bidinbito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidinbito
-da: (magac, dhedig, keli) ciid khafiif ah. Bidinbito daaradda iigu soo shub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidinbiid
-ka: (magac, lab, keli) caano raagey; caana aad u dhanaan. Bidinbiid bay cabbeen kuwii baqasha soo fuulay. Dh: kalabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidcinnimo
m.dh Bidci ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidcinnimo
m.dh Bidci ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birinbirqo
(Birinbirqa-da)
Cayaar-carruureed aan hab ama madax iyo manjo midna lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birinbirqo
f. n. child's play
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birinbirqo
-da: (magac, dhedig, keli) birinbirqayska ciyaarta carruurta. Birinbirqo iyo jiidhjiidh baad nagu disheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birinbirqo
de: child's play
lx: birinbirqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: birinbirqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xidinxiito
(Xidinxiita-da)
Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh; (ama xiidxiito).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidinxiito
m.dh 1. Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh. 2. X. ah: qof aad caato u ah. la-mid: xiidxiito, xiito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidinxiito
m.dh 1. Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh. 2. X. ah: qof aad caato u ah. la-mid: xiidxiito, xiito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xidinxiito
f. n. ringed plover (bird)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidinxiito
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir mijo dhuudhuuban oo diilinta sare ee madaxa madaw laabtana cad oon habeenkii seexan. Dh: xiidito, xiitoxiito, xiid, xiidxiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xidinxiito
a: xiidxiito
de: ringed plover (bird)
initial: x
lx: xidinxiito
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xidinxiito
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidibidi
m.dh (-iyaal, m.l/dh) Shimbir kashifta dugaagga oo ugaarsatadu neceb tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhinbidhi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar inta dhabarka loo jiifsado oo cunug labada lugood la dul saaro, hoos iyo sare loogu qaado iyadoo lagu heesayo 'tukoow futada ka dhuuqeey' ama 'bidhibidhi bankii ololay, faayoy fundhaallo cadcad'. Dh: goroyoquuqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadinnimo
m.dh Baadi ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biddannimo
m.dh Bidde ahaansho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biddannimo
-da: (magac, dhedig, keli) addoonnimo; addoon ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bihinbihis
-ta: (magac, dhedig, kel) eeg bihinbihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birimbirqo
m.dh Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iyo wixi lamida marka ay barwaaqeysanyihiin. la-mid: birimbirqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisimbisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: bisabbisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biibbo
m.dh la-mid: bayb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibii
biibii! (ereycodeed) tusmeeya codadka hoonka ee isdabajoogga ah ama codka ka soo baxa biiqiiqda. Dh: dhiidhii, biiqbiiq, biibiib!
biibii-da: (magac, dhedig, keli) dhuun yar oo laga bixiyo qudaxda dhammaajada xilliga ay curdinka tahay. Biiqbiiqda adhijirtu afuufayso bartan baa laga maglaa. Dh: biiqbiiq.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biinso
-biinsada: (n) [Pl. biisooyin- ka] pincers (pin saris); pliers (palaayaris) ~ kelbed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bikini
/bikiini/ (n) kar bilaameed oo maagni-roog lyng etheegsythaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bikini
bikini, n.m. - Dharka ay dumarku gashadaan marka ay dabbaalanayaan; dharka dabbaasha ee haweenka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
débito
s.m. - dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dibbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibiyo
m.dh.kh D. ah: rar aan kabaallo lahayn oo awr saaran.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
finito
agg. - dhammaday.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
invito
s.m. - martiqaad, martisoor, casumad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiinbi
(fal) qof ama wax kale, biyo dhex geli oo muquursii. Tiinbi wadaanta biyaha ceelka. Dh: kunbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiinbo
(fal) eeg tiimbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiinto
m.dh (-ooyin, m.l) Webiyada, durdurrada iyo wixi lamida meelaha biyadhaca ah oo xiinka sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiinto
m.dh (-ooyin, m.l) Webiyada, durdurrada iyo wixi lamida meelaha biyadhaca ah oo xiinka sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiinto
f. n. rushing water (river, waterfall)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiinto
-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah shanqadha ka yeedha. Xiinto badan ayu webigu bixiyaa. Dh: biya'dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiinto
de: rushing water (river, waterfall) See also: xiintoy
initial: x
lx: xiinto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xiinto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bandito
s.m. burcad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Biciido
name-foryx (African antelope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Biciido
magac ama naanays loo baxsho gabadh laga filayo karti iyo bootin dheer sida biciidka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bidenté
bidenté, adj. - laba-xidhiidhiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidniin
-ka: (magac, lab, keli) bididitaanka wax aanad hubin. Bidniin wax kuma qiyaasi kartid.
bidniin -ka: (magac, lab, keli) noole ama wax baad leh bididitaankiisa. Bidniin markay kari weyday bay shimburtu geedka ku degtay Dh: duulniin, lalniin, haadniin.
bidniin -ka: (magac, lab, keli) rifmitaanka timaha. Bidniinkii wuu ka joogsaday timihii gabadha, Dh: rifniin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biènnio
s.m. - waqtiga u dhexeeya laba sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindho
m.dh (-ooyin, m.l) Saaridda (ciyaar turub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilo
bilbilo¹: m.l 1. Koor yar bir ka sameysan oo lo'da loo xiro; dawan. 2. Muuqaal qurux badan.
