bekelnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bekelnimo
m.dh Bekel ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ehelnimo
(Ehelnima-da)
Ehel ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehelnimo
m.dh Ehel ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ehelnimo
f. n., [abstract] kinship, relationship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ehelnimo
-ehelnimada: (n) family relationship; kinship (kin shiip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xigaal iyo qaraabo ahaansho. Dh: cashiiro, tol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ehelnimo
de: kinship, relationship
lx: ehelnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: ehelnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beejimo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo xoog iyo xaagaandarro lagu qaato. Geel beejimo ah ayaan soo qabannay. Dh: boojimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedonimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel ku cusub oo waxba garanayn ahaan; reer miyi ahaan. Bedonimo ku caydee ma innigaa magaalo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelniin
-ka: (magac, lab, keli) beelitaan ama waayid wax aad lahayd ama aad haysatay. Indho beelniinka da'daa ugu wacan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelinimo
-kelinnimada: (n) loneliness (loonines); aloneness (a loon-nes); lonesomeness; solitude
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalnimo
m.dh Bahal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahalnimo
f. n., [abstract] brutality, barbarity, bestiality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahalnimo
-bahalnimada: (n) savagery (saava-jari); the act of being uncivilized or barbarous (baar baras); savage (saa vej); wildness (waayl-dines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dugaagoobid; bahal halis ah noqosho. Dh: cadawnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahalnimo
de: brutality, barbarity, bestiality
lx: bahalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: bahalnimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bikronimo
f. n., [abstract] virginity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bikronimo
-bikronimada: (n) chastity (jaas ti ti); virginity (veer jiniti)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bikronimo
de: virginity
lx: bikronimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: bikronimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hebednimo
(Hebednima-da)
Hebed ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hebednimo
m.dh Hebed ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hebednimo
f. n., [abstract] tameness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hebednimo
-hebednimada: (n) tameness (teeymnes), docility (dhoosiliti); readiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hebednimo
-da: (magac, dhedig, keli) hebed ahaanshaha. Dh: kalsan. Li: toojo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hebednimo
de: tameness
lx: hebednimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hebednimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebernimo
m.dh Leber ahaansho (waxar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaylnimo
m.dh Bakhayl ahaansho. la-mid: bakhiilnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhaylnimo
f. n., [abstract] miserliness, greediness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhaylnimo
-bakhaylnimada: (n) stinginess (istinjines); miserliness (maay sarli nes)~ dhabcaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaylnimo
-da: (magac, dhedig, keli) bakhayl ahaan aan waxba ka bixin. Bakhaylnimo nac Allaa ku yaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhaylnimo
a: bakheylnimo
de: miserliness, greediness
lx: bakhaylnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: bakhaylnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhiilnimo
m.dh la-mid: bakhaylnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhiilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bakhaylnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabeelnimo
m.dh Dhabeel ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabeelnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gaarinimo; marwonimo. Dh: gaarinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wecelninimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan meher sharci ah ku dhalan oo wecel ah ahaan. Wecelnimo la iskuma caayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaannimo
m.dh Bukaan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) in badan xanuunsanaan oo bukaanjiif noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeennimo
(Habeennima-da)
Habeen gudihi; habeen ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeennimo
m.dh.fk Waqti habeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habeennimo
m.dh.fk Waqti habeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeennimo
f. n. night, nightfall; darkness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeennimo
-habeennimada: (adv) during the night; overnight (oovarnaayt) ~ isla habaynkaas, habaynnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeennimo
-da: (magac, dhedig, keli) milay habeen ah. Habeennimo ayaa xafladda arooska loo ballamay. Li: dharaarnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeennimo
de: night, nightfall; darkness
lx: habeennimo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: before nightfall
xv: habeennimada horteeda
key: habeennimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labeebnimo
(Labeebnima-da)
Labeeb ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeebnimo
m.dh Labeeb ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labeebnimo
f. n., [abstract] hermaphroditism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeebnimo
-da: (magac, dhedig, keli) labooddhedig ahaan. Dh: laboodhedignimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labeebnimo
de: hermaphroditism
lx: labeebnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: labeebnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wakiilnimo
(Wakiilnima-da)
Wakiil ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wakiilnimo
m.dh Wakiil ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wakiilnimo
f. n., [abstract] status of being a representative ~ delegate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wakiilnimo
-wakiilnimada: (n) representation (rapara-zen-teey-shin); dealership (diiler-shiip)-, agency (ajensi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakiilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wakiil ka ahaan oo doorkeedii metelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wakiilnimo
de: status of being a representative ~ delegate
initial: w
lx: wakiilnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: wakiilnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakeennimo
m.dh Dabakeen ahaansho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakeennimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof kolkii uu soo dhalanayay qarka danbe soo horraysiiyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
federaalnimo
m.dh Federaal ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedelo
(fal) wax kale ku doorso. Shaiiska bedelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegmo
m.dh 1. Isla simid; iswaafaqid. 2. la-mid: beeg1 (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beegmo
f. n. means ~ act of measuring (grain)
beegmo [feminine] n. correspondence, coincidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegmo
-da: (magac, dhedig, keli) cabbirid samayn. Mitirka waxan u sitaa beegmo.
