berked
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berked
(Berked-da)
Meel loo dhisay in biyuhu galaan ama lagu kaydsado; war; dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berked
m.dh (-do, m.l) Meel loo dhisay in ay biyo galaan oo lagu kaydsado.².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
berked
m.dh (-do, m.l) Meel loo dhisay in ay biyo galaan oo lagu kaydsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
berked
f. n. reservoir, trough, cistern
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berked
-da: (n) [Pl. berkedo] artificial reservoir (rezar-vuwaar)-, pool (puul) or pond (poondh) ~ barkad, dar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berked
-da: (magac, dhedig, keli) god weyn oo afargees ah oo hoos loo qado biyaha iyo wixii la mid ahna lagu shubto. Berkeddii gudhaye halkee xoolaha loo aroorin? Dh: barkad, baraag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
berked
cf: dar, jaabbiyad, naanni
de: reservoir, trough, cistern
lx: berked
pd: (-da)
ps: n1-f
key: berked
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berded
berded¹: m.l la-mid: bardad¹.
berded²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: bardad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berded
(fal) naxdin darteed la tallaf, sida wax kaa dul dhacay. Naxdin baa la berdedey baasuukuhu markuu qarxayey baashayda.
berded -ka: (magac, lab, keli) argagax iyo kurbasho ay naxdintu keento. Ninkii libaaxa arkay berded ayuu seeexan waayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berkad
m.dh la-mid: berked.

berkeg
berkeg¹: m.l la-mid: bardad¹.
berkeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: bardad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bersed
(Bersed-da)
Guriga qolkiisa fadhiga; meesha lagu sheekaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bersed
m.dh (-do, m.l) Qeyb guriga ka mid ah oo fadhi loogu tala galay. la-mid: barsad, barso, bersad, berso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bersed
m.dh (-do, m.l) Qeyb guriga ka mid ah oo fadhi loogu tala galay. la-mid: barsad, barso, bersad, berso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bersed
f. n. living room, parlor, salon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bersed
-da: (n) den (dhaari); a room for study or relaxation; parlor (paar lor)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bersed
a: berso (/da) [n6-f]
de: living room, parlor, salon
lx: bersed
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: deegad
key: bersed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
serked
m. n. circuit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
serked
de: circuit {Eng}
initial: s
lx: serked
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: serked
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dar
1. (Dar-ka) a) Yeelka xoolaha lagu shubo mid kamid ah oo ka samaysan harag weyn oo wareegsan oo gadow leh; b) meelo dhisan oo loogu talaggalay in biyuhu ku soo ururaan ama lagu shubto; qabaal; berked. c) Dad; duul.
2. (Dar-ta) Daraad; aw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaabbiyad
(Jaabbiyad-da)
Dar; berked.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naanni
(Naanni-da)
Kaalin ceelka agtiisa laga dhiso oo xooluhu biyaha ka cabbaan; berked yar; dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qullateyn
(Qullateyn-ka)
1. Qiyaas kol haddii biyuhu gaaraan, dad badani toos ugu wada weesaysan karo oo aan fudayd u najaasoobin.
2. Dar ama berked biyo qullateyn ah qaadda, oo masaajiddada loo yeelo oo lagu weesaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraag
m.dh la-mid: berked.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabbiyad
m.dh Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naanni
m.dh.u Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudh
(fal) weel af bannaan, fur ama dabool dul saar. Aaminay aabbudh dhiisha. Dh: dabool, aabbur, aabbuj.
aabbudh -ka: (magac, lab, keli) weel waxa lagu daboolayo ee furka u noqonaya. Berkedda waxa loo sameeyay aabbudh. Dh: aabbur, aabbuj, fur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubuq
-da: (magac, dhedig, keli) si ismoogaan ah biyo ugu dhacid. Dubuq buu yidhi ilmihii berkeddii biyaha ahayd. Dh: dalaq, dhubuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiinbar
-ka: (magac, lab, keli) kaabad sida sanduuq dabaqla' u dhisan oo biyo lagu shubo; dar sabbad ah oo xoolo ku cabbaan. Dh: dar, berked, naadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laf
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah walxaha ad'adag ee uu ka samaysan yahay dhiska nafleydu. Waraabe naftiisa uma roona laf guri taallana uma roona. Wa: lafo.
laf -ta: (magac, dhedig, keli) jilibka hoose ee qabiilka. Isku laf baan nahay Wacays. Dh: jebsin, jilib, xigto, qaraabo.
