bidhaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansad
m.l la-mid: bidhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansad
-ka: (magac, lab, keli) sheed ka aragga wax kuu muuqda. Bidhaansadka geeluu eeganayaa awrka seetaysani. Dh: bildhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansad
(Dhaansad-ka)
Dhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansad
m.l la-mid: dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansad
vl. n. fetching of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansad
-ka: (magac, lab, keli) buuxsad oo daf ka siisasho. Dh: dhaansi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansad
a: dhaansasho (/da) [vn6-f], dhaansi (ga) [vn2-m]
de: fetching of water
lx: dhaansad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansi
m.l la-mid: bidhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansi
-ga: (magac, lab, keli) bidhaansasho iyo dabasocod. Dh: bildhaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax bidhaantooda eegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax bidhaantooda eegasho. m.f.dh, bidhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidhaanso
v. move ~ proceed towards (something seen ~ a light in the distance)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaanso
(fal) wax kuu muuqda muuqaalkiisa eego. Geed baaxad weynoo, la yidhaahdo Baaroo, bilig dheer hirkiisii, ma bidhaansanaynoo. Dh: bildhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidhaanso
de: move ~ proceed towards (s.t. seen ~ a light in the distance)
lx: bidhaanso
pd: (bidhannsaday)
ps: v3a=intr
key: bidhaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansasho
m.f.dh eeg bidhaanso. la-mid: bidhaansad, bidhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax muuqda eegashada muuqaalkiisa. Bidhaansasho ayuu ku daba socdaa awrta. Dh: bildhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansad
m.l la-mid: beekhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansad
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansad
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, dhakhtar, wadaad ama cid kale oo wax dawaysa u geysasho. Dh: baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaan
(Bidhaan-ta)
Muuqaal yar oo meel fog laga arko; iftiin ama dhalaal yar oo meel ka bilig yiraahda; birbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaan
bidhaan¹: m.l (-aamo, m.l) 1. Muqaal meel fog laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar u daaqa. 3. la-mid: bidhaamid.
bidhaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) 1. Wax meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal yar meel ka birbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidhaan
bidhaan¹: m.l (-aamo, m.l) 1. Muqaal meel fog laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar u daaqa.
bidhaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) 1. Wax meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal yar meel ka birbirid. m.f.dh, bidhaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidhaan
f. n. blinking light; appearance, object seen in the distance
bidhaan v. blink (of a light), twinkle; appear in the distance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidhaan
-ta: (n) something that appears from a distance; distance sight. Ex: bidhaantiisii baan waayey; I lost sight of him
bidhaan: - bidhaamay / bidhaantay: (v) to emit [light] in slight, periodic gleams; twinkle (tuwing-kel) ~ iftiimay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaan
(fal) bildhaan muuqata yeelo, ha lagu arko. Geel baa goshaa ka bidhaamaya. Dh: iftiin.
bidhaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax meel kaaga muuqanaya oo ay ishu qabanayso. Dhabantaa bidhaan geel baa ka muuqata. Dh: bildhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansad
-ka: (magac, lab, keli) dhan qudha ka marid; dhan keliya ka isticmaalid. Saca dhansadka ka daa oo labada dhanba ka lis.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bidaaqad
Card
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsad
(Dhaafsad-ka)
Dhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsad
m.l la-mid: dhaafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafsad
vl. n. exchange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafsad
-ka:: (n) exchange (ikis- janji); trade (tareeydh) ~ is dhaafsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsad
-ka: (magac, lab, keli) meel xad ah iyo wixii la mid ah, weydaarsad.
