berrrikunool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berrrikunool
-sha: (magacwadareed) geeddaha iyo xalawaanka ku nool dhulka intiisa engegsan. Li: biyakunool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berisabool
m.l Xilli ay dhibaato badan jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berisabool
-ka: (magac, lab, keli) dhib waa la soo maray; beri xun oo la xasuusto. Li: berisamaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyokunool
-sha: (magacwadareed) noolaha biyaha dhexdooda ku dhaqma ee aan berriga ku noolaan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berribiyood
m.l.u (-yo, m.dh) Dir ka mid ah lafdhabarleyda sida raha. Berribiyoodka waxa lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu horreeyey ee lafdhabarleyda ahaa ee dhulka ku noolaa, qaar badan oo astaamahooda ka mid ahina waxay muujinayaan inay qabatimeen nolosha berriga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
berribiyood
m.l.u (-yo, m.dh) Dir ka mid ah lafdhabarleyda sida raha. Berribiyoodka waxa lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu horreeyey ee lafdhabarleyda ahaa ee dhulka ku noolaa, qaar badan oo astaamahooda ka mid ahina waxay muujinayaan inay qabatimeen nolosha berriga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berribiyood
-da: (magacwadareed) xayawaanka berriga iyo biyaha dhexdoodaba ku noolaan kara.
berribiyood -ka: (magac, lab, keli) dir ka mid ah laf-dhabarlayda sida raha. Berri biyoodka waxaa lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu horeeyey ee lafdhabarlayda ahaa ee dhulaka ku noolaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deriskunnool
(Deriskunnoo-sha)
(dad, xasharaad, kd.) Wax kale ku kor nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deriskunnool
deriskunnool¹: m.dh 1. Noole yaryar oo ku dul nool noole kale. 2. Qof ma shaqaysta ah oo cid kale ku dul nool. la-mid: deriskunnoole.
deriskunnool²: m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deriskunnool
deriskunnool¹: m.dh 1. Noole yaryar oo ku dul nool noole kale. 2. Qof ma shaqaysta ah oo cid kale ku dul nool. la-mid: deriskunnoole.
deriskunnool²: m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deriskunnool
f. n., [compound] parasite; exploiter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deriskunnool
-ka: (magac, lab, keli) xayawaanka dadka la gala. Xayawaanku waa deriskunool iyo dibadkunool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deriskunnool
a: deriskunnoole (/ha) [n7-m-cmp]
de: parasite; exploiter
lx: deriskunnool
pd: (/sha)
ps: n2-f-cmp
key: deriskunnool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deriskunnoole
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: deriskunnool¹.