beegmo -da: (magac, dhedig, keli) shiishid oo meel ku toosin. Waa la kala beegmo toosan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelid
(Beelid-da)
Wax waxtar ah oo hor loo haystey waayid, sida: indhabeelid; dhega-beelid, gurya-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelid
m.f.dh eeg beel³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelid
vl. n. act of losing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beelid
-da: (n) the state of losing something. Ex: indho beelidda; becoming blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad lahayd ama haysatay waayitaankii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelid
de: act of losing
lx: beelid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: beelid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelis
-ta: (magac, dhedig, keli) waayis waxaad lahayd ama haysatay. Hanti beelis buu ahaadaa ninkaa dhaqanin hayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelyo
(Beelya-da)
Haadka waaweyn tu kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelyo
m.dh Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelyo
m.dh Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelyo
f. n., [collective] large bird of prey species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelyo
-da: (magac, dhedig, keli) haadka waaweyn mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelyo
cf: haad
de: large bird of prey sp.
lx: beelyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: beelyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenin
(Beenin-ta)
Been ka dhigid; rumayn la'aan; asaraarid; beenayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenin
m.f.dh eeg beeni. la-mid: beenayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenin
-ta: (n) rebuttal (ribatel); the act of refuting; disaffirmation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenin
-ta: (magac, dhedig, keli) war lagaa hor sheegay xogtisa shaacid oo wax aan jirin ka soo qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenin wax horey loo sheegay. Wax beenis ah weli la nooma sheegin oo la xiriira dhimashada boqorka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BEENYO
(Beio) N Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F. Royle) Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora corrugata Gillett & Vollesen Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beleli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: belbeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beleli
v. burn, cause something to blaze; cause a burning sensation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beleli
-yey / say: (v) bum with a bright flame; blaze (baleeyz) ~ ololi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleli
(fal) dab ololi oo aad u shid. Golaha ha la kulaalee xuladka beleli. Dh: huri, shid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beleli
bw: belbeli
de: burn, cause s.t. to blaze; cause a burning sensation
lx: beleli
nt: belelin (ta) [vn-f], belelis (ka) [vn-m]
pd: (beleliyey)
ps: v2a=tr
key: beleli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eynimo
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka eyga oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeelmo
(Yeelma-da)
Yeelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeelmo
f. n. agreement, consent, acceptance
yeelmo: [feminine] n. sandal-strap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yeelin.
yeelmo -da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho; yeelitaan. Dh: yeelis.
yeelmo -da: (magac, dhedig, keli) kabaha lagu socdo suunkooda sare. Yeelmo ii saar jaantan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahnimo
m.dh Bah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraabo ahaan, tol iyo ehel ahaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beeline
/biilayn/ (n) si toos ah ugu cararid (ugu deg-degid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bekeeri
m.l la-mid: bakeeri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bekeeri
m.l la-mid: bakeeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bekeeri
-ga: (magac, lab, keli) kubbaayad quruurad ah oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Bekeeri shaah ah ii shub. Dh: kubaayad, burjuqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelid
m.dh la-mid: belbelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid iyo ololid. Belelidda dabkuba waa markuu ololka dheeriyo.