biile
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIILE
(Bile) NFD Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
May, S Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biile
-ha: (magac, lab, keli) cows ka baxa dooxyada iyo jeexjeexyada laagaha dhinacyadeedo. Biile badan baa ka baxay dixaha baashooda. Dh: birqin.
biile-ha: (magac, lab, keli) qaybta kor uga baxda galleyda ee xajiinta leh ka hor inta ayna yixda soo saarin oo bacrimiya. Biilihii bay tuurtay gallaydii.
biile-ha: (magac, lab, keli) tif yar oo sare uga baxa doogga qaarkii oo farraaqyo yaryar oo xajiin leeh bixiya oo markuu roobku da'o biqla, sida dareemada, ramaska iyo alaalida iyo waxii la mid ah. Bilihii dareemadaa indhaha naga galay
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Biinle
nickname; name-m pinned
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biil
biil¹: m.l Kharash maalmeedka ama bileed; masaruuf.
biil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biil
biil¹: m.l Kharash maalmeedka ama bileed; masaruuf.
biil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid. m.f.dh, biilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biil
m. n. maintenace money for daily expenses
biil v. give someone money for daily expenses, maintain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biil
-ka: (n) maintenance (meyn-ta- nansi); as of a family, with the necessities of life; support (sa-poort) ~ masaariif.
biil -ay/shay: (v) provide for or maintain, by supplying with money or necessities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biil
(fal) masruuf sii. Bahda weyn iyo bahda yar isku si u biil. Dh: quudi, biili.
biil-ka: (magac, lab, keli) nafaqo ama quud siin. Dh: masruuf.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bile
Xamayti
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bile
(n) a bitter, alkaline, brownish-yellow or greenish-yellow liquid that is secreted by the liver, stored in the gall bladder, and discharged into the small intestines and that aids in digestion, chiefly by dissolving fats.
dheecaanka xameetida
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bile
/bayl/ (n) xammeeti (dheecaanka beer-kutaasha ku jira)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bile
s.f. - xameeti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bile
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa lagu farxay oo gabdho badan ka daba dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bile
-ha: (magac, lab, keli) qof wax hagaajiya oo qurxiya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bile
bile, n.f. - dheecaan qaraar oo beerku ku soo daayo marka cuntada dheef-shiidkeedu socdo oo wax ka tara dheef-shiidka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bile
n., dacar, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bible
/baybal/ (n) kitaabka kiristaanka
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bible
/baybal/ (n) kitaabky diinty kirishtaangky.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bible
bible, n.f. - Kitaabka Masiixiyiinta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Bible
n., Tooraad iyo Injiil, Tooraadka iyo Injiilka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biili
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo cuqdad raagtay u hayn. Biili buu u qabay ninkuu dilay taniyo berigiiye. Dh: utun, eel.
biili: (fal) bil sii, quud sii. Biili ciyaalka oo daryeel. Dh: masruuf, quudi, nafaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Lacag biil ka dhigasho; masruufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Lacag biil ka dhigasho; masruufasho. m.f.dh, biilasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIILO
(Bilo) NFD Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
May, S Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biime
(Biima-ha)
Meel cabsi leh ama aan nabaddeeda la hubin oo kas iyo ogaal loogu bareero; wax in lagu liibaani doono ama lagu hoogi doono, aan la kala hubin, kas u samayn; (ama biimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biime
m.l B. ah: qof wax cabsi leh ama meel aan nabadgelyadeedu sugnayn u bareera. la-mid: biimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biime
m.l B. ah: qof wax cabsi leh ama meel aan nabadgelyadeedu sugnayn u bareera. la-mid: biimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biime
m. n. challenge, taking a chance, risk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biime
-ha: (magac, lab, keli) meel ama wax cabsi leh oo aan nabadgelyadeeda la hubin oo si kas iyo maag ah loogu badheedho. Biime maalkaaga iyo naftaada ha gelin. Biimaa beer falata. Dh: biimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biime
a: biimo [n6-f]
de: challenge, taking a chance, risk
lx: biime
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: biime
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biire
m. n. pen, ball-point pen, byro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biire
biiraha: (n) ballpoint pen ~ qalin biire
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biire
de: pen, ball-point pen, byro {It}
lx: biire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: biire
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bille
name-m promoter; beautiful; improvement. Syn: Billan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqle
(Biqla-ha)
(gammaan) lugaha danbe oo wax lagu haraatiyo; biibbiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqle
m.l 1. la-mid: biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. la-mid: biqlo. Sarreen magooliyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biqle
m.l 1. la-mid: biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. la-mid: biqlo. Sarreen magooliyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biqle
m. n. backwards kick (of a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biqle
-biqlaha: (n) backward kick of an animals, especially donkey or horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqle
-ha: (magac, lab, keli) labada lugood ee dambe oo wadajira oo wax lagu haraatiyo. Biqle dameer nin leh ma jabshee nimaan lahayn buu jebiyaa. Dh: biibiile.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biqle
de: backwards kick (of a horse)
lx: biqle
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: biqle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiile
-ha: (magac, lab, keli) cawska engegey fulfulka kasoo baxa. Dh: fuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kiile
magac loo baxsho wiil ay hooyadii cadaadis iyo wax ay raali ka ahayn la kulmaysay xilligay uurka lahayd. Waxa kale oo loo baxshaa wiil ay hooyadii dhib la kulantay kolkii ay foolanaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miile
(Miila-ha)
Kal; moogtan; jil; meerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miile
m.l Toogeysiga wax lagu kaltamo. la-mid: miilo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miile
m.l Toogeysiga wax lagu kaltamo. la-mid: miilo. miin m.dh Duuduubka haragga dadku yeesho, da' awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miile
m. n. turn, time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miile
-miilaha: (n) tour, rotating shift or period of duty or participation; shift (shift); turn (teen); schedule (iskaj wel); timetable (taaym teeybal) ~ moogaysi, kaltan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miile
-ha: (magac, lab, keli) qaybatmidda wax la wada leeyahay; tare: doorad; kaayo. Nin walliba milihiisa ha eegto. Dh: kayo, meerto, jil.
