biifays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifays
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku bilbilid oo ku qoyn. Biifayskii baa ka badisay ka jooji biyaha.
biifays -ka: (magac, lab, keli) wax qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifay
(fal) biyo ku dar, ku bilbil, ku qoy. Horey u tun hadhuudhka waan kuu biifaye. Dh: biifee.
biifay: (fal) wax qurux badan ka dhig. Waan biifay marmarka guriga gudo iyo dibad. Dh: qurxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifayn
(Biifayn-ta)
1. Biif ka dhigid.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifayn
m.f.dh eeg biifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid: biyo ku bilbilid oo ku qoyn.
biifayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin. Dh: caddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimays
-ka: (magac, lab, keli) biimo ku samayn: halis ku ridid. Biimayska markii horeba adaa i geliyey ee iga saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifaysan
(tilmaame) wax qurxoon. Dhar biifaysan ii soo saar. Dh: quruxsan, caddaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixays
-ka: (magac, lab, keli) bidixaynta ku lisid. Bidixays ku lis hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biitaysi
m.l Guuguun. la-mid: biitaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biitayso
f.mg3 (-saday, -satay) Biito ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigays
-ka: (magac, lab, keli) bigaynta shaaha. Bigays shah beri horaa iigu danbaysay.
bigays -ka: (magac, lab, keli) shaah aan caano lahayn. Laba koob oo bigaysaan cabbay: Dh: rinji, madow. Li: caddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifis
-ta: (magac, dhedig, keli) biifid ku samayn. Biifiska ka jooji waad caddaysaye. Dh: qurxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimay
(fal) wax halis geli. Baabuur lalaayoo, haad baalle mooddoo, fananaaya buur dheer, isma odhan ka boodoo, nafta sow ma biimayn. Dh: biimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birays
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah birayn. Birays ha la seegin wanka. Dh: xalaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifays
-ka: (magac, lab, keli) sifayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifane
m.l Digir ama badar la dubay oo biyo lagu bilbilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biimayn
(Biimayn-ta)
Biimo ka dhigid; meel cabsi ah gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimayn
m.f.dh eeg biimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax halis gelin. Bimaynta naftaada ka daayoo bannaanka mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlays
m.l la-mid: biqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlays
-ka: (magac, lab, keli) biqlo samayn oo boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciidayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg miinayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiimays
vl. n. evaluation, appraisal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiimays
-ka: (n) appraisal (ap-reeysal) ~ see also [eeg] qiimayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qiimayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiimays
de: evaluation, appraisal
lx: qiimays
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qiimays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifays
-ka: (magac, lab, keli) shifo wax ku cunid ama ku cabbid: shifaysasho: shifaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigays
-ka: (magac, lab, keli) siigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wiidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisays
-ka: (magac, lab, keli) xiiso u qabid; xiise u hayn. Dh: xiisayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biitaysad
m.l la-mid: biitaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diifaysan
Diifi ku taal ama ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax diifi hayso ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifaysan
der. [adjective] weak, worn out, exhausted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diifaysan
(adj) weary; fatigued; exhaust; tire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifaysan
(tilmaame) mid diifi ku taal oo dhibaatadu dushiisa ka muuqato. Xoolo diifaysan ayaa dooxa daaqaya. Dh: dhibaataysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifaysan
de: weak, worn out, exhausted
lx: diifaysan
ps: adj-der
key: diifaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadays
-ka: (magac, lab, keli) siifadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo si hagar ama dhagari ku jirto u qabad; hawl si aan qummanayn loo qabto.
bidixayn -ta: (magac, dhedig, keli) xagta bidix ka lissid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda oo is daba joog ah loo sameeyo. Biiqlayn badana ma dhoortaxaliil baa dabada gashay. Dh: biilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicaws
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumara oo la guursadey oo yabyabato ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilisayn
(Bilisayn-ta)
1. Bilis ka dhigid; xorayn.
2. Gudid (gabdho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilisayn
m.f.dh eeg bilisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dumar ka dhigid. Bilisaynta dumarkoo kaluu ka dhigay raganimadi doobeede. Dh: naagayn.
