belbelitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhamac iyo olol yeelasho. Belbelitaanka dabka waa lagu gubtaa barasho reerkii dheh. Dh: ololitaan, balbalitaan, belelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelitaan
-ka: (magac, lab, keli) shidmitaanka iyo ololitaanka dabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelitaan
-ka: (magac, lab, keli) waayitaan waxaad lahaan jirtay. Aabba beelitaan horey ii heshaye allow hooyo ii daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelitaan
-ka: (magac, lab, keli) ku beddelid wax kale meeshiisii. Baabuur beddelitaan badanaa waa nin bangiga lacag u taallo. Dh: geddiyitaan.
beddelitaan-ka: (magac, lab, keli) lacag, lacag kale ku sarrifitaan. Beddelitaan waan la soo waayey Diinnarkan. Dh: dooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo si fudud ugu rushitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melmelitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca kale u rogitaan. Dh: jeeditaan, geddiyitaan, rogitaan, qallibitaan.
melmelitaan-ka: (magac, lab, keli) si xoog ah oo duuban u tuuritaan. Dh: tuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) basbeelid aan danbas mooyee wax kale soo hadhin, gubasho darteed la baabi'itaan. Dh: basitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbelin
(Belbelin-ta)
Belbel u yeelid; belelin; ololin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belbelin
m.f.dh eeg belbeli. la-mid: belbelis, belelin, belelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelin
-ta: (magac, dhedig, keli) belbel u yeelid. Dh: balbalin, belelin, ololin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegitaan
-ka: (magac, lab, keli) beegista wax la beego. Beegitaan xumaa dukaankani bal inta waa kiiloo yadhi fiiriya!
beegitaan-ka: (magac, lab, keli) ku toosid oo ku aadid. Ku beegitaanka caroosku waa 12ka bisha afraad. Dh: Abbaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhir ku abuuris. Beeritaan beereed buu ku maqanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelsan
(tilmaame) wax ololaya oo shidmaya. Dab belbelsan baa baadka lagu kariyaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) jeelis badan qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) melmelitaan oo dib u majiiritaan. Xeelitaanka gaadhiga miyir oo aayar u melmel. Dh: melmelitaan, wareejitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax lays faray sida loo doonayo u oggolaan.
yeelitaan -ka: (magac, lab, keli) wax samayn. Yeelitaanka waxa aan yeelayo ani ii daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bololitaan
-ka: (magac, lab, keli) jabidda qori, laf ama ilig. Bololitaan dhowaa xoday ingegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metelitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid maqan ka wakiil noqosho. Dh: wakiilnimo.
metelitaan -ka: (magac, lab, keli) riwaayad ama filim jilitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
benneditaan
-ka: (magac, lab, keli) ooditaanka iyo xiritaanka afaaf ama meel furan. Dh: awditaan, benniditaan, qufulitaan. Li: furitaan, ballaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdeditaan
-ka: (magac, lab, keli) argaggixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelitaan
-ka: (magac, lab, keli) hawl kansho u haysasho. Dh: jaanis, haleel, firaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hellemitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hellemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleelitaan
-ka: (magac, lab, keli) socod cagajiid ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) ibabbeelis ku dhacda neef xoolo ah candhadiisa. Dh: candhabbeelitaan, naasabbeelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeeditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badbeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yagleelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg yagleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalleelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bacalleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beditaan
-ka: (magac, lab, keli) wax lagugu lahaa bixintiisa, magadhabitaankiisa.
beditaan -ka: (magac, lab, keli) ciyaar intii lagaa dhaliyey dib u dhalitaankeeda. Beditaanka kubbadda lagu kala nasiib roonaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bejitaan
-ka: (magac, lab, keli) ka cabsiin oo si uu u baqdo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbelid
(Belbelid-da)
Belbel yeelasho; belelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belbelid
m.f.dh eeg belbel². la-mid: belbel¹ (2), belel¹, belelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelid
-da: (magac, dhedig, keli) dab ama olol yeelasho. Belbelid dab ayaa lahaa iyo dhamacda naareede. Dh: belelid, balbalid, ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belbelis
m.l la-mid: belbelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belbelis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololis oo aad u shidis. Dabka belbelista ka daa waa intaayoo dharo bixiyaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilitaan
-ka: (magac, lab, keli) bilis iyo qurxin heersare ah.