laf -ta: (magac, dhedig, keli) eray hadalka lagu. adkeeyo kolka la sheegayo qof qudhiisa. Adiga laftaadu fadhiiso. Dh: qudh, naf.
laf -ta: (magac, dhedig, keli) meel dhulka ka yara taagan; buur yar. Lafta reerka dushiisa ayaa berked laga qoday. Dh: taag, tuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaas
(fal) maanka ka cabbir inta uu yahay Qiyaas inta litir ee berkeddaayi qaadi karto. Dh: cabbir.
qiyaas -ka: (magac, lab, keli) shanta tixraac 'marjic' ee waaweyn ee asalka u ah figiga kiisa afraad. Qiyaaska waxa ka horreeya Qur'aanka, xadiiska iyo ijmaaca.
qiyaas -ta: (magac, dhedig, keli) maamin mala'awaal ah oo mug, muuqaal, masaafo ama miisaan uu shey yeelan karo ama uu leeyahay maskaxda laga maleeyo. Qiyaas cilmiyaysani runta way u dhawaan kartaa. Dh: male.
qiyaas-ta: (magac, dhedig, keli) saamiga ka dhexeeya labo cabbir. Sameynta khariidadda dunida waxa la isticmaalay qiyaas cilmi ku fadhida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warayn
-ta: (magac, dhedig keli) berked qodid; war biyo galaan ka dhigid. Dadkii warayn bay u keceen oo nin walba ceel buu qotaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cagnotte
cagnotte, n.f. - Berkedda lagu dabbaasho; ka dhexeeya Dadweyne.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mare
mare, n.f. - Jidhaan (Biyo fariistaan); Dhijaan; Berkedda lagu dabbaasho
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
piscine
piscine, n.f. - berkedda lagu dabaasho ka dhexeeya dadwaynaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dar_4
cf: berked, jaabbiyad
de: trough (drinking ~ cement); skin for carrying water (to animals)
hm: 4
lx: dar
pd: (-ka Pl: darar (ka))
ps: n4-m
key: dar_4
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaabbiyad
cf: berked, dar
de: trough (for irrigation); water reservoir; pond
lx: jaabbiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaabbiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berkegid
m.dh la-mid: bardadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beed
m.l.u Ukun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beed
m.l.u Ukun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beed
m. n. egg (of chicken)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beed
-ka: (magac, lab, keli) walax dusha qolof kaga dahaadhantahay hoostana nololi kaga jirto, ugxanta aan dillaacin digaagadda iyo waxii la mid ah. Dh: ukun, unfax, naalo.
beed-da: (magac, dhedig, keli) eeg bayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beed
bw: ukun, unfax
de: egg (of chicken)
lx: beed
pd: (-ka Pl: beedad (ka))
ps: n4-m-enum, n2-m
syn: ugax;
key: beed
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bére
v.tr. - cabbid, dhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ered
m.l (-dyo, m.dh) Awood qofka Eebbe siiyo oo habaarkiisa iyo ducadiisuba kacdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beded
(fal) wanaaji oo hagaaji. Hal ma bededo waataan lahaa beeyo gurihiiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bekel
m.l B. ah: qof fuley ah oo cabsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beled
(Beled-ka)
Meel dad badani wada deggan yahay oo leh guryo badan iyo waddooyin dheerdheer; degmo buulada ka weyn; magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beled
m. n. town, settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beled
-ka: (n) city (sitty, town ~ magaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beled
-ka: (magac, lab, keli) magaalo weyn oo cammiran. Beled iyo baadiye midkaad doonto waad degi karaysaaye. Dh: magaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beled
de: town, settlement
lx: beled
pd: (-ka Pl: beldaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: beel; Contrast: caasimad, magaalo
key: beled
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berde
(Berda-ha)
Geed weyn oo weligii cagaaran oo miro la cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
berde
m. n., [collective] wild fig species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berde
-berdaha: (n) a wild plant with edible fruits ~ barde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berde
-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah dhirta waaweyn ee Soomaalida oo weligii cagaaran, midho la cunana leh. Miro berde duuduub baa lagu liqaa. Dh: barde.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
berde
de: wild fig sp.