bilbilo²: f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku rusheysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilbilo
f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku rusheysasho. m.f.dh, bilbilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilo
(fal) iskaa biyo ugu biifbiifso; rushrusho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbiro
(Dibbira-da)
Caloosha oo fuurta dabayl gudeheeda ka samaysantay darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiro
m.dh Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. la-mid: dibbiryo, dubburyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibbiro
m.dh Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. la-mid: dibbiryo, dubburyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbiro
f. n. meteorism, swelling of the stomach due to gas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbiro
-da: (magac, dhedig, keli) cunto badan ka dib, caloosha oo buuxsanta. Li: gaajo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibbiro
de: meteorism, swelling of the stomach due to gas
lx: dibbiro
pd: (/da)
ps: n-f
key: dibbiro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diinimo
-diinimada: (n) motor (mooter); dynamo (daay-namoo) ~ matoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firinbi
(Firinbi-ga)
Qalab yar oo la afuufo oo laga keeno yeer aad u fiiqan oo dheer, oo u eg tan ka timaadda kolka ilkaha dhexdooda laga fooryo ama dalool yar inta bushimaha loo dhoweeyo xoog loo afuufo; seeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firinbi
m.l la-mid: firimbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firinbi
m. n. whistle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firinbi
-ga: (n) whistle (wisal); siren (sayran) ~ seeri, firimbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firinbi
-ga: (magac, lab, keli) qalab yar oo ay dhuuntiisu kolka la afuufo samayso yeedh u dhawaaqdhow foodhida. Dh: siidhi, seeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firinbi
a: firimbi
de: whistle
lx: firinbi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: firinbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idinkoo
pron., [conjunction] while you all ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idinkoo
de: while you all ... = idinka + oo
lx: idinkoo
ps: pro + conj
key: idinkoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiimo
f.g3 (-iintay, -iinatay) Jidiinqallal ka dhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidiimo
v. eat ~ drink a bit (in order to keep the throat lubricated)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiimo
(fal) wax jidiinka mara cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidiimo
de: eat ~ drink a bit (in order to keep the throat lubricated)
lx: jidiimo
nt: jidiimasho (/da) [vn-f]
pd: (jidiintay)
ps: v3b=tr
key: jidiimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midnimo
(Midnima-da)
Isku mid ama mid keliya ahaan; wadajir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midnimo
m.dh Mid ahaansho (dad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midnimo
m.dh Mid ahaansho (dad).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midnimo
f. n. unity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midnimo
midnimada: (n) unity (yuniti); unification (yuni-fikeey-shin); uniting (yu-naay-ting); integration (in 'ti-gareey-shin) mideyn, midoobid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Midnimo
Unità; eguaglianza
Unity; equality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midnimo
-da: (magac, dhedig, keli) midaysnaan oo wax mid ah ahaan. Li: kalatag, kalago'.
midnimo -da: (magac, dhedig, keli) qof kelidii meel jooga oo mid keliya ah ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midnimo
de: unity
lx: midnimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: midnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiisito
m.dh (-ooyin, m.l) Baaritaan caafimaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiisito
m.dh (-ooyin, m.l) Baaritaan caafimaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiisito
f. n. medical exam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wiisito
-wiisitada: (n) medical inspection, examination or check up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiisito
de: medical exam {It}
initial: w
lx: wiisito
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wiisito
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xinbilo
name-f promoter; beautifier; spite-healer. Cf: Xinbil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedonimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel ku cusub oo waxba garanayn ahaan; reer miyi ahaan. Bedonimo ku caydee ma innigaa magaalo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidh
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin yar oo si dhakhso badan marna daarmaya marna demaya. Garabildhaanka bidhbidha hayaa ilaa waaga berigiisa. Dh: biligbilig, birbir, bigbig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhniin
-ka: (magac, lab, keli) bidhitaan wax ku qaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixlis
-ka: (magac, lab, keli) labada naas ee dhanka bidix lissid. Dh: haaneedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bihimbih
m.l Oohin beerlaxawsi leh oo ay siiba carruurtu sameeyaan marka ay wax doonayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bihimbih
m.l Oohin beerlaxawsi leh oo ay siiba carruurtu sameeyaan marka ay wax doonayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bihimbih
m. n. snivelling ~ crying (in order to get something), feigned sorrow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bihimbih
de: snivelling ~ crying (in order to get s.t.), feigned sorrow
lx: bihimbih
pd: (-a)
ps: n-m
key: bihimbih
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqbiiq
-da: (magac, dhedig) eeg biibii.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bilancio
Buuga lacagta
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bilàncio
s.m. - miisaaniyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bililiqo
m.dh (-ooyin, m.l) Hanti yar oo meel la boobayo laga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bililiqo
m.dh (-ooyin, m.l) Hanti yar oo meel la boobayo laga helo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bililiqo
-bililiqada: (n) stolen goods; loot (luut); spoils (ispooylis); booty (buuti) ~ booli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bililiqo
-da: (magac, dhedig,keli) hanti aan si sharci ahayn loo boobay, gaar ahaan meel ay dhibi ka dhacday. Bililigo doon waa nabad diid. Dh: biliiligo, boob, dhac.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bililiqo
سَرِقَة، نَهْبٍ، سَلْبِ
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
divinità
s.f. - ilaahnimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
divinity
/dhivinati/ (n) 1. rabbaani (xaga eebbe ka yimid) (n) 2 ilaah, eebbenimo (n) 3. cilmi-barasho diimeed.