bennedan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennedan
bennedan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Hawl, ciyaar iyo wixi lamida wax la benneday noqosho.
bennedan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Hawl ama ciyaar socotay oo la joojiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bennedan
bennedan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Hawl, ciyaar iyo wixi lamida wax la benneday noqosho. m.f.dh, bennednaan.
bennedan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Hawl ama ciyaar socotay oo la joojiyey ahaansho. m.f.dh, bennednaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennedan
(tilmaame) meel ama afaaf xidhan. Albaab bennedan bahal ma galo. Dh: awdan, jufan, bannadan, bennidan, qufulan, jufan, oodan. Li: furan, ballaqan, bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennednaan
m.f.dh eeg bennedan. la-mid: bennednaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
benned
f.g1 (-day, -dday) Hawl ama ciyaar socotay joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
benned
f.g1 (-day, -dday) Hawl ama ciyaar socotay joojin. m.f.dh, bennedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
benned
(fal) meel bannaan ama af bannaan ood. Albaabka furan benned. Dh: awd, bannad, bennid, quful, juf, xidh, xir. Li: fur, bannee, ballaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennedid
m.f.dh eeg benned.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennedid
-da: (magac, dhedig, keli) albaab furan xidhiddiis. In dhowaydba waataan bennedey, isaa gabaye. Dh: awdid, bannadid, bennidid, qufulid, xidhid, jufid. Li: furid, ballaqid, bannaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennedis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel xidhan, ama fafaaf bannaan oodiddiisa. Dh: awdis, jufis, bannadis, bennidis, qufulis, xidhis. Li: bannaanis, ballaqis,furis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
benneditaan
-ka: (magac, lab, keli) ooditaanka iyo xiritaanka afaaf ama meel furan. Dh: awditaan, benniditaan, qufulitaan. Li: furitaan, ballaqitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berdedsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: bardadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdedsan
(tilmaame) qof argaggaxsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bènda
s.f. - calal, faashad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
benne
benne, n.f. - Masaf
benne preneuse - Masaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedal
beedal¹: m.l la-mid: beeddal¹.
beedal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: beeddal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedal
-ka: (magac, lab, keli) is bihinbihinta iyo isku looxlooxidda ay samayso neef dhedig oo oofanayaa. Dh: oofad, lugadeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beegan
La beegay; la miisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegan
beegan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho.
beegan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beegan
beegan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho. m.f.dh, beegmid.
beegan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho. m.f.dh, beegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beegan
der. [adjective] measured; deserving
beegan [inchoative] v. coincide, be expected, fall (on a certain day); be due
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegan
(tilmaame) ahaanshaha wax miisan oo cabbiran. Dh: qiyaasan.
beegan: (tilmaame) meel lala eegtay oo shiishka aan lala gefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeran
La beeray, la falay oo wax lagu abuuray; tallaalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeran
beeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro geedo iyo wixi lamida wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid.
beeran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo iyo wixi lamida wax dhul lagu beeray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeran
beeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro geedo iyo wixi lamida wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid. m.f.dh, beermid.
beeran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo iyo wixi lamida wax dhul lagu beeray ahaansho. m.f.dh, beernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeran
der. [adjective] farmed, planted, cultivated
beeran [inchoative] v. get planted
beeran [inchoative] v. be conceived (of a child)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeran
-beernaa / beernayd: (adj) farmed (faarmidh); planted, cultivated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeran
(tilmaame) wax beeran ama meel beer ku taal. Dhulka beeran baal ka mara.
beeran: (tilmaame) ku samaysan, ku abuuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeyan
vl. pron., neg. she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeyan
a: baaney
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + ay + aan
lx: beeyan
ps: focus + vpro + neg
key: beeyan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bendar
-ka: (magac, lab, keli) magaalo xeeb ku taal. Dh: bender.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennid
(fal) eeg benned.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Beydan
name-f grayer. Syn: Beyle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beydan
magac loo baxsho gabadh muuq ahaan iyo martababa buuxa. Hillaac bilig yidhi haraad ma baxshee, muxuu Beydaneey hormarkaagu ii tari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceedan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: caydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceedan
(tilmaame) baahi weyn wax u qaba; caydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fenned
(fal) si aad ah wax u baadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bannaan
(Bannaan-ka)
Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaan
bannaan¹: m.l 1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.
bannaan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bannaan
bannaan¹: m.l 1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.
bannaan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho. m.f.dh, bannaanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bannaan
Plain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bannaan
m. n. clearing, plain, field; out of doors, outside
bannaan: [adjective] empty, cleared, vacant, unoccupied; free; licit, lawful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bannaan
-ka: (n) 1. plain (paleeyn); free from obstructions; open; clear: 2. out (aawt); away from a usual place dibad. Ex: Cali bannaankuu jiraa; Ali has stepped out
bannaan: -ah: (adj) holding or containing nothing; empty (emti); vacant (veekent) Ex: musqushu ma bannaan tahay? is the washroom vacant? -Syn: blank, void, vacuous, bare, barren
bannaan: -aa / ayd: (adj) allowed by law; lawful (loo 'ful) ~ mubaax. Ex: ma ii bannaan tahay inaan sameeyo? am I allowed to do it?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaan
(tilmaame) meel furan sida albaab, waddo iyo waxii la mid ah. Afaafka aqalku wuu bannaanyahay. Dh: furan. Li: xidhan, qufulan. bannaan: (tilmaame) wax qaanuun ahaan la samayn karo; wax sharci ahaan sax ah in lagu camalfalo. Sinadu ma bannaana. Dh: mubaax. Li: mamnuuc, xaaraan.
