bido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bido
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo dhib badan, dhal baas ah, dadka dhabata ama cawrida. Bido intaanad bido dhihin bay bido ku tidhaahdaa. Dh: qumayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidco
(Bidca-da)
Wax cusub oo aan hor loo arki jirin oo diinta lug ku leh (hab cusub, dhaqan, ...) oo sunnaha ka leexsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidco
m.dh (-ooyin, m.l) (dii.) Dhaqan diimeed cusub oo aan diinta Islaanka ka mid ahayn oo lagu soo daro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidco
f. n. heresy; new religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidco
-bidcada: (n) [Pl. bidcooyin -ka] heresy (heresi); a doctrine which is in conflict with established religious beliefs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidco
-da: (magac, dhedig, keli) wax diinta lagu soo daro Nebiga ka dib oo aan sharcigu oggolayn. Bidco kastaa waa baadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidco
de: heresy; new religion
lx: bidco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bidco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biddo
m.dh (-ooyin, m.l) Bacaad yar ka dhasha dhul geedaha laga guray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biddo
m.dh (-ooyin, m.l) Bacaad yar ka dhasha dhul geedaha laga guray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidho
(fal) kolba si isdabajoog ah in yar afka geli. Habka loo bidhiyo ma aqaan salool cuniddeeye. Dh: halhalayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biido
-da: (magac, dhedig, keli) guddi ku meelgaadh ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-bibanji
m.l Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinacna shan. la-mid: banji-bidooh, biish-bidooh, dooh-bibbiish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-bicaddaan
m.l la-mid: caddaan-bidooh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-bijoohaar
m.l Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. la-mid: joohaar-bidooh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-bisaliim
m.l Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talagalay dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena saddex. la-mid: saliim-bidooh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-bishiish
m.l Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. la-mid: shiish-bidooh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-biyeeg
m.l la-mid: yeeg-bidooh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gabre.
gabro -da: (magac, dhedig, keli) naag dagaal iyo dhib badan. Naago tii gabro ah lagama guursado. Dh: bido. Li: marwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolbooto
-da: (magac, dhedig, keli) naag dagaal badan. Goolbooto lama guursado. Dh: bido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaas
(fal) ka cadhoo oo ka gadood in cid kale lagaa bido. Dh: masayr.
hinaas: (fal) (ka ~) ka ficiltan oo ka dhiidhi, cid aad lammaanahaaga ku tuhuntay.
hinaas -ka: (magac, lab, keli) labo qof oo dagaalama ama wax isku haysta oo mid af ama addin lagala safto, inuu adkaado darted. Dh: hiil, hiillo, danaano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naado
-da: (magac, dhedig, keli) iib fagaare ka socda, oo qofka ugu baayacaad sarreeya laga iibsho. Gurigan waxaa lagu gaday naado.
naado -da: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo la gaadhsiinayo dad badan oo wax iibsanaya ama khabar loo sheegayo.
naado -da: (magac, dhedi, keli) naag xun oo bido ah. naadsan: (tilmaame) wax la naadiyay ciddii lahaydna iman ah. Alaabtani way naadsan tahay oo weli lama sheegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumanyo
-da: (magac, dhedig, keli) qof cawri iyo il leh; naag wax cawrida oo il xun. Qumanyola is kuma doondoonto. Dh: qumayo, bido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bid
f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax dan moodid. 2. (f.g) Cid wax ku tuhmid. 3. (f.mg) Wax dabayl raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bid
f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax dan moodid. 2. (f.g) Cid wax ku tuhmid. 3. (f.mg) Wax dabayl raacid. m.f.dh, bidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bid
v. be blown away, carried away by the wind
bid v. desire, prefer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bid
/bidh/ (v) 1. gorgoro bilaabid (qiimo aad wax ku rabtid soo bandhigid) e.g. He bid $50 for the watch. 2. isku deyid wax inaad samayso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bid
-ay / day: (v) blow by air or by wind; blow (baloow)
bid: -ay / day: (v) [with preposition is-] feel (fiil); believe; think. Ex: maxaad is biday? what do you think you are?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bid
/bid/ (v) gorgortymow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bid
(fal) wax baad leh, hawada duul. Bid oo ha soo degin. Dh: haad.
bid: (fal) timo rif. Wax ku dhacayba timahaygii waa la biday. Dh: rif.
