bigbig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbig
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidh
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin yar oo si dhakhso badan marna daarmaya marna demaya. Garabildhaanka bidhbidha hayaa ilaa waaga berigiisa. Dh: biligbilig, birbir, bigbig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biig
(Biig-ga)
Warqadaha turubka intaan midabka lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biig
m.l.u 1. Warqadaha turubka inta u dhexeysa labaalaha ilaa shanlaha (ama tobanlaha). 2. Wax qiimo sidaa ah lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biig
m. n., [collective] playing card of low value
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biig
-ga: (n) the low value playing cards from two till ten ~ [opposite of ran]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biig
-ga: (magac, lab, keli) warqadaha turubka inta aan ranka ahayn, labaaluhu ugu hooseeyo tobanluhuna ugu sarreeyo. Biig ma haysataa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biig
de: playing card of low value
lx: biig
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
xv: ace through five
key: biig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigil
m.l (-llo, m.dh) (muus.) Qalab muusig hawada ku shaqeeya, labada dacal ka furan, leh daloolo sawdkeeda lagu codeeyo oo sida badan ay ciidammadu isticmaalaan, turumbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bigil
m. n. bugle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigil
-ga: (magac, lab, keli) qalab u samaysan sida buunka oo ciidamadu u isticmaalan siiyaaba kala duwan, marka la afuufo cod dheer ka soo baxo. Dh: turunbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bigil
de: bugle {Eng}
lx: bigil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bigil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilig
(Bilig-ta)
Iftiin ama dhalaal yar oo muuqashadiisa iyo qarsoomiddiisu isu dhow yihiin; big; bidhaan; walac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilig
m.dh.sh.r If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilig
m.dh.sh.r If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilig
f. n. twinkle, blinking, flashing
bilig v. twinkle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilig
-ta: (magac, dhedig, keli) lagu tusmeeyo if yar oo hal mar meel fog ka bildhaamay. Hillaac bilig yidhi harraad ma baxshee, muxuu hormarkaagu ii tari. Dh: bidh!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isbig
(Isbig-ga)
Afarta jaad oo turubku u kala baxo midkood; saddexda kale waa: Dheemman; Hadhiin iyo Karaawil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbig
m.l Afarta jaad ee uu haadaadka turubku u kala baxo middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbig
m.l Afarta jaad ee uu haadaadka turubku u kala baxo middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbig
m. n. spade ~ spades (playing card suit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbig
-ga: (n) [playing cards] spade (speeydh) ~ turub-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbig
-ga: (magac, lab, keli) afarta nooc ee turubka nooc ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbig
cf: dheemman, hadhiin, karaawil, turub {Eng}
de: spade ~ spades (suit in playing cards)
lx: isbig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: isbig
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bibbia
s.f. - kitaabka diinta masiixiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibii
biibii! (ereycodeed) tusmeeya codadka hoonka ee isdabajoogga ah ama codka ka soo baxa biiqiiqda. Dh: dhiidhii, biiqbiiq, biibiib!
biibii-da: (magac, dhedig, keli) dhuun yar oo laga bixiyo qudaxda dhammaajada xilliga ay curdinka tahay. Biiqbiiqda adhijirtu afuufayso bartan baa laga maglaa. Dh: biiqbiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilbil
(Bilbil-ka)
1. Biyo ama wax la mid ah oo meel sida roobka loogu firfirdhiyo; rushays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbil
bilbil¹: m.l 1. Firdhinta biyo iyo wixi lamida sida dhibcaha roobka meel loogu firdhiyo. 2. Nin gabdhaha taataabta. 3. la-mid: bilbilid.
bilbil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Biyo iyo wixi lamida meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilbil
bilbil¹: m.l 1. Firdhinta biyo iyo wixi lamida sida dhibcaha roobka meel loogu firdhiyo. 2. Nin gabdhaha taataabta.
bilbil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Biyo iyo wixi lamida meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho. m.f.dh, bilbilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilbil
v. spray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilbil
-ay / bilbishay: (v) sprinkle (is-prin-kal); spray (ispareey) with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbil
(fal) ku biyo sida roobka oo kale ugu daadi oo ku firdhi. Dh: rush, biifi.
