bensi'
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bensi'
cong. - weliba, bal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroomaatig
m.l (-gyo, m.dh) (kiimika) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansiin
m.l Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. la-mid: baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
betrooliyam
m.l (kiimika) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudhis-giraansan
m.l (-syo ..., m.dh) (kiimika) Molikuyuul atammadiisu yihiin qool xiran, sida bensiin ama saykaloohegsayn. Marka laba giraamood u xiriirsamaan hab ay wadaagaan laba atam, waxa ay noqdaan giraan dhalaashan. Naaftaliin waxa ay tusaale u tahay iskudhis giraan dhalaashan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroomaatig
m.l (-gyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
betrooliyam
m.l (kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskudhisgiraansan
m.l (-syo ..., m.dh) (kiim.) Molikuyuul atammadiisu yihiin qool xiran, sida bensiin ama saykaloohegsayn. Marka laba giraamood u xiriirsamaan hab ay wadaagaan laba atam, waxa ay noqdaan giraan dhalaashan. Naaftaliin waxa ay tusaale u tahay iskudhis giraan dhalaashan.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Petrol Tank
Haan Bensiin
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Petrol engine
Enjiin Batrool, Bensiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasiin
-ka: (magac, lab, keli) shidaal fudud oo degdeg u daarma, haddii la laydhiyana dhakhso u baabi'i og. Gaadhiga baasiin ku shub. Dh: bensiin, bansiin, betrool, baadrool, batrool.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
phénol
phénol, n.m. - ka dhalata labada curiye ee oksijiinka iyo bensiin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Alxamaha bensiinka
Alxamaha ku shaqeeya shidaal bensiin ee loogu isticmaalo wax alxamidda nugul.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Boorinta dabaysha kiista
Dhuun maran ee ku dhex samaysan dhuunta kaydka bensiinka ee dabaysha lagu kiiso.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Lugta shafka
Lugta shafka uga taal alxmaha bensiinka ee loo qotomiyo siiba marka uu shidan yahay ama madaxu kulul yahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Toobiye
Garangarta la xiriirta dhuunta kaydka ee alxamaha bensiinka iyo tan holaca daysa ee ku shaqo lch dheeraynta iyo gaabinta holaca baxaya ama soo baxsanaanta middida raando-bireedda. Arag toobiyaha raando-bireedda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bensiin
bensiin¹: m.l la-mid: baansiin.
bensiin²: m.l (kiimika) Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. la-mid: baansiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bensiin
m.l (kiim.) Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. la-mid: baansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bensiin
m. n., (mass n.): gas, gasoline, petrol; benzine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bensiin
-ka: (n) gasoline (gaaseliin)-, petrol (pet-rooty, benzine ~ baansiin, baasiin, bansiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bensiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg bansiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bensiin
a: bansiin {Eng}
de: gas, gasoline, petrol; benzine
lx: bensiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bensiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beni
(Beni-ga)
Cariish dhagax iyo dhis qoryo ah oo isku dhafan ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beni
m. n. hut
beni m. n. penny
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Beni
Xoolo (mood ama nool), maal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beni
-ga: (magac, lab, keli) cariish ka samaysan sarab, qoryo, dhagax iyo dhoobo. Beni buu ku caroosgalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
benii
a: benii-aadmi (ga)
cf: banii-aadan
de: human beings; humanity
lx: benii
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: benii
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bénir
bénir, v. - Ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kensi
(Kensi-ga)
Lacag badan ama alaabo qaali ah oo meel ku kaydsan, ku qarsoon, ku aasan; (ama kansi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kensi
m.l la-mid: kansi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kensi
m. n. treasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kensi
-ga: (magac, lab, keli) lacag badan ama alaabo qaali ah oo meel ku kaydsan ama ku qarsoon. Dh: kayd, khasnad. Wa: kensiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kensi
a: kansi
de: treasure
lx: kensi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kensi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Beniin
pr. n., loc. Benin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Beniin
(n) Benin; a country of western Africa, formerly known as Dahomey. Port-Novo is the capital and Cotonou the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Beniin
de: Benin
lx: Beniin
ps: n0-loc
key: Beniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennid
(fal) eeg benned.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pensif
pensif, adj. - fikir qoto dheer; si daran u fikrad badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansii
(fal) labo ama in ka badan oo ay dacwo dhex taal, u garqaad oo baanahooga ka dhegeyso Dh: garransii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bansiin
m.l la-mid: baansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bansiin
m. n., (mass n.): gas, gasoline, petrol; benzine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bansiin
-ka: (n) gasoline (gaaseliin); petrol (petrool); benzine (baan-ziin) baansiin, baasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bansiin
-ka: (magac, lab, keli) gaas wax lagu shito. Kabriid iyo bansiin la isma tuso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bansiin
a: baansiin ~ bensiin
de: gas, gasoline, petrol; benzine
lx: bansiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: betrool, shidaal {Eng}
key: bansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bebsiin
m.l (kiimika) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bebsiin
m.l (kiim.) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bedside
/bedhsaaydh/ (n) sariirta dhinaceeda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
benche'
cong. - inkastoo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bending
n., foorar or fooror, -ki; (being off the perpendicular) qallooc, -i; bend of the brow, huruuf, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
benefit
/benafit/ (n) faa'iido (waxtar) (manfac; maslaxad).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
benefit
/benefit/ (n) 1. waltar (wal kiing roong). 2. gunny (beesothy dowlyddy siyaasy dadky ing baahyng sithy qofki jirring amy hool laang eh).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
benefit
n, (profit) faa’ido, faayido, -adi, helin, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
benzina
s.f. baansiin, saliid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Benzine
Bensiin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biènnio
s.m. - waqtiga u dhexeeya laba sano.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bonsoir
bonsoir, n.m - Galab wanaagsan; habeen wanaagsan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
densité
densité, n.f. - Cuf.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Density
Cufnaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
density
/dhensiti/ (n) cuf (mugga shayga).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pension
/penshan/ (n) lacagta dawladdu siiso dadka hawl-gabka ah (qofka shaqada ka fariista).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pension
Abaaldhurad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pension
pension, n.f. - lacag bixin caadi ah oo qofka shaqada ka fariista la siiyo.
pension de guerre - meesha qofka dagaalka tabaalo ama dhaawac ka soo gaadhay wax laga siiyo.
pension de famille - meel la seexdo waxna lagu cuno.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pensive
/pensiv/pensively;(adj) aad u fakarsan (fakar qoto-dheer oo siiba murugo leh).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pensive
(be), v.i., wahan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tension
Cigsanaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tension
Sigibtir
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tension
Giigsanaan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
tension
(n) the condition of being stretched or strained, emotional strain or stress,
kacsanaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tension
/tenshan/ (n) 1. xiisad (dhibaato, siiba kacsan oo heer kulul maraysa) (n) 2. giigsanaan (gigtirnaan, sida quwadda xarig la kala jiido).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tension
tension, n.f. - karka dhiiga; qof kacsan (xanaaqsan)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
utensil
/yuutensal/ (n) maacuun (alaabada nolol-maalmeekda caadiga ah loo adeegsado).

n., weel, -ki.