bid-da: (magac, dhedig, keli) jidhka meydka. Waxay Soomaalidu isku habaaraan: «Biddaa huurtay»
bid -ka: (magac, lab, keli) male iyo talo moodis. Dh: malayn, tuhmid, bidis.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bid
v.; do as you are bid, fal sida lugu leeyahay or dhega nuglow (obey); when we are bidden to great feasts, we must take our fine clothes, marka ciid weyn naloo ku yeedho, dhar wanaagsan aan soo huwano or aan so xarragoono; I bade him go home, aqalki qabo baan ku idhi; bid him come in, aqalka hor usoo mar ku dheh or soo gal ku dheh; I am bidding you farewell, nabadgeliyo ayaan ku odhonayaa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bio
pref. - horkabe ku badan ereyo cilmiyeedka, wuxuuna tilmaamaa nolol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ido
(Ida-ha)
(magac wadareed) riyaha maahee jaadka kaloo labaad oo ariga; waxay lee yihiin dhogor badan iyo harag idiin laga dhigo iyo caano aan badnayn; waa calannaqsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ido
m.l Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ido
m.l Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ido
m. n., [collective] sheep; flock of sheep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ido
-idaha: (n) [Plural of lax] sheep (shiip)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ido
(I) Pecora, generico Razza a testa nera e coda grassa;
(E) Sheep, generic, black-headed, fat-tailed stock
(S) Ido (S. g.: Idò, Edò)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ido
-ha: (magacwadareed) adhiga qaybta aan riyaha ahayn. Ido goosan ah buu waraabe halkan ku cunay xalay.
ido -ha: (magacwadareed) lix xiddigood oo dhexdooda ay ku urursanyihiin xiddigo badan oo ay adagtahay sida loo arko. Dh: galgaalli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ido
de: sheep; flock of sheep
lx: ido
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
xe: sheeps milk', laba idayow 'two sheep
xv: lax, wan
key: ido
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ido
صَانٍ، شَاةَ، خَرُوفَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bado
f.mg3 (-atay, -adatay) Wax tiradooda kordhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bado
f.mg3 (-atay, -adatay) Wax tiradooda kordhid. m.f.dh, badasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bado
v. increase, multiply
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bado
(fal) noqo wax intii uu hore u ahaa ka badan; noqo wax sii kordhaya ama sii tarmaya. Bado oo belaaya Eebbe kuma tuso dadkaygow! Dh: taran, korodh, beekhaan, bullaal, biir, beexaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bado
de: increase, multiply
lx: bado
pd: (batay)
ps: v3b=
xe: May his camels be plentiful!
xv: Geeliisu ha bato!
key: bado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidh
(fal) kor u qaad. Bidh boorsada oo baabuurka ila saar. Dh: dallac.
bidh!: ereycodeed lagu tusmeeyo iftiin yar oo hal mar ka baxay meel. Bari buu hillaac bidh ka yidhi. Dh: biliq, bilig, big.
bidh!: (tilmaame) lagu tusmeeyo orod xawaare ah oo mar qudha sida iftiinka loo booddacararo. Tuuggii halmar buu orod bidh yidhi. Dh: bilig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilo
(Bila-ha)
Hadal-weynaha dhexdiisa, hadal yar oo la dhexgeliyo, haddii la doonona laga saari karo, astaamo bilaha qaabkooda leh oo midna horay laga geliyo (bil furan) midna gadaal (bil xiran); (...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilo
f.mg3 (bishay, bilatay) Bil dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilo
m. n., [collective] brackets, parentheses {punctuation}
bilo v. start ~ commence (of a lunar month)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilo
-bilaha: (n) bracket (baraakit); ( ) or [ ] ~ qawsayn, qaws
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bino
-ha: (magac, lab, keli) dhismo guri iyo wax la mid ah. Bino cusub ayaa la wadaa. Dh: dhis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
biro
horizontal bar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biro
m. n., pl. iron, steel; tools; parts
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biro
-biraha: (n) [Plural of bir] metals (metalis); steels (istiilis); irons (aa yanis)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biro
s.f. - qalin biiro ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biro
de: iron, steel; tools; parts
lx: biro
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: biro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bito
(Bita-da)
Ciid aad u fudud oo dabayshu kiciso; aan culays lahayn oo bida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bito
m.dh Ciid jilicsan, buda ah oo ay dabayshu qaaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bito
m.dh Ciid jilicsan, buda ah oo ay dabayshu qaaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bito
f. n., (mass n.): flying dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bito
-da: (magac, dhedig, keli) ciid khafiif ah dabaylshu kiciso. Bitay dabayshu nagu soo kicisay. Dh: budo, boodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bito
de: flying dust
lx: bito
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: bito
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyo
(Biya-ha)
Wax shubma oo aan ur iyo midab iyo dhadhan midna lahayn; waxaa ka samaysma badaha, webiyaasha, harooyinka, durdurrada, roobka, ... kolkay kululaadaan waxay u rogmadaan qiiqbiyood, kolkay qaboobaanna baraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiimika) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiim.) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyo
