beloobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beloobid
m.f.dh eeg below.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax balaayo qaba noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeloobid
m.f.dh eeg beelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeloobid
-da: (magac, dhedig, keli) tarmid oo dad beel ah noqosho. Guueku waa asaaska beeloobidda. Dh: neeloobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebteloobid
m.dh la-mid: ibtiloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenoobid
m.f.dh eeg beenow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobid
-da: (magac, dhedig, keli) been noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boobid
(Boobid-da)
Si boob ah wax u qaadasho; hooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobid
m.f.dh eeg boob². la-mid: boob¹ (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boobid
vl. n. robbery, marauding; hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobid
-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhso ah wax xoog ugu qaadasho. Boobid sed laguma biirsado. boobis -ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah wax qaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boobid
a: boobis (ta)
de: robbery, marauding; hurry, haste
lx: boobid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2-f
key: boobid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abloobid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar la ilaalin waayay, millilid oo hafroobid. Faraha aan nadiifta ahayni abloobid ayay nabarrada u keenaan. Dh: hafroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahoobid
m.f.dh eeg bahow². la-mid: bahow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahoobid
-da: (magac, dhedig, keli) istaageersi iyo iskaashi darteed u midoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyoobid
(Biyoobid-da)
Biyo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyoobid
m.f.dh eeg biyow². la-mid: biyow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) walax adag ama wax kale, biyo noqosho. Biyoobid baa shaahii la la kabban waayey. Dh: milmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budoobid
m.f.dh eeg budow². la-mid: budow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedoobid
m.f.dh eeg eedow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geysashada gef la hubo oo lagu qabsado. Eedoobid bay doonayeen innamadiinniiye. Dh: ceeboobid, qaldamid, eedgal, gaboodfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyoobid
m.f.dh eeg geyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid oo maskaxguurid. Ha geyoobin weligaa, garaadkaagu yuu lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiloobid
(Hiloobid-da)
Dal hore oo la joogi jirey ama qof horay loo yiqiin aragtidi ama u tegiddi jeclaysasho; xiisaqabid; buseelid; daltabyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiloobid
m.f.dh eeg hilow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jeclaa oo araggiisa laga raagay sida qof ama dal, aragtidiisa u xiisid. Dh: xiisid.
hiloobid -da: (magac, dhedig, keli) dal hore oo la joogi jirey ama wax horay loo yiqiin aragtidii jeclaysasho; buseelid; daltabyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illoobid
(Illoobid-da)
Xusuusasho waayid; illaawid; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illoobid
m.f.dh eeg illow². la-mid: illaawid, illaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloobid
(Saloobid-da)
Sal noqosho, yeelasho; dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloobid
m.f.dh eeg salow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sal noqosho, yeelasho: dhab noqosho. Dh: dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toloobid
(Toloobid-da)
Tol ama isku tol noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toloobid
m.f.dh eeg tolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toloobid
-da: (magac, dhedig, keli) isku tol noqosho.
toloobid-da: (magac, dhedig, keli) tol ama isku tol noqosha. Toloobid imika ayay garteen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuloobid
m.f.dh eeg xulow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaloobid
m.f.dh eeg bahalow. la-mid: bahalow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo caado bahal yeelad; ad'adayg iyo naxariisdarro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqoobid
m.f.dh eeg balaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhego balbalaqsan leh noqosho. Dhegta rida xanuun ayaa balaqoobidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibtiloobid
(Ibtiloobid-da)
Hoogid; silcid; dufoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtiloobid
m.f.dh eeg ibtilow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtiloobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid itixaan iyo belaayo qaba noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheeloobid
m.f.dh eeg sheelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdoobid
-da: (magac, dhedig, keli) noole farakabixid gaadha. Baxdoodbid baarqab galay geela simin waaye. Dh: baxaayoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenoobidda wax la sheegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidcoobid
m.f.dh eeg bidcow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidcoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof bidco falaw ah noqosho. Dh: bidcoobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiroobid
m.f.dh eeg biirow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) sumoobid; biirta ceelasha guntooda ku sumoobid. Carruurta ceelasha ka celiya biiroobid ayay halis u yihiine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogoobid
m.f.dh eeg boogow². la-mid: boogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u bugta oo boog weyn qabta noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosoobid
-da: (magac, dhedig, keli) boos noqosho; naafoobid ama curyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceeboobid
(Ceeboobid-da)
Ceeb falid; ceeb yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeboobid
m.f.dh eeg ceebow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ceeb ah falid; ceeb samayn. Dh: khashifmid, kashifmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidloobid
m.f.dh eeg cidlow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colloobid
(Colloobid-da)
Col la noqosho ama isu noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colloobid
m.f.dh eeg collow². la-mid: collow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colloobid
-da: (magac, dhedig, keli) col la noqosho ama isu noqosho; isnecbaysi; isnecbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoobid
m.f.dh eeg deddow. la-mid: daddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo. Dh: dhaxmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymoobid
m.f.dh eeg deymow. la-mid: deynoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax amaah iyo deyn badan lagu leeyahay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynoobid
m.dh la-mid: deymoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid deyn badan lagu leeyahay noqod. Dh: deymoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedoobid
m.f.dh eeg dhedow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulloobid
(Dulloobid-da)
Dulli ku dhicid; duf ku bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulloobid
m.f.dh eeg dullow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo dacdarro la ba'yaalid; dulli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedoobid
m.f.dh eeg geedow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caleen yaryarayd, geedo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooloobid
m.f.dh eeg goolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef gool ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqloobid
(Muqloobid-da)
Muqlaha shilintu keento qaadid, ku dhicid; shilimmow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqloobid
m.f.dh eeg muqlow². la-mid: muqlow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqloobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka shilinta yeelasho. Dh: shilinoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxoobid
m.f.dh eeg ubaxow. la-mid: ubxoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ubax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydoobid
(Weydoobid-da)
Weyd noqosho; caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydoobid
m.f.dh eeg weydow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydoobid
-da: (magac, dhedig, keli) weyd caato ah noqosho. Gaajadu weydoobid bay keentaa. Dh: dhuubnaansho, caatoobid. Li: naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaliyoobid
baaliyoobid: m.f.dh eeg baaliyow.
bąaliyoobid: m.f.dh eeg bąaliyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gaboobay oo hun ah noqosho. Dh: duugoobid, humoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylohoobid
m.f.dh eeg baylohow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylohoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baylah- san oo aan la daranyadhabayn ahaan. Tukaankii kolkaan baylahoobid uga cabsaday ayaan xidhay. Dh: daranyoobid, baylihid, dayacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholyoobid
(Boholyoobid-da)
Boholyow qabid; hiloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholyoobid
m.f.dh eeg boholyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo la tebeyo u xiisaqabid. Hooyo ilmeheedii ka magan yahay boholyoobid ma weydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaaloobid
m.f.dh eeg tabaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tabaalaysan noqosho.