beerxable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxable
-ha: (magac, lab, keli) qof aad u beerjilicsan; qof kalgacal badan. Baahilay beerxablaan ahoo, kaama baaqsan karee, bogga iyo laabta i geli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerale
m. n. farmer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerale
de: farmer Alt sp: beeraale
lx: beerale
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: beerale
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bearable
/beerabal/ (adj) loo adkaysan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfale
-ha: (magac, lab, keli) qofka fala beerta ee xagaafa. Dh: beerqode.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
observable
observable, adj. - la arki karo; loo jeedi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfal
m.l la-mid: beerfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfal
(fal) beer qodasho. Dh: qod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerxaw
(Beerxaw-da)
Daacuun xun oo beerku googgo'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerxaw
m.dh Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerxaw
m.dh Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerxaw
m. n. disease of the liver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxaw
-ga: (magac, lab, keli) daacuun xun oo beerku dadka googo'o. Beerxaw daacuunka keeniyo allaw belo naga barii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerxaw
cf: beerkurus
de: disease of the liver
lx: beerxaw
pd: (-da)
ps: n2-m
key: beerxaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenaale
(Beenaala-ha)
Beensheeg badan; aan run aqoon; beenlow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan, beenlow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan, beenlow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenaale
m. n. liar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenaale
beenaalaha: (n) [Pl. beenaalayaal] liar (laayar); a fabricator, fibber, storyteller male ~ beenlow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaale
-ha: (magac, lab, keli) ninka beenta sheega. Beenaale markhaatigiisa fogeeyaa. Dh: baayir, beenlow. Li: runlow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenaale
a: beenlow
de: liar
lx: beenaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: beenaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeraley
m.dh.u Dad beeraha tacbada, kuna nool. la-mid: beerrey (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeraley
m.dh.u Dad beeraha tacbada, kuna nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraley
f. n., [collective] farmers, peasants, farm-workers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeraley
-da: (n) farmer (faarmer); peasant (peezanf) ~ qoddoto, beeray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeraley
-da: (magacwadared) dad beero qodato ah. Reerkani waa beeraley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraley
de: farmers, peasants, farm-workers
lx: beeraley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: beeraley
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perdable
perdable, adj. - khasaari kara.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beeraaley
Agricoltori
Farmers
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
venerable
/venarabal/ (adj) qaddarin mudan (xushmad-mudan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vénérable
vénérable, adj. - la xurmeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer-abuur
m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer-abuur
m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqariye
-ha: (magac, lab, keli) dirac khafiif ah oo jidhka qofka laga arkayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka ku dhaca. Beerxanuun baa ku dhacay kuwii khamrida biishan jireye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
believable
/billiifabal/ (adj) la rumaysan karo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
delectable
/dhelektabul/ (adj) dhadhan fiican; raaxa leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dependable
/dhipendhabal/ (adj) laysku hallayn karo (lugu kalsoonaan karo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
détestable
détestable, adj. - Karaahiyo; aan la jeclayn; la necebyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagable
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan looxa cuna oo baalasha sare qolof adag ku leh. Loox ii kaydsanaa geedagable ayaa madhiyey. Dh: xar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerimaale
-ha: (magac, lab, keli) neef diidimo leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
inversable
inversable, adj. - aan la shubi karin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pénétrable
pénétrable, adj. - la dhexgali karo; la mudi karo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
preferable
/prefarabal/ (adj) ka fiican (ka habboon; laga door-bidi karo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
préférable
préférable, adj. - la doorbidi karo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remarkable
/rimarkabal/remarkably; (adj) cajiib ah (heer sare ah, oo xusid mudan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
returnable
/ritarnabal/ (adj) 1. la celin karo (dib loo naqi karo) 2. ay tahay in la celiyo (ay khasab tahay celintiisu).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unbearable
/anberabal/ unbearably; (adj) aan-loo adkaysan karin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
inobservable
inobservable, adj. - aan la arki karin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arable
/aarabal/ (adj) dhul ku haboon bacriminta, beerista. e.g. arable land.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arable
/aarabal/ (adj) athably eh amy abuur ky feyly.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arable
arable, adj. - Ku habboon aboorid (Dhul) badanaaba la bagbaago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beebbe
-ha: (magac, lab, keli) jaad ciyaaraha luumbiga iyo saarka ka mid ah, oo lagula dagaallamo shaydaanka. Dh: luumbi, saar.
beebbe -ha: (magac, lab, keli) taangiyada lagu dagaallamo ee gaashaamanjaad ka mid ah. Dh: taangi, kaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedal
beedal¹: m.l la-mid: beeddal¹.
beedal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: beeddal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedal
-ka: (magac, lab, keli) is bihinbihinta iyo isku looxlooxidda ay samayso neef dhedig oo oofanayaa. Dh: oofad, lugadeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beegal
Standard
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeran
La beeray, la falay oo wax lagu abuuray; tallaalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeran
beeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro geedo iyo wixi lamida wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid.
