bel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bel
-sha: (magac, dhedig, keli) erey lagu tusmeeyo xanuun boogi la olosho. Boogtii baa bel i tidhi markii dawada la mariyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ba'
(Ba'-a)
Dhicitaan, dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; hoog; belo; baabba'; baas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baas
(Baas-ka)
Dhibaato iyo waxyeello aad u xun leh; hoog; ba'; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbis
(Babbis-ka)
Qalab inta badan, caw midabyo badan laga tidco oo daab leh, oo dabka lagu belbeliyo ama kolkii la kululaado laysku babbiyo; wixii dabaysha kiciya oo xiisad u yeela oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belaayo
(Belaaya-da)
Dhibaato dhacda oo waxyeello xun cid gaarsiisa; hoog; ba'; belo; baas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbel
(Belbel-ka)
Oomaarka ama gaaska daarma kolka wax la shido oo yeesha carrabyo iyo midabyo kala duwan; olol; belel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbelid
(Belbelid-da)
Belbel yeelasho; belelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbelin
(Belbelin-ta)
Belbel u yeelid; belelin; ololin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beled
(Beled-ka)
Meel dad badani wada deggan yahay oo leh guryo badan iyo waddooyin dheerdheer; degmo buulada ka weyn; magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belel
(Belel-ka)
Belbel; olol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelin
(Belelin-ta)
Belel u yeelid; belbelin; ololin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bender
(Bender-ka)
Degmo weyn oo badda taal; beled marso leh; magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bi'in
(Bi'in-ta)
1. Ba' ku markasho, gaarsiin; hoojin; beleyn.
2. Tirtirid; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsur
(Cunsur-ta)
1. Asal; gun.
2. Xumaan; hoog; belaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraw
(Darraw-ga)
Hoog; inkaar; silic; belaayo; (ama darrow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheemman
(Dheemman-ka)
1. Waxyaalaha dhulka lagala soo baxo kan ugu adag: wuxuu u eg yahay dhalo (quraarad) aad u belbeleysa.
2. Cad geedkaas laga sameeyey oo kamid ah dhagaxa qaaliga ah ama alaabada wax lagu jarjaro oo adaygga badan u baahan afka loo gesho oo caarad looga dhigo.
3. Afarta jaad oo turubka mid kamid ah ~ almaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duf
1. (Duf-ka, Duf-ta) Timo adag oo iska baxay; gan; dhogor.
2. (Duf-ta) a) Alaab raagtey oo jilicday; lul; calal; baabba'. b) Hoog; ba'; dooriso; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoog
(Hoog-ga)
Ba'; baas; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibtileyn
(Ibtileyn-ta)
Ibtilo ku ridid; hoojin; beleyn; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beel
(Bee-sha)
1. Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
2. Qolo qolo ka xoog badani ka dultimid ama qabsatay oo xoog ugu taliso; raaciye; isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beel
beel¹: m.dh (-lo, m.l) Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
beel²: m.dh.u Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
beel³: f.g1 (-eelay, -eeshay) Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beel
beel¹: m.dh (-lo, m.l) Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
beel²: m.dh.u Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
beel³: f.g1 (-eelay, -eeshay) Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid. m.f.dh, beelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beel
v. lose
beel vl. n. loss, lack of (X)
beel [feminine] n. settlement, group of families, community; colonization
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beel
-beesha: (n) a small community
beel: -ay / beeshay: (v) lost (loost); suffer loss. Ex: wiilkii gacan buu beelay; the boy lost an arm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beel
(fal) wax aad haysatay waa; wax aad lahayd oo kaa hallaaba. Wax badso wax beel bay leedahay.
beel: (dabagelis) ereyada uu raaco u roga diidmo iyo waayid sida: indhabbeel, dhegabbeel, jeelbbeel, arradbbeel iyo waxii la mid ah.
beel -ka: (magac, lab, keli) qof saaxiibkaa ah. Dh: wadaay, rafiiq, jaal.
beel-sha: (magac, dhedig, keli) dad isku qolo ah ama isku isir ah. Dh: qabiil.
beel-sha: (magac, dhedig, keli) reero badan oo meel wada yaal oo isku deegaan ah. Bulladiyo ciyaaraha, lagu waa bariistoo, beeluhu gu' joogaan, sow berisamaadkii, Beled Weyne maan tegin. Dh: duddo, qeyro. Wa: beelo.
