belediyay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyay
(fal) reer magaal ka dhig, ka dhig beled yaqaan. Dadka baadiyaha belediyay. Dh: beledee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belediya
f. n. municipality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belediya
-da: (n) municipality (minusipaaliti) ~ dowladda hoose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belediya
de: municipality
lx: belediya
pd: (-da)
ps: n0-f
key: belediya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belediyad
m.dh Dawladda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belediyad
f. n., [collective] local government, municipality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyad
-da: (magac, dhedig, keli) meesha ay fadhiistaan maamul hooseedyadu ee mgaalada ama degmada looga taliyo. Belbela waxa loo sameeyey belediyad cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belediyad
bw: Arabic
de: local government, municipality
lx: belediyad
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: belediyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhig beled iyo magaalo joog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledi
-ga: (magac, lab, keli) mid magaalayaqaan; mid reermagaal ah. Beledigu baadiye kuma noolaan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedlay
-da: (magac, dhedig, keli) baadlayda inta ukun ama ugac dhasha. Fiidmeertu beedleyda ka mid ma aha ee waa naaslay. Dh: ugacley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeyn
m.f.dh eeg beledee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalayn oo suuq iyo waddooyin u yeelid. Dh: magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleliye
-ha: (magac, lab, keli) qarxiyaha dabka shida. Dh: dabshide, belbeliye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Beljiyam
pr. n., loc. Belgium
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Beljiyam
de: Belgium
lx: Beljiyam
ps: n0-loc-f
key: Beljiyam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyay
(fal) buug iyo wixii la mid ah, jaldi u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeysi
m.l la-mid: beledeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, beled aadid si uu ugu soo nasto.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Beledweyne
(n) capital city of south central Somali region of Hiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelitaan
-ka: (magac, lab, keli) shidmitaanka iyo ololitaanka dabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heleeliyar
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar dumarka u gaara oo ka mid ah heello-yaryarta waxaana ciyaara dumar isku dhafan hablo iyo islaamo, waxaana lagu rogaa: heleeli-yareey heleeli-yareey hoobaleey heleeli-yaraa; waa ciyaar jiib iyo sacab macaan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hereditary
(n) derived or transmitted from an ancestor or parent, esp. a disorder or disease.
wax waalidiintada laga dhaxlo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hereditary
/heredhateri/ (adj) layska firsado, fir ama hidde ah. e.g. a hereditary disease.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeysasho
m.f.dh eeg beledeyso. la-mid: beledeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedal
beedal¹: m.l la-mid: beeddal¹.
beedal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: beeddal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedal
-ka: (magac, lab, keli) is bihinbihinta iyo isku looxlooxidda ay samayso neef dhedig oo oofanayaa. Dh: oofad, lugadeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelay
(fal) beel ka dhig. Dh: beelee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeyan
vl. pron., neg. she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeyan
a: baaney
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + ay + aan
lx: beeyan
ps: focus + vpro + neg
key: beeyan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: belbeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beleli
v. burn, cause something to blaze; cause a burning sensation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beleli
-yey / say: (v) bum with a bright flame; blaze (baleeyz) ~ ololi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleli
(fal) dab ololi oo aad u shid. Golaha ha la kulaalee xuladka beleli. Dh: huri, shid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beleli
bw: belbeli
de: burn, cause s.t. to blaze; cause a burning sensation
lx: beleli
nt: belelin (ta) [vn-f], belelis (ka) [vn-m]
pd: (beleliyey)
ps: v2a=tr
key: beleli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleyn
m.f.dh eeg belee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) balaayo gelin; masuubo u horseedid. Ninka carruurta sigaarka baraa beleynta ubadka isga ayaa ka aabbo ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geledi
name-m insertion; inserter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keliya
keli ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keliya
s. Aan wax wehlin; uun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keliya
s. Aan wax wehlin; uun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keliya
adj., [adverb] alone, only
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Keliya
seulement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
keliya
(adj) only (oonli); alone (a-loon). Ex: AH oo kaliya..; only AH
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keliya
de: alone, only
lx: keliya
ps: adj / adv
syn: jaw, uun
key: keliya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meeday
Meeday?
(iyada) Xaggee bay jirtaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeday
e.we.dh eeg mee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeday
loc. question word, [feminine] where is she / it [fem.]?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeday
(interrogative word) where is she? Ex: meeday walaashay? where is my sister?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeday
(magac'uyaal) ereysu'aaleed oo u dhigma aaway, halkee ayuu jiraa. meeday ma haye meeday. way i maanqaadaye meeday. Dh: aaway, meeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeday
de: where is she / it [fem]?
lx: meeday
pd: (meedey)
ps: qw-loc-f
key: meeday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeyay
e.we eeg mee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeyay
(magac'uyaal) su'aaleed oo u dhigma aaway, halkee ayuu jiraa. Qalinkii iyo buuggii meeyey? Dh: aaway, aw, meeydey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiyaa
(falkaabe) tilmaama wax inta badan dhaca; sida badan. Dh: aalaa, badi, badanka, dhaaxaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedaan
-ka: (magac, lab, keli) geed qurux badan oo leh caleemo balballaadhan. Wuxuu u samaysan yahay sidii dallado la is kordhigay oo hadh qabaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeddal
(Beeddal-ka)
Neef gammaan ah oo dheddig kolkuu kudaal u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddal
beeddal¹: m.l B. ah: Geenyo kudaal u baahan. la-mid: beedal¹.