miile-ha: (magac, lab, keli) toogeysiga wax lagu kaltamo. Dh: miilo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miile
cf: kal, meerto
de: turn, time
lx: miile
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miile
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
guilty
/gilti/ (adj) dam-biile. e.g. He is not guilty.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abriile
m.dh la-mid: abriil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Abriile
n. April
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Abriile
de: April
lx: Abriile
pd: (/da)
ps: n0- -time
see: Abriil {It}
key: Abriile
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bidixle
left-footed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixle
-ha: (magac, lab, keli) qof gacanta bidix adeegsada. Aadan waa bidixle. Dh: gurrane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biligle
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo iftiin biligbilig ah bixinaya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tabiile
name-m skilled, clever, tactful
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ariile
m. n. trader of sheep and goats, goat merchant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ariile
-ariilaha: (n) exporter of goats and sheep ~ arile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariile
-ha: (magac, lab, keli) reer adhi ma ahee, xoole kale an lahayn ama ay ku yaryihiin; reerguuraaga adhiga uun dhaqda. Dh: adhiile.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ariile
de: trader of sheep and goats, goat merchant
lx: ariile
pd: (/ha Pl: ariiley (da))
ps: n7-m, n5b-m
key: ariile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badile
-ha: (magac, lab, keli) qof wax kala beddela oo wax isweydaariya. Badilaha u dhiib taayirka ha banjariyee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barile
s.m. barmiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biglee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Iftiin kala googgo'an oo is daba jooga samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biglee
(fal) iftiin siinyaal ah bixi. U biglee sida gaaraabildhaanka.
biglee: (fal) orod isa sii daa oo meel fog ha lagaa sii arko. Carar oo sii biglee yaan lagu soo qabane. bihimbih: (fal) si soo jiidasho iyo is jecleysiin ah isku looxloox oo u ag socsoco. Weligaaba bihinbih waxaad tahay waa lagu ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Wax, wax aad u cad ka dhigid; qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biifee
v. spray; beautify, whiten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifee
(fal) dusha biyo xafiif ah ama subag kaga saydhi oo ku biifi. Gorowga kolkaad shuqlayso biifee. Dh: biif.
biifee: (fal) qurxi oo caddee. Caruusadda wejiga u biifee. Dh: biifay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biifee
de: spray; beautify, whiten
lx: biifee
pd: (biifeeyey)
ps: v2b=
key: biifee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biil_1
de: maintenance money for daily expenses
hm: 1
lx: biil
pd: (-ka Pl: biilal (ka))
ps: n4-m
key: biil_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biil_2
de: give s.o. money for daily expenses, maintain
hm: 2
lx: biil
pd: (biilay / biishay)
ps: v1=tr
key: biil_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilin
-ta: (magac, dhedig, keli) biil siin. Dh: biilid, masruufid, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilis
-ka: (magac, lab, keli) dad ama reer biilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti iyo wixi lamida biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti iyo wixi lamida biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid. m.f.dh, biimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biimee
v. take a chance, risk, put at risk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biimee
-yey/biimaysay: (n) take a risk; expose to a chance of loss or damage; danger (dheen-jar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimee
(fal) nafta hur oo meel ama wax halisi ay ka jirto ku sii daa. Naftu kol bay dhimane dabbaasha isku biimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biimee
de: take a chance, risk, put at risk
lx: biimee
pd: (biimeeyey)
ps: v2b=
key: biimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: ballee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
billet
billet, n.m. - Tigidh; shati (sida tigidhka diyaaradda lagu raaco.)
billet lettre - warqad yar oo marti qaad ah
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
billet
n., (log of wood) xulad or xulod, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Biqle samayn (dameer, faras, iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Biqle samayn (dameer, faras, iyo wixi lamida). m.f.dh, biqlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biqlee
v. kick backwards (of a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlee
(fal) ku harraati labada lugood ee danbe oo wada jira. Dh: jaflee, biibiilee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biqlee
de: kick backwards (of a horse)
lx: biqlee
pd: (biqleeyey)
ps: v2b=
key: biqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cunto bisayl ka dhigid. 2. Arrin si aan go'aankeeda loogu dhibtoon u gogol xaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bislee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cunto bisayl ka dhigid. 2. Arrin si aan go'aankeeda loogu dhibtoon u gogol xaarid. m.f.dh, bislayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bislee
v. cook; ripen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bislee
-yey / bislaysay: (v) cook (kuukf, make well-done ~ kari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislee
(fal) si wanaagsan u kari, wax la cuni karo oo bisil ka dhig. Dh: kari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bislee
de: cook; ripen
lx: bislee
pd: (bisleeyey)
ps: v2b=
key: bislee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixiye
m.l Fandhaal weyn oo dabo dheer leh kana samaysan qori oo raashinka lagu gurto.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bixiye
Emitter