bilbil-ka: (magac, lab, keli) biyo meel lagu firdhiyo. Bilbil yar ku samee hadhuudhka. Dh: biif, rushays. bilbil -ka: (magac, lab, keli) noole labo qalbac ah oo ku nool badda gunteeda, luulku dhexdiisa ka baxo lagana gurto. Bilbil badda gunteeda lagama waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilbil
de: spray
lx: bilbil
pd: (bilbilay)
ps: v1=
key: bilbil
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilbil
رَشَّاشَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birbir
(Birbir-ka)
If yar oo degdeg hadba u daarma haya oo u demaya; dhaldhalaal; bidhaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birbir
v. sparkle, twinkle, blink, flicker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birbir
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaldhalaal ama iftiin isdabajoog ah. Birbirta tiriiggaa indhaha naga qaadday. Dh: bidhbidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birbir
de: sparkle, twinkle, blink, flicker
lx: birbir
pd: (birbiray)
ps: v1=
syn: bidhaan, big, bilig, walac
key: birbir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugbug
bugbug!: eeg bambam!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdig
m.dh Dafdaf iyo faan been ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digdig
vl. n. bluffing, pretending to possess qualities that one doesn't have; boasting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digdig
de: bluffing, pretending to possess qualities that one doesn't have; boasting
lx: digdig
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: digdig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jigjig
(tilmaame) tiro dhan kun faras.
jigjig: (ereycodeed) lagu tilmaansado wax badan oo iska daba dhacay ama dhicistiisu soo noqnoqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liglig
(Liglig-ga)
1. Saabka weelasha qaarkood loo sameeyo iyo gadowgiisa kore, ilkaha ka soo taagtaagan.
2. Qoryo isweydaarsan oo qunbaha afkiisa lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liglig
liglig¹: m.l.u 1. Saabka weelasha loo sameeyo ganaha ka soo taagtaagan. 2. Qoryo iswaydaarsan oo qumbaha afkiisa lagu sameeyo.
liglig²: f.g1 (-gay, -gtay) Ruxruxid, dhaqdhaqaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liglig
f.g1 (-gay, -gtay) Ruxruxid, dhaqdhaqaajin. m.f.dh, ligligid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liglig
m. n. strap, handle
liglig v. shake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liglig
-ay / tay: (v) rock (rook)-, move back and forth or from side to side ~ gilgil, liiliiji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liglig
(fal) liilliiji oo dhaqdhaqaaji.
liglig -ga: (magac, lab, keli) geer meesha u sarraysa u dhaw oo in laga dhaco ay halis tahay. Ligligga mar oo ha siblane is ilaali. Dh: girgir.
liglig -ga: (magac, lab, keli) qoryo iswedaarsan oo qunbaha afkiisa lagu sameeyo.
liglig -ga: (magac, lab, keli) ilko loo sameeyo ee ka soo taagtaagan gawyada iyo saabka weelasha gaarkood.
liglig -ga: (magac, lab, keli) saabka weelasha loo sameeyo ee ganaha ka soo taagtaagan.
liglig -ga: (magac, lab, keli) qoryo iswaydaarsan oo qumbaha afkiisa lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrig
rigrig¹: m.l Tolmo lagu celceliyo, la adkeeyo. la-mid: rigrigo.
rigrig²: f.g1 (-gay, -gtay) Weel rigrigo afka kaga tolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrig
(fal) rigrig u samee.
rigrig-ga: (magac, lab, keli) tolmo tidic ah oo weel geerkii lagu sameeyo. Rigrig adag u samee afka dhiisha si daboolku u qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigtig
(Tigtig-ga)
Xirmo, tolmo u eg, oo wax ballaaran ama af weyn leh qarkiisa xoog isugu soo uruurisa oo isu keenta oo xirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtig
tigtig¹: m.l la-mid: tigtigid.