bannaan -ka: (magac, lab, keli) meel aan geedo iyo buuro lahayn. Bannaankiisa mare maradiisa xanan ma qabsado. Dh: binnaangi, xaaxi. bannaanaan -ta: (magac, dhedig, keli) furnaan oo meel la gali karo ama laga bixi karo ahaan. Irridda bannaanaan ayaan ku ogaa. Dh: bannaanaansho bannaanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sharcigu oggolyahay ahaan. Bannaanaanta sigaarka moromo ayaa ka taagan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Banneyn
Ciearning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedaan
-ka: (magac, lab, keli) geed qurux badan oo leh caleemo balballaadhan. Wuxuu u samaysan yahay sidii dallado la is kordhigay oo hadh qabaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beretan
beretan¹: m.l la-mid: bedertan¹.
beretan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: bedertan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beretan
v. race
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beretan
-ka: (n) competition (kom-pi-ti-shin)-, as for profit or a prize; race (raays) ~ tartan.
—beratan -beratamay / beratantay. (v) race or compete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beretan
(fal) orod ku tartan. Beretamay oo badin waayey oo ninkii badiyey guushu wada raacday. Dh: baratan.
beretan -ka: (magac, lab, keli) orod lagu tartamayo ka qaybgeliddii. Dh: tartan, baratan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beretan
de: race
lx: beretan
pd: (beretamay)
ps: v1=recip
see: bedertan
key: beretan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegan
Aan qoyanayn; qallalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax qalalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax qalalay ahaansho. m.f.dh, engegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engegan
der. [adjective] dry, dried out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engegan
-aa/engagnayd: (adj) free from liquid or moisture; dry (dharaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegan
(tilmaame) wax qallalsan. Caws engegan baad lo'da u soo gurtay. Dh: qallalan, engegsan, qallalsan. Li: qoyan, jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engegan
de: dry, dried out
lx: engegan
pd: (engegnaa)
ps: adj-der
key: engegan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gennaan
m.dh la-mid: gannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelan
beddelan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la beddelay noqosho. la-mid: baddalan¹.
beddelan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax beddel ku dhacay ahaansho. la-mid: baddalan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beddelan
beddelan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la beddelay noqosho. m.f.dh, beddelmid. la-mid: baddalan.
beddelan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax beddel ku dhacay ahaansho. m.f.dh, beddelnaan. la-mid: baddalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beddelan
der. [adjective] changed, different, replaced, transformed
beddelan [inchoative] v. get changed, become different
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beddelan
-beddelnaa / beddelnayd: (adj) changed (janjidh); modified (modifaayidh)
beddelan: -beddelmay/beddelentay: (adj) charged (janjidh); modified (modhafaayidh); transformed ~ qayiran, doorsoomay. Ex: dahabkii wuu beddelmay; the gold has been transformed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelan
(fal) xaaladdii hore iska beddel. Cadhuu beddelmay markuu ceebta dhacday maqlay aabbahay.
beddelan: (tilmaame) qof baxaalligii lagu yiqiin mid ka soo horjeeda ka muuqdo.
beddelan: (tilmaame) wax, wax kale lagu beddelay.
beddelan: (tilmaame) lacag, lacag kale lagu doo- riyey. Lacagtu doollar bay innoogu beddelantahay. Dh: sarrifan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berberan
berberan¹: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dardaran¹.
berberan²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dardaran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fennedid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baadhid oo ka afwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledan
jelledan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) la-mid: jalladan¹.
jelledan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: jalla-dan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ul la dhicid. Dh: dhengedeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaysan
(tilmaame) meel bannaan oo aan waxba oollin. Jid bannaysan buu tuuggu soo maray.
bannaysan: (tilmaame) ah meel bannaan. Jidku waa idiin bannaysan yahay.
bannaysan: (tilmaame) weel aan waxba ku jirin; weel faaruq ah. Dh: madhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenowsan
(tilmaame) wax beenoobay. Warkii laguu soo sheegay wuu beenoowsanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelsan
(tilmaame) wax ololaya oo shidmaya. Dab belbelsan baa baadka lagu kariyaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
benowlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laballaboodin. Benowlaynta daa oo sidaan ku idhi yeel.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bent hang
laalaadin qalloocan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berkegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: bardadsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gentleman
/jentalman/ (n) 1. mudane, nin-mudan (n) 2. ikhyaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gentleman
n., khawaaja, -ihi, serkaal, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lendemain
lendemain, n.m. - Maanta maalinta ku xigta.
remettre au lendemain - Dib u dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sergedayn
m.dh la-mid: sargadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sergedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) serged la dhicid; sargadayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wednesday
/wensdhey/ (n) arbaco.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wednesday
n., Arbaca, -di, rabuh,-hi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyneysan
(tilmaame) mid la weyneeyay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
benii-aadan
m.l.u la-mid: banii-aadan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
benii-aadan
m. n., [collective] human beings; humanity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdeditaan
-ka: (magac, lab, keli) argaggixitaan.