beeran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo iyo wixi lamida wax dhul lagu beeray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeran
beeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro geedo iyo wixi lamida wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid. m.f.dh, beermid.
beeran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo iyo wixi lamida wax dhul lagu beeray ahaansho. m.f.dh, beernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeran
der. [adjective] farmed, planted, cultivated
beeran [inchoative] v. get planted
beeran [inchoative] v. be conceived (of a child)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeran
-beernaa / beernayd: (adj) farmed (faarmidh); planted, cultivated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeran
(tilmaame) wax beeran ama meel beer ku taal. Dhulka beeran baal ka mara.
beeran: (tilmaame) ku samaysan, ku abuuran.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beetle
Geesoole
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beetle
(coleopterous insect), n.; the stinking black one, xaar walwaal, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeryal
-ka: (magac, lab, keli) eeg anteeno.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enable
/ineybal/ (v) awood u-siin, karsiin, u-ogolaan. e.g. This dictionary enables you to understand the language.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
étable
étable, n.f. - xerada lo'da, fardaha iwm
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feeble
/fiibal/ (adj) daciif, laciif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeble
m. n. itinerant merchant; cigarette seller
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBLE
(Jeble) S Mundulea sericea (Willd)A.Chev. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeeble
-jeeblaha: (n) street vender (yeen dher); also vendor; peddler (ped-ler)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeble
-ha: (magac, lab, keli) qof ganacsi yar leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeble
de: itinerant merchant; cigarette seller
lx: jeeble
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jeeble
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
serale
agg. - habeeneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraale
m.l B. leh: wax baro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAALE
(Barale) N Digitaria abyssinica (A.Rich.) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka u dhaw dhul badhaha adduunka. Baraaluhu wuu ka kulul yahay labada geftin ee dhulka. Dh: badhaale,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafle
-ha: (magac, lab, keli) ganacsade iibiya baraf.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAYLE
(Baraile) S Ipomoea obscura (L) Ker. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beebbee
-ga: (magac, lab, keli) gaadhi ciidan oo gaashaaman; taangiga kaaraha ee lagu dagaalgalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeddal
(Beeddal-ka)
Neef gammaan ah oo dheddig kolkuu kudaal u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddal
beeddal¹: m.l B. ah: Geenyo kudaal u baahan. la-mid: beedal¹.
beeddal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Kudaal u baahasho (geenyo). la-mid: beedal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeddal
m. n. female horse in heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddal
-ka: (magac, lab, keli) dareen gammaan ay muujiso marka ay u baahato faras saarta. Beedalka geenyada farasku wuu deermaya bal sida uu eegi fiiri! Dh: orgood.
beeddal: (fal) gammaanka dhedig dareen rabitaan gudmo amuuji, labood u baaho. Geeyandu way beeddalaysaa. Dh: oofo, orgoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeddal
cf: asoollan
de: female horse in heat
lx: beeddal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: beeddal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraad
n. phr., genetive: rural, agricultural
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeraad
-ka: (magac, lab, keli) dareen jacayl. Beeraad ban qabaa markaan booqdo baradiinna. Dh: caashaq.
beeraad -ka: (magac, lab, keli) beer ka dhigad. Dh: abuurad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraad
de: rural, agricultural
lx: beeraad
ps: np-gen
key: beeraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraq
(fal) farxad siyaada ah la damaashaad. Beerraqay kolkaan badiyey koobkiiye.
beerraq-a: (magac, lab, keli) farxad la ciyaariddeed. Koobkay qaadeen baa banooniga ka keenay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeryar
-ta: (magac, dhedig, keli) xubin uurkujirta ka mid ah oo dhinaca bidix ee caloosha ku taal oo sameysa qayb ka mid ah unugyada dhiigga cad oo la yidhaado limfoosiid. Dh: baankariya, beeryaro.
beeryar -ta: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca beeryarta, oo carruurta caloosha laga gubo. Beeryar haysa cunugga. Dh: beeryaro, weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beexaan
beexaan¹: m.l 1. Dhammaad; idlaad. 2. Kibir.
beexaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Wax dhammaansho. 2. Qof kibrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beexaan
(fal) wax yaryarayn oo beexaamin.
beexaan -ka: (magac, lab, keli) yaryarayn oo horay u dhammaansho la'aan. Dh: beekhaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bereave
/bariiv/bereaved;(adj) qofka ama reerka laga dhinto (tacsi ku dhacdo)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURAALE
(Burale) N Brachiaria ovalis Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buraale
name-m granular. Lit: he who is born with warts, tumors and abnormal granules on his body parts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraale
magac loo baxsho wiil jidhka buro muuqata ku leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cereale
agg. e s.m. - badar, firiley.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
céréale
céréale, n.f. - Heed (Qamandi; Bariis; Sareen; Heed).