beel -sha: (magac, dhedig, keli) koox abuuraha Ilaahay ah oo isku jinsi ah sida dhirta, dugaagga iyo shinbiraha.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
beel
فَصِيلَة
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bell
/beel/ (n) gambaleel (jalas)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bell
/bel/ (n) koor (gambaleel).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bell
n., gando, -adi; little bell, dawan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belo
(Bela-da)
Belaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belo
m.dh la-mid: belaayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
belo
m.dh la-mid: belaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belo
f. n. (adj.): hardship, difficulty, misfortune, calamity; evil, dangerous below [inchoative] v. be ruined, become bad; become troublesome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belo
-belada: (n) 1. disaster (di zaaster) ~ balaayo, musiibo. —Syn: calamity, catastrophe, cataclysm 2. danger (dheen ar) ~ khatar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg balaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belo
de: hardship, difficulty, misfortune, calamity; [atr.] evil, dangerous
lx: belo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: more dangerous
xv: belaayo
key: belo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Belt
Jiid
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
belt
(n) a strap of leather or cloth worn around the waist and used to support clothing.
suun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
belt
/belti/ (n) suun (suunka dhexda lugu xirto)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Belt
Suun
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
belt
/belt/ (n) 1. suung. (v) 2. eed ing dhowow. 3. Kabaal-kuurrumow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
belt
n., (man's) suun, -ki; (woman's) boqor, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
be
v.i., ah (affix), ahaw (see Grammar); what is it to me? aniga maxay iila tahay? he is to be killed, in la dilaa buu leeyahay; you are to speak, hadalka adaa leh or inaad hadasha baad leedahay; it is day, wa dharaar, maalin; it was night, habeen bay ahayd; it is over, dhamaatay; how is it with you? simay, sidee kula tahay? it is so with me, sidaasay ila tahay or aniga waa ila sidaa; what is the matter? waa sidee? so it is, waa sidaa; let it be so, sidaa u daa; so be it, sidaa ha ahaato; I am to go thither, halkaasaan inaan tago leeyahay; it is good being here, waa wanaag in halkaan la joogo; it was better being there, tii baa tan ka wanaagsanayd, or tii baa tan dhaantay, or halkaa baa sii wanaagsanayd; there is, there are, there was, there will be, wax jira (sing. and plur), wax jiray, wax jiri doona; there are many men, niman badan baa jira or niman badni waa jiraan; here he is, halkuu joogaa; there is one, waa mid; this is the reason why I did it, eeddi aan waxaa ku sameeyay waa taa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bal
1. Erey ulajeeddooyin midabyo badan leh sida 'waa yahay e,' 'Arrintii hore daayey ama ka noqday e,' oo la yiraahdo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska yeersiiyo (wax aan lagu jacsanayn ama cagajiid lagu yeelo); Bal hoo, bal kaalay, bal ina keen; wiilka bal u yeer.
2. (Bal-ka) a) Geedka meseggada, galleyda, kd. inta laamaha iyo caleemaha ah. b) Ballan; wacad; axdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bal
bal¹: m.l.u Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
bal²: e.d 1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tusaale: “B. inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b. inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida “B. hoo”, “B. ina keen”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bal
bal¹: m.l.u Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
bal²: e.d 1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tusaale: B. inaan eegi karo aan soo durko, Weyddii b. inay fog tahay; ama cagajiid lagu jeedo, sida B. hoo, B. ina keen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bal
inter. allright, ok, well, just, now, uh
bal m. n. large leaf, leaves and stalk of plants like bananas ~ corn
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAL
(Bal) S Aristida adscensions L. Gramineae.
N Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rubr.) De Winter. Gramineae.
N Stipagrostis uniplumis (Licht) De Winter. Gramineae.
N Zygophyllum hildebrandtii Engl. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bal
(adv) simply; just. Ex: bal maqal waxuu sheegayo; simply listen to what he is saying
bal -ka: (n) hay (heey); hay cut and dried for fodder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bal
(xidhiidhiye) macne gaar ah aan lahayn, hadal lagu hakiyo oo fiirsasho iyo digtooni ku jirto. Bal kaalay oo ila hadal. Bal soo qaad koobka.
bal: (ereycodeed) lagu tusmeeyo iftiin meel ka baxay; iftiinka ka baxa kolka ay meeli olosho. Olol baa halkan bal ka yidhi.
bal -ka: (magac, lab, keli) caws laamo dhaadheer leh ka baxa webiyada jiinkooga. Waxa uu leeyahay xubno u eg dicinta oo loo adeegsado dhismaha cariishyada. Dh: dacaar.