dhaafsad-ka: (magac, lab, keli) wax aad haysatay, wax kale ku soo beddelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafsad
a: dhaafsasho (/da) [vn6-f], dhaafsi (-ga) [vn2-m]
de: exchange
lx: dhaafsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dhaafsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Weel wax buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansan
der. [adjective] filled, full (of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansan
(tilmaame) weel ama wax kale oo buuxa oo daf ah. Dh: buuxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansan
de: filled, full (of liquid)
lx: dhaansan
pd: (dhaansanaa)
ps: adj-der
key: dhaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsad
m.l la-mid: dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, Ilaahay ku dhaarsasho. Dh: dhaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaamid
(Bidhaamid-da)
Bidhaan muuqata yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaamid
m.f.dh eeg bidhaan². la-mid: bidhaan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bidhaan muuqata yeelad. Dh: iftiimid, bildhaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidhaan_1
cf: big, bilig, iftiin, walac
de: blinking light; [fig.] appearance, object seen in the distance
hm: 1
lx: bidhaan
pd: (-ta Pl: bidhaamo (/ha))
ps: n1-f
key: bidhaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidhaan_2
de: blink (of a light), twinkle; appear in the distance
hm: 2
lx: bidhaan
pd: (bidhaamay)
ps: v1=intr
key: bidhaan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikaacsad
m.l la-mid: bikaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikaacsad
-ka: (magac, lab, keli) bikaacsasho samayn. Bikaasad baan ku arkay iftiinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarad
m.dh la-mid: bishaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarad
-da: (magac, dhedig, keli) war farxad leh. Bishaarad ayaan kuu sidaa. Dh: bishaaro. bishaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) war farxad leh warramis; cid ka farxin oo wax fiican u sheegid. Warka bishaaraynta waa lala degdegaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansad
m.l la-mid: iimaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaansad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad haysid, ku gancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansad
m.l la-mid: irmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhaysad
-ka: (magac, lab, keli) midho yeelasho; midhaysasho. Dh: mudhaysad, midhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansad
-ka: (magac, lab, keli) is sheegasho guud oo aan waxba la isku qaban; dad aanay qaraabo idinka dhaxayn ama kaa fog, tiigsasho. Hadii laba lugood oo hanti ah hibo laguu siiyey, middii kaa hadhaba tii kalaa ku hangaleysaaye, hiiraansi mooye tolnimo haatan la illowye. Dh: habsi, tiigsi, higsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafsad
m.l la-mid: isdaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaansad
(Tilmaansad-da)
Tilmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansad
m.l la-mid: tilmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg tilmaamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaansad
m.l la-mid: qayladhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhnaansho
-ha: (magac, lab, keli) kala dhinnaan; labo qaybood qayb ahaan. Dh: dhinnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansan
f.mg1 (-amay, -antay) Wax beekhaan yeeshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beekhaansan
f.mg1 (-amay, -antay) Wax beekhaan yeeshay ahaansho. m.f.dh, beekhaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindhaarsan
(tilmaame) hal la sasabay si ay ogolaansho u keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhaanfadh
(fal) eeg fadh.
fadhaanfadh -ka: (magac, lab, keli) xayawaan yar oo caanaleyda ka mid oo aan dhogor lahayn, dhulka na godad ka qodqota si uu ugu noolaado. Waa bahal yar oo leh indho iyo dhego aad u yaryar oo aan ishu si sahlan ku qaban karin. Waxa kale oo uu leeyahay labo cagood oo hore oo seefo la moodo, gafuur yuuban oo ka jiirka u eg. Waxa uu cunaa cayayaanka ugu dhaca godadka uu qoto. Dh: fadhanfadh, fajanfaj.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataagsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidhbataagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladhaansad
m.l la-mid: qayladhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladhaansad
-ka: (magac, lab, keli) gurmad cid kale u dirsasho. Dh: qayladhdhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsad
m.l la-mid: baabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ay leedahay cid kali iska calaamadsasho. Baabsadka neef aad lahayni waa damac qaldan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsad
m.l la-mid: baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsad
-ka: (magac, lab, keli) ku dabadhicid iyo eryasho. Ciidan guulaystay ayaa baacsad sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanbad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baambad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baangad
m.dh (-do, m.l) Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iyo wixi lamida lagu jaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baangad
m.dh (-do, m.l) Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iyo wixi lamida lagu jaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baangad
f. n. machete, large metal knife; wrench, spanner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baangad
-da: (n) machete (me sheeti); cutlass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baangad
-da: (magac, dhedig, keli) bir soo yara xoodan ama xalleefsan sida safeexadda ka se xooggan oo shaagagga baabuurta lagu banjariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baangad
de: machete, large metal knife; wrench, spanner
lx: baangad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: baangad
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BAANSAY
Erythrochlamys spectabilis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAANSAY
(Bansai) C Erythrochlamys spectabilis Guerke. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsad
m.l la-mid: baaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsad
-ka: (magac, lab, keli) ka baaqsad - ka maqnaansho. Talo aan kaa maarmayn ka baaqsadkeedu ma fiicna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhsan
(tilmaame) wax la bidhay. Dhiishu way bidhsantahaye rarka u dhammaystir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bishaan
(expression) this month ~ bishan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsad
m.l la-mid: daahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsad
(Daaqsad-ka)
Xoolo caws ama geedo ay cunaan siisad ama kob ay ka cunaan geysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsad
m.l la-mid: daaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsad
vl. n. grazing, feeding livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo foofin oo geyn meel ay wax ka cunaan. Dh: daaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsad
de: grazing, feeding livestock
lx: daaqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daaqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabad
m.dh 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iyo wixi lamida dhextaal u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaacad
(fal) hal ilmaheedu jaqayo, deymood iyada oo ursanaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansi
(Dhaansi-ga)
Dhaansasho; Dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansi
m.l la-mid: dhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho. m.f.dh, dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanso
v. fetch water (for oneself); fill something up (with liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanso
(fal) buuxso oo wax meel aad ku shubatay daf ka sii. Dh: buuxso.
dhaanso: (fal) ceelka weel kaga dhaanso biyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanso
de: fetch water (for oneself); fill s.t. up (with liquid)
lx: dhaanso
pd: (dhaansaday)
ps: v3a=
xe: I only fill up my stomach so I dont think about anything else.
xv: Anigu caloosheyda uun baan dhaansadaa ee waxba kama fekero.
key: dhaanso