beerkutaallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkutaallo
m.dh la-mid: beerkutaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg beerkutaal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerkutaalo
-beerkutaalada: (n) gall bladder ~ beeryaro, beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerkutaal
(Beerkutaa-sha)
Xubin sida kolay yar u samaysan oo dhacaan cagaar-cillaan ah (xammeeti) oo aad u xaraari ku jiro; xanshareeri (xanjareeri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerkutaal
f. n., [compound] gall bladder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkutaal
-sha: (magac, dhedig, keli) dheecaan midab hurdi ah leh ama ka dacarta oo beerku sameeyo ay ku dhexjirto. Beerkutaasha ayaa xanuun kaga dhacay. Dh: beertaxaliil, xanshareeri, xameeti, xanjareeri, beerkutaallo, xameeti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerkutaal
a: beerkutaallo [n6-f]
de: gall bladder
lx: beerkutaal
pd: (/sha)
ps: n-f-cmp
key: beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkutaallo
(Uurkutaalla-da)
Utun iyo ciil sidii nabar uurka ugu yaal oo ku raaga oo aan la ilaawi karin; xumaan lays gaarsiiyey oo hadba la soo gocdo; uurkusiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkutaallo
-uurkutaallada: (n) resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger); exasperation (ig-zaas-pa-reey-shin) ~ urug, urugo, caro, umal, xanaaq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkutaallo
Rancore
Acrimony; spleen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) utun iyo ciil reeba nabar dareen ah oo kol ba soo kacdooma murugo iyo tiiraanyo awgood. Dh: urugo, murugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallo
de: worry, anxiety
initial: u
lx: uurkutaallo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
syn: hammi, murug
key: uurkutaallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskutaallo
m.dh Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskutaallo
m.dh Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskutaallo
f. n. front leg of a butchered animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) halka ay misigtu madaxa kula jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskutaallo
de: front leg of a butchered animal
lx: iskutaallo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: iskutaallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Uurkutaallo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaalloo
(fal) urugoo oo uurxumo dareen. Dh: murugoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallow
de: worry, grieve, become sad
initial: u
lx: uurkutaallow
pd: (uurkutaallooday)
ps: v3a=intr
key: uurkutaallow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallood
m.f.l eeg uurkutaalloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallood
-ka: (magac, lab, keli) in badan ciil iyo murug qabid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beeraaley
Agricoltori
Farmers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhir ku abuuris. Beeritaan beereed buu ku maqanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaaro
m.dh Fuulid degdeg ah oo faras aan koora lahayn la fuulo. la-mid: beersaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaaro
-da: (magac, dhedig, keli) hab fardaha loo fuulo iyada oo aan rakaabka cagaha la saarin. Inta beerka la dhigo had ba dhinac la isaga dejiyaa oo la is u toosiyaa. Beersaaraan ku fuuli jirey fardaha markaan, boqol bidhi ku maalaayey. Dh: beersaar.
beersaaro-da: (magac, dhedig, keli) tab legdenka ka mid ah, inta kor loo qaado qofka, beerka lagaga dego. Beersaaro nimaan aqoon haddii laga soo badiyo, ba' iyo ceeb kuma ahoo, waa wuxuuna soo barane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirtaallo
(Cirtaalla-da)
(waran, gamuun, gantaal, kd.) riddo kor loo rido; xagga cirka loo gano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaallo
m.dh (-ooyin, m.l) Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirtaallo
m.dh (-ooyin, m.l) Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirtaallo
vl. n., [compound] throwing ~ shooting upwards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallo
-da: (magac, dhedig, keli) waran, gantaal ama gamuun iyo wixii la mid ah oo xagga cirka loo gano ama loo tuuro. Ifiso cirtaallo ah ayaan riday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirtaallo
de: throwing ~ shooting upwards
lx: cirtaallo
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: cirtaallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beekhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho. m.f.dh, beekhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnuglaada. Dh: beerjileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhextaallo
(Dhextaalla-da)
Tix yar oo soo noqnoqota oo gabayada, heesaha, kd., xubnahooda gasha; dhexsocoto; (ama dhextaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhextaallo
m.dh la-mid: dhextaal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhextaallo
-dhextaallada: (n) see [eeg] dhextaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: beerdulucso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermagaalo
m.l la-mid: reermagaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkubaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in xagga Eebbe wax laga ogaysiiyo oo qalbiga ku leh caqli iyo aragti uu mustaqbalka wax kaga sheego ama oddoroso, Dh: weli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amarkutaagle
(Amarkutaagla-ha)
Karti iyo awood la lee yahay ama la marooqsaday, oo si xun oo aan xaq ahayn, loogu dhaqmo; jaa'irnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: amarkutaagleeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amarkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. m.f.dh, amarkutaaglayn. la-mid: amarkutaagleeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amarkutaagle
m. n., [compound] dictator, despot, master, one who gives orders
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amarkutaagle
-amarkutaaglaha: (n) dictator (dik teeytor); despot (das-pet); tyrant (taayrent); a person who exercises power oppressively
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaagle
-ha: (magac, lab, keli) nin awoodda loo dhiibay ama uu boobay dadka ugu caga jugleeya ama ku dulma. Dh: kelitaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amarkutaagle
de: dictator, despot, master, one who gives orders
lx: amarkutaagle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: garabkutaagle
key: amarkutaagle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsasho
m.dh la-mid: beerdulucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernuglaansho
-ha: (magac, lab, keli) naxariis badnaansho; calooldabacsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaaglee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amarkutaaglee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn. m.f.dh amarkutaaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaaglee
(fal) dad aan ku rabin, xoog ugu tali.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beer quudasho
Farming subsistence