tigtig²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax la tolayo ama la xirayo dhuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtig
v. cinch; lock stitch; tie up tight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tigtig
-ay / tay: (v) pull tight; make tight or tighter; tighten (taay-ten); draw tight.; stiffen (istifan) ~ tog, giiji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtig
(fal) wax debecsan oo kala soocan kala xidhxidh oo yaanu dhaqdhaqaaqin.
tigtig-ga: (magac, lab, keli) xidhmo tolmo u eg oo wax balaadhan ama af weyn leh qarkiisa xoog isugu soo ururisa oo isu keenta oo xirta
tigtig: (ereycodeed) lagu sifeeyo socod aan dheellitirrayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtig
de: cinch; lock stitch; tie up tight
initial: t
lx: tigtig
nt: tigtig (ga) [vn-m], tigtigid (da) [vn-f]
pd: (tigtigay)
ps: v1=tr
key: tigtig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbangi
-da: (magac, dhedig, keli) aragtida odhanaysa in uu uunku ka dhashay maatar urursanaa oo inta uu cufnaandhaafay qarxay. Bigbangidu waa aragti aan diin cuskanayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
begging
n., baryo, -di, dawarsi, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bigamie
bigamie, n.f. - Ninka labada naagood qaba, nin laba xaas leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbili
-ga: (magac, lab, keli) nooc basbaaska ka mid ah oo aad u kulul. Bilbili ninkii cunaa saw afku dhillikh noqon maayo. Dh: barbari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilo
bilbilo¹: m.l 1. Koor yar bir ka sameysan oo lo'da loo xiro; dawan. 2. Muuqaal qurux badan.
bilbilo²: f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku rusheysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilbilo
f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku rusheysasho. m.f.dh, bilbilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilo
(fal) iskaa biyo ugu biifbiifso; rushrusho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bililig
-ta: (magac, dhedig, keli) hillaac meel fog ka baxaya. Bililig hillaac gu' bilowday baa leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Binding
Xoog Isuhayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
binding
/baayndhing/ (n) 1. in la addeeco ay khasab tahay (heshiis, ballan) 2. kalbada buugga (jaldi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhig
birdhig¹: m.l la-mid: birdhigid.
birdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid. m.f.dh, birdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhig
(fal) «u ~» marka lagu farayo inaad iska caabbin la timaadod. U birdhiga cadawgiinna oo baallaha ka gala oo baqashada dhaafa. Dh: jilibdhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitilig
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar qaadid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
briglia
s.f. - xakame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digdigo
(Digdiga-da)
Kob cag'adayg ah oo sinsiman ama ciiddeeda aad loo garaacay oo si adag loo nabay, sida goobaha lagu cayaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdigo
m.dh Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digdigo
f. n. ground cleared and made hard (for sports ~ dancing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digdigo
cf: dibir, didib, gawaan, sirsir
de: ground cleared and made hard (for sports ~ dancing)
lx: digdigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: digdigo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
digging
n., qodniin, - ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiig
dingiig¹: m.l la-mid: dangiig¹.
dingiig²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: dangiig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiig
-a: (magac lab, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado. Dh: dangiig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligligo
(fal) liicliic oo inaad dhacdo u dhawow ama sig. Dh: dhagdhaqaa, nugnugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rigrigo
(Rigriga-da)
Tolmo isdhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo serjigeed lagu sameeyo oo dillaaca ka dhawrta; daruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigo
rigrigo¹: m.dh 1. la-mid: rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.
rigrigo²: f.g3 (-gtay, -gatay) Weel rigrig ku tolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rigrigo
f. n. hem, bound edge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigo
-da: (magic, dhedig, keli) tolmo is dhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo kale serjigeeda lagu sameeyo oo dilclillaacca iyo rifanka lagaga ilaasho. Dh: daruur, rigrig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rigrigo
de: hem, bound edge
lx: rigrigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rigrigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtigo
f.g3 (-gtay, -gatay) Weel iyo wixi lamida xarig ku dhuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtigo
v. cinch something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtigo
(fal) alaab si tigtigo ah u xidho; xidhxidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtigo
de: cinch s.t. for oneself
initial: t
lx: tigtigo
pd: (tigtigtay)
ps: v3b=tr
key: tigtigo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bisbiglio
s.m. - faq, faqid(da).