lx: berde
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: berde
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
breed
/biriidh/breeding; (v) 1. taran, tarmid, dhalidda badan.(v) 2. xannaanayn (barbaarin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
breed
/briidh/ (v) tarymow (hoola maddi bathythaang).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
breed
v.tr., (produce) yeelo, dhal; that child is cutting teeth, inanka ilkihiisii baa usoo baxaya; (bring up) kori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deked
(Deked-da)
Dhis weyn oo maraakiibta wax laga roga hayo ama la saara hayo, ku soo xirato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deked
m.dh Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deked
m.dh Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deked
Harbour, Port, Sea port
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deked
f. n. dock, wharf; port, harbor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deked
-da: (n) harbor (haar-bar); also harbour; port (poort); seaport (siipoort), dock (dhaak); wharf (woorf) ~ furdo, dakad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deked
-da: (magac, dhedig, keli) marsada ay gaadiidka baddu ku soo xidhaan. Dh: marso, boor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deked
a: dakad ~ dekad
de: dock, wharf; port, harbor
lx: deked
pd: (-da)
ps: n1-f
key: deked
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkeg
erkeg¹: m.l (-nno m.dh) la-mid: irkig¹.
erkeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: irkig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fered
fered¹: m.l 1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tusaale: “Fered Alla ha kuu furo”. 2. Inkaar, habaar.
fered²: f.g1 (-rday, -redday) Qof inkaar la helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fered
m.l 1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tusaale: Fered Alla ha kuu furo. 2. Inkaar, habaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leked
m.l (-dyo, m.dh) Qof rabsho badan oo madax adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leked
m.l (-dyo, m.dh) Qof rabsho badan oo madax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seked
(Seked-da)
Saf ama iskujoog daaro ah; (ama sakad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seked
m.dh (-do, m.dh) la-mid: sakad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seked
f. n. row of houses, block
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seked
-da: (n) block of buildings ~ sakad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seked
-da: (magac, dhedig, keli) saf ama in wada xidhiidhsan oo daaro ah; sekad, saro is ku xidhiidhsan oo aan meel na ka ka la go'nayn. Tuuladu waa labo sekedood ba oo ma weyna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seked
a: sakad
de: row of houses, block
initial: s
lx: seked
pd: (-da)
ps: n1-f
key: seked
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkad
barkad¹: m.l la-mid: barkasho.
barkad²: m.dh la-mid: bardad¹.
barkad³: f.g1 (-day, -dday) la-mid: bardad².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barkad
name-m he who rests on another; lit: he who born after his twin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barkad
-da: (n) [Pl. barkado-ha] artificial reservoir (rezar vu waar); pool (puul); pond (poondh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkad
-da: (magac, dhedig, keli) ceel gun dheer loo yeelo oo inta la sibdhiyo biyaha roobka lagu kaydsado. Jiilaalkii nin walba barkaddiisa ayuu ka cabbaa. Dh: berkad, berked. Wa: baraag, berkedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
benned
f.g1 (-day, -dday) Hawl ama ciyaar socotay joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
benned
f.g1 (-day, -dday) Hawl ama ciyaar socotay joojin. m.f.dh, bennedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
benned
(fal) meel bannaan ama af bannaan ood. Albaabka furan benned. Dh: awd, bannad, bennid, quful, juf, xidh, xir. Li: fur, bannee, ballaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berber
berber¹: m.l la-mid: barbar¹.
berber²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: dardar³.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bercer
bercer, v. - Yiddidiilo gelin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
berger
berger, n.m, - Arijir; Qofka ariga raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bersad
m.dh la-mid: bersed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bersad
-da: (magac, dhedig, keli) qolka fadhiga; qolka lagu sheekaysto ee lagu nasto ee martida la fadhiisiyo. Bersadda fadhiisi martidada. Dh: fadhi.
bersad -da: (magac, dhedig, keli) shir madaxdii maamullada gumaysigu miyiga ku qaban jireen, oo lagu gorfeyn jirey arrimaha amniga iyo is dhex marka bulshooyinka reer guuraaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derged
m.dh Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
derged
m.dh Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ferged
-ka: (magac, lab, keli) madaxanuun xummad leh.
ferged -da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo geeri. Dh: dhimasho. Li: nolol.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forked
/foorkt/ (adj) 1. kala-leexda, sida waddo oo kale (adj) 2. laba-ganood ama ka badan leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marked
/markt/ (adj) muuqda (muuqan karo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
merged
-ka: (magac, lab, keli) joogsi cunto ama hadal lagu joogsado oo hungurigu rogi waayo. Dadbaan mergedka aqoon oo hadalka isdaba dhiga. Dh: hakad.
merged-ka: (magac, lab, keli) arrin, hawl iyo wixii la mid ah hakad gaaban oo ku yimaad. Dh: rikad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
serged
m.dh (-dyo, m.dh) la-mid: sargad.