beergoys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beergoys
m.l Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beergooye
m.l la-mid: beergooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beergooyo
m.dh Siinta qof ku soo biiray dad beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. la-mid: beerfuur, beergooye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejaggoys
m.dh Xasharaad yaryar oo midab madow leh oo sida badan buuryada ka qaniinta wiilasha yaryar. la-mid: buuryaggoys, buuryo-goys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beejaggoys
f. n., [collective] small black insect species that stings the foreskin of baby boys who sit on the sand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beejaggoys
de: small black insect sp. that stings the foreskin of baby boys who sit on the sand
lx: beejaggoys
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: beejaggoys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoys
-ka: (magac, lab, keli) seetaggoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beego
f.g3 (-gtay, -gatay) Suus, madaal, shood iyo wixi lamida raashin ku miisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beego
f.g3 (-gtay, -gatay) Suus, madaal, shood iyo wixi lamida raashin ku miisasho. m.f.dh, beegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beego
v. measure (grain) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beego
(fal) wax inta uu dhanyahay ama inta uu leegyahay ogow. Beego inta kiiloo ee aad rabto. Dh: cabbiro, miiso, qiyaaso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beego
de: measure (grain) for oneself
lx: beego
nt: beegad (ka) [vn-m], beegasho (/da) [vn-f]
pd: (beegtay)
ps: v3b=tr
key: beego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beero
f.g3 (-rtay, -ratay) Beer ka dhigasaho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beero
f.g3 (-rtay, -ratay) Beer ka dhigasaho. m.f.dh, beerasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beero
v. farm, sow, cultivate; plant for oneself
beero: m. n., pl. farms, plantations; farming, agriculture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beero
(fal) beer falo; dalag qodo. Dh: abuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegis
-ta: (magac, dhedig, keli) beegid samayn ama cabbiraad. Beegista raxee oo hagaaji.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid. Dh: abbaaris.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid oo liishaamid. Ku beegista waa lagaa yaqaannaa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerey
-da: (n) 1. farmer (faarmer); peasant (peezant) ~ qoddoto, beeralay. 2. traditonal folks dance ~ beerrey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeris
m.dh la-mid: beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeys
-ka: (magac, lab, keli) ergo ahaan qof cid kale ugu dirid; qolo farriin gaar ah u gee. Dh: ergeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelays
-ka: (magac, lab, keli) dad beelbeel u dejin, dad ururin oo beelbeel u qaybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenays
-ka: (magac, lab, keli) been ka dhigis. War aan beenays lahayn baan soo maqla. Dh: beenis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beero_1
de: farm, sow, cultivate; plant for oneself
hm: 1
lx: beero
pd: (beertay)
ps: v3b=
key: beero_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beero_2
de: farms, plantations; farming, agriculture
hm: 2
lx: beero
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: beero_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerrey
m.dh 1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. la-mid: beeraley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerrey
m.dh 1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. la-mid: beeraley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerrey
f. n. southern Somali dance step
beerrey: [feminine] n., [collective] farmers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerrey
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar si aad ah looga qaddariyo gobollo badan oo Soomaaliya ah sida; Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Bay. Waxaa lagu ciyaaraa qalabka ay ka mid yihiin: sharaqa, toorreyda, qardhaasta raggu isku qurxiyo iyo kabo sandaal ah oo maqaar laga sameeyay. Dh: beerreey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoys
m.l la-mid: sargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegeys
-ka: (magac, lab, keli) seegaysi; seegaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeys
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daaq iyo biyo leh u rarid. Dh: xergeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xirfadda ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda oo dadka lagu daaweeyo ama wax lagu yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeryeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg heeryeyn. heeryeysan: (tilmaame) wax la heeryeeyey; neef heeryeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelgoyn
(Jeelgoyn-ta)
Xiisaggoyn; jeelbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelgoyn
m.f.dh eeg jeelgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiisabeelid; xiisagoyn. Dh: nacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reergool
-ka: (magac, lab, keli) siyaakhad ay dumarku isku qurxiyaan oo aan dahab ahayn. Dh: reegool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnuglaada. Dh: beerjileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beernugeyl
(Beernugeyl-ka)
Beerjileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernugeyl
m.l 1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. la-mid: beernuglaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beernugeyl
m.l 1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. la-mid: beernuglaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beernugeyl