bal -ka: (magac, lab, keli) gogosha lagu seexdo ee laga sameeyo laamaha geedbaarka ama geetimireedka. Bal u dhig martida. Dh: caw, qaddiifad. bal -ka: (magac, lab, keli) hadhuudhka kolka madaxa ama sabuulka laga guro inta soo hadha. Saca irmaan balka siiya. Dh: qaran.
bal -ka: (magac, lab, keli) kulan lagu ballamay. Bal dambe oo shan iyo tobnaad innoo qabta. Dh: ballan, madal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beb
f.g1 (-bay, -btay) Ciyaar lagu tartamay, foorooyinkood iska soo gudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beb
(eraycodeed) lagu cabbiro jabaqda wax adag oo la dharbaaxo ama wax lagu jiido. Dharbaaxo beb ku sii!
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bec
bec, n.m. - Afka dhuuban ee shimbiraha Halke ugu sareeya; Ugu fiiqan; Sida Buurta Figta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bed
(Bed-da)
Nabad; ladnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bed
bed¹: m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed²: m.l (-dad, m.l) (xisaab) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
bed³: m.l/dh (-do, m.l) 1. Caafimaad; ladnaan. 2. Badbaado. la-mid: bąd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bed
bed¹: m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed²: m.l (-dad, m.l) (xisaab) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bed
Area
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bed
f. n. safety, well-being, peace; protection, security
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bed
/bedh/ (n) 1. sariir 2. shay aasaaskiis ama salkiisa (gun-dhig) 3. meel wax lugu beero.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bed
/bed/ (n) 1. sariir. 2. meel wal lyky abuuraw. 3. hoos (maagnathy amy webighy salsho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bed
(fal) magdhow wax kugu maqan oo wax u dhigma bixi. Bed gaadhigaad iga jebisay.
bed -ka: (magac, lab, keli) qiyaasta labajibbaaran ee shaxan dhexdiisu ka kooban tahay; inta labajibaar ee shaxan uu ka kooban yahay; meeli intay kala fidsan tahay oo lagu cabbiro halbeeg labajibbaaran. Bedka gurigu waa 20m2.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bed
Cabbirka labanlaaban ee ku kooban dusha xeraysan ama heeraaran, Bedka gurigu ku fadhiyo waa mt. 4 x 6 = M² 24
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bed
de: safety, well-being, peace; protection, security
lx: bed
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: nabad, ladnaan
key: bed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bed
n., sariir, -ti, gogol, -shi; go to bed, hurda doono or tag; he is abed, waa jiifaa, waa hurdaa; he lies sick abed, bukaan or xanuun buu la jiifaa; put him out of his bed, sariirtiisa ka toosi; he is on his death bed, waa ugu dambaystiisii; bed side, sariirti geesteeda; he that goes to bed thirsty rises healthy, ninki haraad ku seexda, caafimaad buu kusoo toosaa; it is bed time, hurdaa joogta; bed stead, horiyo sariireed.
bed (of a river), n., dec or dix, -di, doox, -i; dry bed of a river, goof, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bee
/bii/ shinni (cayayaanka malabka sameeya).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bee
/bii/ shynny.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bee
n., shinni, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beg
/beg/ (v) baryid (tuugid). e.g. She begged me to stay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beg
/beg/ (v) tuughow, tuughythow, tuugsythow meghyng-Allaysythow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beg
v.tr., bari; beg earnestly, dalab, dalbo; beg for alms, dawirso; they beg for peace, iyagu heshiis (nabad) bay rabaan, or iyagu baryay rabaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bes
m.dh 1.(ld bis) 2. Erey lagu yiraahdo dameerka marka la doonayo in la joojiyo. 3. Erey loo jeediyo qof hawl hayey si uu u joojiyo. 3. B.tay baan ahay: waan liitaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bes
m.dh 1.(ld bis) 2. Erey lagu yiraahdo dameerka marka la doonayo in la joojiyo. 3. Erey loo jeediyo qof hawl hayey si uu u joojiyo. 3. B.tay baan ahay: waan liitaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bes
f. n. enough, sufficiency; too much of
bes inter. that's enough!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bes
(adj) enough (i-naaf); sufficient (saffishint) Ex: bes waaye; that is enough. —bestay: can take no more; exhausted (igzoostidh); tired (taayaridh)
bes: (interj.) used to express impatience; stop! or enough!. Ex: bes ka dheh; that is enough. Stop!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bes
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bas.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bet
/bet/ (n) 1. sharad (sharatan) 2. hubaal (informal)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bet
/bet/ (v) sharattimow, awgool. I bet Aliyow will win the race.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bet
n., sharad, -ki.
