Biinle
nickname; name-m pinned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biinso
-biinsada: (n) [Pl. biisooyin- ka] pincers (pin saris); pliers (palaayaris) ~ kelbed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqad
-da: (magac, dhedig, keli) kolka intii hore laga tiro yarado ee lakala biiqbiiqo. Kala biiqad ayaa ku dhacay ciidankii. Dh: tafaraaruq. Li: midaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirin
(Biirin-ta)
Gundhig hadba wax yar ku sii darid si uu u bato; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirin
m.f.dh eeg biiri. la-mid: biiris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku darid. Biirinta mishaarada waxa laga sugayaa batroonka. Dh: siyaadin, kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcan
(Bilcan-ta)
Naag la guursadey; haweeney; (ama bilcaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcan
bilcan¹: m.dh.u Haweeney la guursaday. la-mid: bilcaan.
bilcan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilcan
m.dh.u Haweeney la guursaday. la-mid: bilcaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilcan
f. n. married woman; lady
bilcan v. marry, take a husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcan
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeneyda iyada oo bikir ah la guursaday. Bilcan dumar ah bannaan iyo bahal looma dhaafo. Dh: bilcaan, marwo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Billan
name-f promoter; beautiful; improvement. Syn: Bille
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilqan
(alaab, kd.) aan urursanayn ee kala firirsan, daadsan, filqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilqan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bilqay ahansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilqan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bilqay ahansho. m.f.dh, bilqanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilqan
der. [adjective] spread (across), scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilqan
(adj) scattered over a surface in a layer; dispersed, dissipated, dispelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilqan
-ka: (magac, lab, keli) agab aan habaysnayn ama aan urursanayn oo kala firidhsan. Bilqan alaab u wada taallaa meesha ka buuxda. Dh: filiqsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilqan
de: spread (across), scattered rw: biliq
lx: bilqan
pd: (bilqanaa)
ps: adj-der
key: bilqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilyan
m.l (-nno, m.dh) Tiro ka kooban kun meelood oo min milyan ah; kun milyan; “1.000.000.000”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilyan
m.l (-nno, m.dh) Tiro ka kooban kun meelood oo min milyan ah; kun milyan; 1.000.000.000.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bilyan
Billion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilyan
num: billion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilyan
-ka: (n) billion (bil-yan); [1,000,000,000]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilyan
-ka: (magac, lab, keli) tiro u dhiganta kun malyuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilyan
de: billion {Eng}
lx: bilyan
pd: (-ka)
ps: num-m, n2-m
key: bilyan