m. n., [compound] softheartedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beernugeyl
-ka: (n) sympathy (simpathi); kindness; softheartedness; a tender heart ~ naxariis, jimic —u beernugayl -ay / day: (v) become softhearted, feel sympathy; sympathize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugeyl
-ka: (magac, lab, keli) naxariis iyo calool dabacsanaan. Dh: beerjilayc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beernugeyl
de: softheartedness
lx: beernugeyl
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: beerjileec
key: beernugeyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryagoys
-ta: (magac, dhedig, keli) xasharaad yaryar, dhulsocod ah, meelaha barwaaqada ah lagu arko. Buuryogoys dad wax uma dhinto. Dh: baarogoys.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GOOYS
(Ged-gois) S, N? Ficus palmata Forsk. Moraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedaggoys
m.l 1. Qof yaqaan sida geedaha la isugu daweeyo ama la isugu sixro. 2. la-mid: geedaggoyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedaggoys
m.l 1. Qof yaqaan sida geedaha la isugu daweeyo ama la isugu sixro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedaggoys
-ka: (magac, lab, keli) eeg geedagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenyagoys
-ta: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo in qof lugaha kala baxshay oo meel hore u gaadhay. Dh: degdeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaggoys
-ka: (magac, lab, keli) neef aan seetadu hayn karin ee iska jara ama goosta, qofka farabbax ah ee had iyo jeer baxsada ee an loo taag helin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenoobidda wax la sheegay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraqoon
f. n., [collective] agronomy, farm science
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraqoon
de: agronomy, farm science
lx: beeraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: beeraqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalis
m.dh la-mid: beerfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerkurus
(Beerkurus-ka)
Cudur beerka ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkurus
m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerkurus
m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerkurus
m. n., [compound] liver disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkurus
-ka: (magac, lab, keli) xanuun beerka ku dhaca oo barariya. Beerkurus nimuu ka dhacoo barariyey beerkiisa, biyo iyo baad aanu cunayn saw lagaran maayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerkurus
cf: beerxaw
de: liver disease
lx: beerkurus
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: beerkurus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerraqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerrey_1
de: southern Somali dance step
hm: 1
lx: beerrey
pd: (-da)
ps: n-f
key: beerrey_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerrey_2
a: beeraley {S}
de: farmers
hm: 2
lx: beerrey
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: beerrey_2
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bourgeois
/buurjawaa/ (n) maalqabeenka dhexe (u dhexeeya kuwa sare iyo fakhriga)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bourgeois
bourgeois, adj. - Maalqabeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabargoys
(Dabargoys-ka)
(xoolo) raadka ku hara oo ka muuqda meeshii dhudhummada dabarka lagu xiri jirey; haar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargoys
m.l 1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh) D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. la-mid: dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargoys
-ka: (magac, lab, keli) cidhibtirid oo halaagid. Israa'iil waxa ay Falastiin ka waddaa waa dabargoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xirfadda ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda oo dadka lagu daweeyo ama wax lagu yeelo.
geedagoyn -ta: (magac, dhedig, keli) geedo wax ku daaweyn; geedaha dadka lagu daaweeyo soo goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysi
(Meertaysi-ga)
Meertaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertaysi
m.l la-mid: meertaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax la wadaagayo ama la wada leeyahay kolba qof siin oo wareejin. Beeraha meertaysi ayaa lagu qodaa. Dh: tare, kaalaysi, kaayaysi.
meertaysi -ga: (magac, lab, keli) qarafaysi xaafadaha kolba xaafad wax la weydiisto. Meertaysi ayuu ku maganyahay Dh: dhawrtaysi, qarafaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertayso
f.g3 (-stay, -satay) Si meerto ah wax u qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meertayso
v.auto: share something by passing it around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertayso
(fal) qarafayso oo wareeg baryo ah same. Orod xaafadaha ka meertayso. Dh: dhawrtayso.
meertayso: (fal): si meerto ah wax ula wadaag cid kale. Si fiican dadka ula meertayso oo boobka daa. Dh: wadaag, meeri.
meertayso: (fal) socod macno daro ah socsoco oo xaafadaha dhexdooda ku duur. Waligaaba meertayso imtixaanka uun ha dhicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meertayso
de: share s.t. by passing it around
lx: meertayso
pd: (meertaystay)
ps: v3b=auto
key: meertayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seetaggoosi seetaggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryaggoys
(Buuryaggoys-ta)
Xasharaad yar oo madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryaggoys
m.dh la-mid: beejaggoys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryaggoys
m. n. insect species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryaggoys
de: insect sp.
lx: buuryaggoys
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: buuryaggoys

buuryo-goys
m.dh la-mid: beejaggoys.