beridhaxmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beridhaxmo
(Beridhaxma-da)
Beridhax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beridhaxmo
m.dh 1. Sahay ku filan hal beri oo safar ah. 2. la-mid: beridhax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beridhaxmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg beridhax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdhaxmo
-da: (magac, dhedig, keli) nasasho gaaban oo habeen safar meel lagu furto haddana laga guuro. Dh: beridhaxmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beridhax
(Beridhax-a)
Meel inta la dego waxyar kaddib laga guurayo; meel aan lagu raageyn, aan sal ahayn; beridhaxmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beridhax
m.l Baryidda habeen meel la baryo. la-mid: beridhaxmo (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beridhax
m.l Baryidda habeen meel la baryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beridhax
m. n., [compound] camp of a day ~ two; stopover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beridhax
-a: (n) an overnight stay or trip; overnight (oovarnaayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beridhax
-a: (magac, lab, keli) meel inta maalin la dego laga sii guuro; meel aan lagu raagayn, aan sal ahayn. Beridhax baa loo degi jirey halaky beladu noo diidday. Dh: berdhaxmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beridhax
a: beridhaxmo (/da) [n6-f-cmp]
de: camp of a day ~ two; stopover
lx: beridhax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: beridhax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardhaxo
(Fardhaxa-da)
Faraha calaacasha tan ugu dheer oo ugu dhexaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardhaxo
f. n. middle finger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardhaxo
de: middle finger
lx: fardhaxo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: fardhexo
key: fardhaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baridhawr
(Baridhawr-ka)
Barkimo xalleef ah ama wax kaloo aad loo jilciyey oo kooraha ama kursiga ama wixii kaloo adag oo lagu fariisana hayo layska xijiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baridhawr
m.l (-rro, m.dh) Barkin xalleefsan oo koore, kursi iyo wixi lamida layska xajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baridhawr
m. n., [compound] cushion used on a saddle ~ chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baridhawr
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhidhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baridhawr
de: cushion used on a saddle or chair
lx: baridhawr
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: baridhawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eridhaban
(Eridhaban-ka)
Insaarax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eridhaban
m.l.u Hal dhashay oo ilmihii laga reebay. la-mid: eeridhaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eridhaban
m. n., [collective] mother animal's call to its young
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eridhaban
-ka: (n) animal's cry to its young, especially camel ~ olol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eridhaban
-ta: (magac, lab, keli) eeg ayrodhaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eridhaban
de: mother animal's call to its young
lx: eridhaban
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: eridhaban
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meridiano
s.m. lool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidhaqo
(fal) fooldhaqo; wejiga maydho. Kolkaad soo toosto wejidhaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baradhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baradhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof). m.f.dh, baradhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawadhaxmo
m.dh Habeendhax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawadhaxmo
-da: (magac, dhedig, keli) habeen meel ku dhixid.
cawadhaxmo -da: (magac, dhedig, keli) habeenbari iyo badbaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeridhaban
m.l.u la-mid: eridhaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeridhaban
-ta: (magac, dhedig, keli) geela, hasha dhowaan dhashay ee neefkeegii laga reebo. Dh: ramad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaamo
m.dh Maaweelo nayaayiro leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaamo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u yar oon badnayn. Maradhaamo ayaan ka soo qaaday Dh: dhaarshil, haqabtir.
maradhaamo -da: (magac, dhedig, keli) maaweele iyo maddadaalo; wax nafta lagu maaweeliyo. Dh: maaweelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaradhaamo
(Xaradhaama-da)
Waxaaga oo la deysto oo qof kale wixii wax lagu qabsado; wax dhaqaalaysi; tashiilad; maradhaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaradhaamo
m.dh Waxaaga oo la deysto oo qof kale wixii, wax lagu qabsado; wax dhaqaalaysi; tashiilad; maradhaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaradhaamo
f. n. economizing by using someone else's supply first; preserving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaamo
-da: (magac, dhedig, keli) qodqodo ama baaqbaaqo loo asmeeyo sarcigu kolka uu carraqaris dhaafo oo hoostiisa la qodqodo ama la baaqbaaqo si ay biyuhu ugu joogsadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqo
-da: (magac, dhedig, keli) orod dheer, qosol badan ama oohin badan dhibaatada ay keento ee ay ubucdo noqoto sidii wax biyo dhex socdaan ama turqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deridhacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la'aan u wareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deridhacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la'aan u wareegid. m.f.dh, deridhacyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqood
-ka: (magac, lab, keli) orod badan, qosol ama oohin la beerxanuunsad.