bet: v.tr., la sharatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bey
(Bey-ga)
Beey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bey
bey¹: m.l Midab cad oo madow yari ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da, fardaha iyo riyaha.
bey²: m.dh Nooc ka mid ah halaqyada waaweyn oo leh waabaayo halis ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bey
m.l Midab cad oo madow yari ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da, fardaha iyo riyaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bey
vl. pron. she / they,
bey m. n. gray
bey [feminine] n. snake species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bey
-ga: (n) grey (gareey), also gray (ame)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bey
-ga: (magac, lab, keli) midab ka dameeraha oo kale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bil
(Bi-sha)
1. Dayaxa waaxdiisa hore ama danbe oo uu u ekaado qaanso afafka u dhuuban oo dhexda u weyn; dayuxu markuu dhasho ama sii dhammaana hayo.
2. Soddonka maalmood oo u dhexeeya dhalashada iyo dibbadka dayaxa; 12ka qaybood oo sanada, middood; afar toddobaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bil
bil¹: m.dh (-lo, m.l) 1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
bil²: f.g1 (bilay, bishay) 1. Wax kor u qaadid iyadoo madaxa laga sara mariyo. 2. Wax, wax qurxoon ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bil
bil¹: m.dh (-lo, m.l) 1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
bil²: f.g1 (bilay, bishay) 1. Wax kor u qaadid iyadoo madaxa laga sara mariyo. 2. Wax, wax qurxoon ka dhigid. m.f.dh, bilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bil
f. n. moon; month
bil v. promote; beautify; improve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bil
-bisha: (n) [Plural bilood] 1. month (manth) 2. moon (muun) ~ dayax
bil -ay/bishay: (v) 1. pamper a child playfully. 2. decorate (dheka reeyt); praise (pareeyz) · qurxi ama ammaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bil
(fal) wax kala daadsan ama kala fidhidhsan isku du oo hagaaji.
bil: (fal) wax qurxi oo suubbi. Bil naftaada oo bilicda u biiri.
bil: (fal) kor u qaad oo halka u sarreysa gee. War oodda bil! Dh: bidh.
bil-sha: (magac, dhedig, keli) dayaxu marka uu dhasho ama dhammaanayo qaabka uu yahay, iftiinkiisuna yar yahay. Bishii bilatayeey bil khayr.
bil-sha: (magac, dhedig, keli) astaan qaansada u eg oo erey, weedh ama hadal qoran, belowga iyo dhammaadka lagaga xidho, oo hadalka intiisa ka xidha. Bil xidhan bay ku jiraan. Wa: bilo.
bil-sha: (magac, dhedig, keli) labo iyo toban ka qaybood ee sanadka middood, afar toddobaad iyo labo maalmood, sida badan soddonka maalmood. Bil baannu gunnada ku qaadannaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bil
قَمَرِ، شَهْرٍ
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bol
bol, n.m. - qaafiri yar; baaquli yar; fujaan yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bul
(Bul-ka)
Xirmo ka samaysan dun ama mayrax ama wax kaloo la budliyey oo la jilciyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bul
bul¹: m.l (-lal, m.l) 1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iyo wixi lamida ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe.
bul²: f.g1 (bulay, bushay) Mayrax, dun iyo wixi lamida miiqyo yaryar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bul
m.l (-lal, m.l) 1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iyo wixi lamida ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bul
m. n. tassel; fringe
bul v. take (away); reduce, curtail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bul
(fal) bul ka dhig maydhax ama xaskul. Aan horey u dhammeeyee xaskusha ii bul.
bul: (fal) u yeel bul oo bulad u samee. Cidaadda bul oo dhiilka si fiican u cug.
bul!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo qarax halmar isla kaca. Dh: bug.
bul -ka: (magac, lab, keli) xaskul ama maydhax aad loo tumay oo bul jilicsan noqday.
bul -ka: (magac, lab, keli) ul qoyan oo laga soo gooyo galoolka, qararrida ama salaalmacada oo inta la jarjaro, afka hore loo bulo, geeljirku kolkuu dhiilasha cugayo catir ama masaxaad ahaan u adeegsado. Dh: cidaad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bul
Madaxa burushaanta rinjiga biyaha, caddaynta iyo kan saliidda ee ka samaysan xig ama diriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eel
(Eel-ka)
Dhibaato weyn; arrin xun oo culus; hoog.