m. n., (mass n.): water, fluid; sperm, semen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyo
-biyaha: (n) water (wootar)
biyo -biyaha: (n) semen (sii men)-, sperm (ispeerm) ~ shahwo, mino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyo
-ha: (magac, lab, keli) walax dareere ah oo aanu wax ka maarmi karaa dunida aanu jirin, ka kooban labada curiye ee kala ah Haydaroojiin (H) iyo 2 Ogsiijiin (O) oo isu tegay, aan ur, midab iyo dhadhdhan toona lahayn, qaata kolba weelka ay ku jiraan qaabkiisa, waxay ku baylaan 100°, waxayna ku barafoobaan 0°, waxay ka samaysmaan badaha, webiyada, harooyinka waaweyn marka heerkulka cadceeddu ku dhaco ayuu uumi ka baxaa, uumigaas ayaa daruuro isu baddala. kaddibna qabooba kaddibna isu baddala biyo oo ku soo da'a dhulka isaga oo dhibco ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyo
de: water, fluid; sperm, semen
lx: biyo
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass, n6-m
xe: river water
xv: mino
key: biyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
biyo
ماء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budo
(Buda-da)
Iniino badar ama wax kale oo inta aad loo tumo laga dhigo bito ama habaas aan jiriir lahayn; budul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budo
m.dh Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
budo
m.dh Wax aad loo daqiiqay oo bito laga dhigay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Budo
Powder
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budo
f. n., (mass n.): flour, powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
budo
-budada: (n) powder (pawdher) ~ boodhar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budo
-da: (magacwadareed) adkaha marka la ridgo sida uu noqdo ee daqiiqda ah. Shuurada waxa laga sameeyaa budo arabikhiyeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
budo
de: flour, powder
lx: budo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: budo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iido
name-f holiday, feast, blessed, festival. Lit: the one born during a religious holiday. Syn: Iidle, lidow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iido
magac loo baxsho gabadh dhalatay ayaan ciid ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lido
s.m. - xeeb bacaad leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nido
s.m. buul (shimbir iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rido
f.g3 (-itay, -idatay) 1. Waran, fallaar iyo wixi lamida ganasho. 2. Qof arrin fikrad ka dhiibasho ama ka qayb qaadasho. 3. Ka r.: dugaag ama tuug wax ay dhaceen ka badbaadsasho. 4. Ku r.: wax, wax uu qaadi karo dhex gashasho. 5. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin. 6. U r.: wax dusha saarasho. 7. U r.: wax mas'uuliyad-diisa qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rido
f.g3 (-itay, -idatay) 1. Waran, fallaar iyo wixi lamida ganasho. 2. Qof arrin fikrad ka dhiibasho ama ka qayb qaadasho. 3. Ka r.: dugaag ama tuug wax ay dhaceen ka badbaadsasho. 4. Ku r.: wax, wax uu qaadi karo dhex gashasho. 5. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin. 6. U r.: wax dusha saarasho. 7. U r.: wax mas'uuliyaddiisa qaadid. m.f.dh, ridasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rido
v. fire at, shoot for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rido
(fal) dugaag ama tuug wax uu kaa qaatay ka reebo. Rido xaqaaga.
rido: (fal) wax meel sare sudhan soo dhaadhacso. Midhaha geedka ku yaal soo rido.
rido: (fal) shido oo dab ka dhali. Madagta rido.
rido: (fal) ilig jabso oo ha kaa dhaco. Ilkaha rido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rido
de: fire at, shoot for oneself
lx: rido
pd: (ridtay)
ps: v3a=tr
key: rido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sido
f.g3 (sitay, sidatay) 1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sido
f.g3 (-itay, -idatay) 1. Wax qaadasho. 2. Wax xirasho. m.f.dh, sidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sido
v. wear, have for oneself; carry on one's person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sido
sitay/sidatay: (v) carry (keeri); bear (beer) qaad. Ex: dabarkay ilmihii ku sidatay; she was carrying the baby on her back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sido
(fal) dhar iyo wax la mid ah, gashanaw.
sido: (fal) wax aad gacanta ku haysato ama aad ku wadato, sil hayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sido
de: wear, have for oneself; carry on one's person
initial: s
lx: sido
pd: (sitay / sidatay)
ps: v3b=tr
xe: I dont have anything expensive.
xv: Wax qaali ah maan sito.
key: sido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiido
(falkaab) tegtadii la soo dhaafay oo dhan. Abiidaa la soo jiray, uunkeedu taagnaa, itixaan la mari jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidcow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) (dii) Qof bidcinnimo ku sifoobay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidcow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) (dii) Qof bidcinnimo ku sifoobay noqosho. m.f.dh, bidcoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidcow
inch. v. become a heretic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidcow
-bay / bidcowday: (v) become heresy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidcow
(fal) wax bidco ah noqo.