bilitaan -ka: (magac, lab, keli) sare u qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg eedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax kale, dhugasho oo fiiris. Dh: jeedaalis, dhawritaan, eegniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelitaan
-ka: (n) entry (in tari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gelid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Helitaan
Abundance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helitaan
vl. n. discovery; finding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helitaan
-ka: (n) the act of finding, discovering, obtaining or receiving; discovery (dis kaveri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg helid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helitaan
de: discovery; finding
lx: helitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: helitaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
helitaan
اكتشاف
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalitaan
-ka: (magac, lab, keli) hawada dhexdeeda marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leditaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo fiican gam'id. Dh: ledniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku dhex libdhitaan. Dh: dejin, leqniin.
leqitaan-ka: (magac, lab, keli) wax la cuno ama la cabbo, jediinka marin oo leqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulitaan
-ka: (magac, lab, keli) ruxitaan iyo dhaqdhaqaajin kolba dhinac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alalid. al'aloos -ka: (magac, lab, keli) abaabulka koox ama reer lagu qalqaalinayo arrin. Inta badan waxa loo adeegsadaa abaabulka dagaal. Al'alooska reeraha aad ka dhex waddiin joojiya. Dh: abaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabitaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ku akhriyid; sixir ku samayn. Baabitaanku waa xaaraan. Dh: sixritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg babbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg balxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilitaan
-ka: (magac, lab, keli) biil bixitaan. Dh: bilin, masruufitaan, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobitaan
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah wax u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef, meel ku xidhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesitaan
-ka: (magac, lab, keli) hees ku luuqayn: hees qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexitaan
-ka: (magac, lab, kali) jeexis ku samayn.
jeexitaan-ka: (magac, lab, kali) meel taag ah ama buur ka bixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel kore saaritaan ama ku tuurid.
laalitaan -ka: (magac, lab, keli) arrin iyo wixii la mid ah, dib u dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefitaan
-ka: (magac, lab, keli) carrabka wax ku leefniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolitaan
-ka: (magac, lab, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolniin.
loolitaan -ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolka ciyaaritaan. Dh: loolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg meerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololitaan
-ka: (magac, lab, keli) holcasho, belbelitaan. Dh: belbelitaan, belelidtaan.
ololitaan -ka: (magic, lab, keli) guux iyo reen samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel oollid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qeexitaan
-ka: (n) definition (defi-ni-shin); clarification (kalaara-fi-keey-shiri) ~ qeexid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qeexitaan
-ka: (magac, lab, keli) sharrixitaan co aad u macnayn. Qeexitaankii meselada ayaan ku raagnay. Dh: qeexniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebitaan
-ka: (magac, lab, keli) reebidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemitaan
-ka: (magac, lab, keli) reemid ku jirid Hasha reemitaan ayuu waagu ugu beryey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gefid; haleeliwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeritaan
-ka: (magac, lab, keli) soohdin u yeelitaan; xeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeditaan
-ka: (magac, lab, keli) isdhinac dhigitaanka walxo badan; sarbitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) xeerid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) u dhawaaqitaan. Nin dhegala' yeeritaan ma maqlee taabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelnaan
m.f.dh eeg beddelan². la-mid: baddalnaan, baddalnaansho, beddelnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sidii si ka duwan ahaan. Beldelnaanta waan ku arkaye anu bedeelin taayirka. Dh: doordoorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleysnaan
m.f.dh eeg beleysan. la-mid: beleysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) balaayo qabid; masuubo ku jirid. Ilaahoow belesnaan naga hay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berbernaan
m.dh la-mid: dardarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilnaan
m.f.dh eeg bilbilan. la-mid: bilbilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rushrushay oo biyo lagu saydsaydhiyay ahaan; wax la biifay ahaan. Bilbilnaanta daaraddu siigada ayay nabtaa. Dh: rushnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelnaan
m.dh la-mid: dąldalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku xidhan oo lalmanaya ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg engegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelitaan
-ka: (magac, lab, keli) sheelidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg afbeelid. afbillaw -ga: (magac, lab, keli) cunnada maalinta billawgeeda la cuno; waxa u horreeya ee lagu afurto. Dh: afur, hamuuntir, quraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agloolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg agloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtirmitaanka wax jirey oo raadkiisa la waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulitaan
-ka: (magac, lah, keli) baytimaalin iyo daadaadin siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahdilitaan
-ka: (magac, lab, keli) sumcad riditaan; sharaf dhaawacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wada furitaanta meel ama weel xidhnaa.