beeddal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Kudaal u baahasho (geenyo). la-mid: beedal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeddal
m. n. female horse in heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddal
-ka: (magac, lab, keli) dareen gammaan ay muujiso marka ay u baahato faras saarta. Beedalka geenyada farasku wuu deermaya bal sida uu eegi fiiri! Dh: orgood.
beeddal: (fal) gammaanka dhedig dareen rabitaan gudmo amuuji, labood u baaho. Geeyandu way beeddalaysaa. Dh: oofo, orgoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeddal
cf: asoollan
de: female horse in heat
lx: beeddal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: beeddal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeryar
-ta: (magac, dhedig, keli) xubin uurkujirta ka mid ah oo dhinaca bidix ee caloosha ku taal oo sameysa qayb ka mid ah unugyada dhiigga cad oo la yidhaado limfoosiid. Dh: baankariya, beeryaro.
beeryar -ta: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca beeryarta, oo carruurta caloosha laga gubo. Beeryar haysa cunugga. Dh: beeryaro, weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beldaan
m.dh.w eeg beled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Meel beled ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beledee
v. create a town; urbanize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledee
(fal) magaalo la deggen yahay oo dhismo hoosaad leh ka dhig. Meesha kaalay noo beledee. Dh: magaalee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beledee
de: create a town; urbanize
lx: beledee
pd: (beledeeyey)
ps: v2b=tr
key: beledee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelid
m.dh la-mid: belbelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid iyo ololid. Belelidda dabkuba waa markuu ololka dheeriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelin
(Belelin-ta)
Belel u yeelid; belbelin; ololin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelin
m.dh la-mid: belbelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololin oo aad u shidid. Ani igu daa belelinta dabka. Dh: shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelis
m.l la-mid: belbelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelis
-ta: (magac, dhedig, keli) shidmista iyo ololista dabku leeyahay. Belelis iyo olol baxa maleh dabkaan xaabo loo gurine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixay
(fal) xagta bidix ka lis hal godlan; bidixda ka haaneed. Dh: bidixlis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Eeriyal
Aerial
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
eredita
s.f. - dhaxal.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Geleyya
entrer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyo
f.g3 (-yaday, -yatay) la-mid: jildiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keligay
n. phr. I ... alone, all by myself, on my own
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keligay
de: I ... alone, all by myself, on my own
lx: keligay
pd: (keligey)
ps: np
xe: If I go all alone, what should I do?
xv: Haddaan keligay tagayo, maxaan sameeyaa?
key: keligay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhay
(fal) ereyo isku dardar oo weedh macno leh ka dhig. Dh: weerey, weedhee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weligay
n. phr., [conjunction] I ... still ~ always / never
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weligay
de: I ... still ~ always / never
initial: w
lx: weligay
pd: (weligey)
ps: np / conj
xe: Ive never seen it before.' = weli + -kayga
xv: Weligey hore u maan arkin.
key: weligay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhay
(fal) xeedho casuumad ah cid u samee. Qaraddaa imanayee u xeedhay. Dh: xeedhee, daraaree, casuun. Li: qadi.
xeedhay: (fal) xeedho diiqa ah oo aroos loo diiqayo samee. Inantu intaanay afartan bixin u xeedhay. Dh: diiq, xeedhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: beeddalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalan
(tilmaame) neef oofanaya oo saarasho u diyaar ah. Qaalin beedalan ayaa xerada ku jirta. Dh: lugadegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belaayad
f. n. calamity, disaster
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belaayad
a: belaayo, belo
de: calamity, disaster
lx: belaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: belaayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax beloobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax beloobay ahaansho. m.f.dh, beleysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beleysan
der. [adjective] ruined, in a bad way; 'down and out'; troublesome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beleysan
-beleysnaa / beleysnayd: (adj) troubled; uneasy, difficult. Ex: ilmo belaysan; difficult child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleysan
(tilmaame) mid balaayo qaba; mid masuubo wata. Nin beleysan beel ma hoggaansho. Dh: balaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beleysan
de: ruined, in a bad way; [fig.] 'down and out'; troublesome
lx: beleysan
pd: (beleysnaa)
ps: adj-der
key: beleysan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
benedire
v.tr. - u ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berriyad
-da: (magac, dhedig, keli) dabayl xagga berriga ka timaadda oo xagga badda u dhacda ama u kacada, oo hanfi wadata. Berriyad kulul baa nagu dhufatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buldiyid
(Buldiyid-da)
Buldi ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buldiyid
m.f.dh eeg buldi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buldi ku cabbirid. Buldiyidda waxa loo adeegsadaa meelha dhaadheer iin si fudud loo gaadhayn.