beledeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeyn
m.f.dh eeg beledee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalayn oo suuq iyo waddooyin u yeelid. Dh: magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhig beled iyo magaalo joog.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Beledweyne
(n) capital city of south central Somali region of Hiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeysi
m.l la-mid: beledeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, beled aadid si uu ugu soo nasto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleyn
m.f.dh eeg belee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) balaayo gelin; masuubo u horseedid. Ninka carruurta sigaarka baraa beleynta ubadka isga ayaa ka aabbo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Meel beled ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beledee
v. create a town; urbanize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledee
(fal) magaalo la deggen yahay oo dhismo hoosaad leh ka dhig. Meesha kaalay noo beledee. Dh: magaalee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beledee
de: create a town; urbanize
lx: beledee
pd: (beledeeyey)
ps: v2b=tr
key: beledee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedeyn
m.f.dh eeg geedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan geedo lahayn dhir ku beerid.
geedeyn-ta: (magac, dhedig, keli) cunto la karinayo, geedo udgooneeya ku daris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belediya
f. n. municipality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belediya
-da: (n) municipality (minusipaaliti) ~ dowladda hoose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belediya
de: municipality
lx: belediya
pd: (-da)
ps: n0-f
key: belediya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Beled Weyne
pr. n., loc., [compound] Beled Weyne [city in south central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Beled_Weyne
cf: caasimad
de: Beled Weyne [city in south central Somalia] Capital of the Hiiraan region
lx: Beled Weyne
pd: (/ha)
ps: n0-loc-m-cmp
key: Beled_Weyne
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belediyad
m.dh Dawladda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belediyad
f. n., [collective] local government, municipality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyad
-da: (magac, dhedig, keli) meesha ay fadhiistaan maamul hooseedyadu ee mgaalada ama degmada looga taliyo. Belbela waxa loo sameeyey belediyad cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belediyad
bw: Arabic
de: local government, municipality
lx: belediyad
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: belediyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyay
(fal) reer magaal ka dhig, ka dhig beled yaqaan. Dadka baadiyaha belediyay. Dh: beledee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labalegdeyn
m.f.dh eeg laballegdee. eeg laballaaban¹. la-mid: eeg laballaaban². la-mid: labanlaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beden
(Beden-ka)
Gaadiid badeed oo doontana ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluunsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beden
m.l (-emmo /-enno, m.dh) 1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beden
m.l (-emmo /-enno, m.dh) 1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beden
m. n. small fishing boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beden
-ka: (magac, lab, keli) jaad mid ah gaadiidka badda, doontana ka yar huudhigana ka weyn oo lagu kalluumaysto. Dh: badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beden
de: small fishing boat
lx: beden
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: beden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belde
-ha: (magac, lab, keli) moqor yar oo ay biyo ku jiraan. Shinbiri belde kama quusato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beled
(Beled-ka)
Meel dad badani wada deggan yahay oo leh guryo badan iyo waddooyin dheerdheer; degmo buulada ka weyn; magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beled
m. n. town, settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beled
-ka: (n) city (sitty, town ~ magaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beled
-ka: (magac, lab, keli) magaalo weyn oo cammiran. Beled iyo baadiye midkaad doonto waad degi karaysaaye. Dh: magaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beled
de: town, settlement
lx: beled
pd: (-ka Pl: beldaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: beel; Contrast: caasimad, magaalo
key: beled
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax belo ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
belee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax belo ku ridid. m.f.dh, belayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belee
v. do harm to, ruin; have a bad influence on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belee
-yey / belaysay: (v) defame (difeeynty, speak ill of; attack the reputation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belee
(fal) balaayo geli; masiibo u horseed. Orod dadkaa kale belee oo annaga na dhaaf. Dh: balaayee, masiibee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belee
de: do harm to, ruin; have a bad influence on
lx: belee
pd: (beleeyey)
ps: v2b=tr
key: belee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerey
-da: (n) 1. farmer (faarmer); peasant (peezant) ~ qoddoto, beeralay. 2. traditonal folks dance ~ beerrey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belayn
-ta: (magac, dhedig, keli) balaayo ku samayn. Belaynta reerka nin baa la soo galay. Dh: balayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledi
-ga: (magac, lab, keli) mid magaalayaqaan; mid reermagaal ah. Beledigu baadiye kuma noolaan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedayn
(Eedayn-ta)
Xaal u qabsasho; eed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedayn
m.f.dh eeg eedee. la-mid: eedays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedayn
-ta: (n) blaming; accusation (akiyu-seey-shin) ~ eedays
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eedayn
Accusare
Accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, denbi ku soo oogid; cid kale, eed u qabsasho. Eedaynta ay maxkamaddu u soo jeedisay Dharaar waa xatooyo. Dh: tuhmid, eedays, canbaarayn. Wa: eedeymo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eedayn
تُهْمَة، إِنَّهَام
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eleven
/ileven/ (n) kow-iyo-toban.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
eleven
num., kow iyo toban, -ki; eleventh, kow iyo tobnaad, -ki, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balweyn
m.f.dh eeg balwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cod ay dibidu samayso marka saco orgoonaayo oo ah guux hoose oo jiidan. Lagama gam'in xalay balwaynta dibiga.