bilisayn -ta: (magac, dhedig, keli) gabar da' yar gudid; xalaalaynta gabadh yar. Dh: gabdhaggudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysi
m.l la-mid: bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysi
-ga: (magac, lab, keli) karsasho oo wax bislaaday ka dhigasho. Bislaysiga cuntadayda waan ka adagahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bislayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon. m.f.dh, bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayso
(fal) cuntadaada karso. Qadada bislayso bisle: magaca loo baxsho wiil dhashay isaga oo leh timo jilicsan oo bis ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciirayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho. m.f.dh, ciiraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirayso
v. become pale (travel worn); gray something for oneself, make something dusty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirayso
(fal) ciiro u samayso ama u yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciirayso
de: become pale (travel worn); gray s.t. for oneself, make s.t. dusty
lx: ciirayso
pd: (ciiraystay)
ps: v3b=
key: ciirayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirifayn
m.dh 1. (fiisikis) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlabdanabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiisikis) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirifayn
m.dh 1. (fiisikis) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiisikis) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicnays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiicnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hiiraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiirayso
(fal) aroor hore kallah; muuni jarmaad. Hiirayso intaan cadeeddu ku qaban waa xagaaye. Dh: kallah.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jiifayya
être couché, dormir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinayso
f.mg3 (-stay, -satay) Miin yeelasho (wax).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinayso
v. be covered with wrinkles ~ creases
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinayso
de: be covered with wrinkles ~ creases (of skin or beans that are half cooked)
lx: miinayso
pd: (miinaystay)
ps: v3b=intr
key: miinayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg milixayn. milixaysan: (tilmaame) milix lagu daray ah; milix leh. Dh: cusbaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimayso
(fal) inta shey la siinayo, adigu dejiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shifaysi
(Shifaysi-ga)
Shifaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifaysi
m.l la-mid: shifaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifaysi
-ga: (magac, lab, keli) shifaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kalsooni iyo iimaan ku qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shifayso
v. eat one's food in peace after saying the blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifayso
(fal) shifo wax ku cun, ku cab; calafso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shifayso
de: eat one's food in peace after saying the blessing
initial: s
lx: shifayso
nt: shifaysad (ka) [vn-m], shifaysasho (/da) [vn-f], shifaysi (ga) [vn-m]
pd: (shifaystay)
ps: v3b=tr
key: shifayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigaysi
vl. n. masturbation, act of masturbating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siigaysi
-ga: (n) masturbation (master-beey-shin) ~ seegaysi, seego
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigaysi
de: masturbation, act of masturbating {C & S}
initial: s
lx: siigaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: siigaysi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siigaysi
العادَةَ السِّرِّيَّة، اسْتِمْنَاء
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigayso
v. masturbate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siigayso
-siigaystay / siigaysatay: (v) masturbate (mas-ter-beeyt) ~ seegeyso, siigeyso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigayso
de: masturbate {C & S}
initial: s
lx: siigayso
pd: (siigaystay)
ps: v3b=
key: siigayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidaysi
-ga: (magac, lab, keli) wiidaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidayso
(fal) iftiin bidhaanso.
wiidayso: (fal) halkuu marayaba isha ku hay oo la soco. Wiidayso yuuna kaa baxsane.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bias
Xaglis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bias
/bayas/ (n) eex, dhan u ilasho (dhan u eexasho), aan go'aan miisaaman lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biif
(Biif-ka)
1. Biyo ku kor shubid; qoyn.
2. Qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biif
biif¹: m.l 1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iyo wixi lamida marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. la-mid: biifid.
biif²: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Badar, digir iyo wixi lamida oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biif
biif¹: m.l 1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iyo wixi lamida marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. Caddayn.
biif²: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Badar, digir iyo wixi lamida oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin. m.f.dh, biifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biif
v. spray; decorate, beautify; whiten
biif vl. n. act of spraying; beautification, beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biif
(fal) wax ishu qabato oo loo bogo ka dhig. Dhalaalkeeda muraayadda eeg waan biifay. Dh: qurxi, cadday.
biif -ka: (magac, lab, keli) midab caddaan saafi ah, wax ishu qabaynayso oo qurxoon. Halkay bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fays
m.dh Catir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afays
m.l la-mid: afayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
biais
biais, n.m. - Duwid; Dhinac u qalloocin; aan toosnayn.