balweyn -ta: (magac, dhedig, keli) fanka balwada ku hees. Khadiija balweynta aad bay u taqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedaan
-ka: (magac, lab, keli) geed qurux badan oo leh caleemo balballaadhan. Wuxuu u samaysan yahay sidii dallado la is kordhigay oo hadh qabaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beel ka dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenayn
(Beenayn-ta)
Been ka dhigid; beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenayn
m.f.dh eeg beenee. la-mid: beenin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenayn
-ta: (n) the act of rebutting; rebuttal (ribatel); disproof (dis-buruuf) ~ beenin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayn
-ta: (magac, dhedig, keli) been ka dhigid, wax la sheegay run ma ah dhehid. Dh: beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beldaan
m.dh.w eeg beled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelin
(Belelin-ta)
Belel u yeelid; belbelin; ololin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelin
m.dh la-mid: belbelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololin oo aad u shidid. Ani igu daa belelinta dabka. Dh: shidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceebeyn
vl. n. embarrassment, exposure, unmasking, defamation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceebeyn
-ta: (n) the act or an instance of condemning (kon-dheem-ing); blaming (baleeym-ing) or disgracing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceebeyn
de: embarrassment, exposure, unmasking, defamation
lx: ceebeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ceebeyn
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceebeyn
عَيْبٍ، تغيير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeleyn
m.f.dh eeg geelee. la-mid: geeleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeseyn
(Geeseyn-ta)
1. Geeso u yeelid.
2. Gees xigid; doc xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeseyn
m.f.dh eeg geesee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heereyn
f. n. circle; pen, corral; blockade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heereyn
de: circle; pen, corral; blockade
lx: heereyn
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: heereyn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maleeyn
vl. n. conception, representation, hypothesis theory
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maleeyn
a: maleyn ~ malayn
de: conception, representation, hypothesis theory
lx: maleeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maleeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereyn
m.f.dh eeg meeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meerameerow samayn oo isku duurid. Meereynta waa lagu wareeraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Megdeyn
(Megdeyn-ta)
Meged gelin; idiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeyn
m.f.dh eeg megdee. la-mid: magdeyn, magdeys, megdeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid. Woobka iyo maraaga ayaa megdeynta hargaha ugu fiican. Dh: megdin, megdayn, megdays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teeleyn
m.f.dh eeg teelee. la-mid: teelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weereyn
m.dh (naxwe) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weereyn
m.dh (naxwe) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeteyn
m.f.dh eeg weetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeteyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socda joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weldeys
-ka: (magac, lab, keli) ul weyn oo madax buuran ayna qaataan reer miyigu. Odaygani weldeys buu sitaa. Dh: bud.
weldeys -ta: (magac, dhedig, keli) qaar; huudh; huur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydeyn
m.f.dh eeg weydee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleliye
-ha: (magac, lab, keli) qarxiyaha dabka shida. Dh: dabshide, belbeliye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bêlement
bêlement, n.m. - Cida idaha (Ariga); Cida idaha, iyo wixii u egba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax beloobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax beloobay ahaansho. m.f.dh, beleysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beleysan
der. [adjective] ruined, in a bad way; 'down and out'; troublesome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beleysan
-beleysnaa / beleysnayd: (adj) troubled; uneasy, difficult. Ex: ilmo belaysan; difficult child