beerfadhaqoobid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) orod badan, qosol badan ama oohin beerxanuun ka qaadid. Dh: rubadgu'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beerfadhaqoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqood
-ka: (magac, lab, keli) orod badan, qosol ama oohin la beerxanuunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) aad u ordid oo hiinraagid. Dh: hiinraagid, beerfadhaqoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) beerfadhaqoobitaan.
beerfadhaqoobitaan -ka: (magac, lab, keli) qosol badan, oohin ama orod beerxanuun ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqow
(fal) qosol aan kala go' lahayn beerxanuun ka qaad.
beerfadhaqow -ga: (magac, lab, keli) qosol, oohin ama orod badan, beerka la xanuunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqowsan
(tilmaame) qosol, oohin ama orod daran beerku xanuunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barwaaqoobid
(Barwaaqoobid-da)
Barwaaqo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqoobid
m.f.dh eeg barwaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) barwaaqo noqoshada; baad iyo biyo yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barwaaqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiggoobid
(Baadiggoobid-da)
Baadi goobid, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiggoobid
m.dh la-mid: baadiddoonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedaddaabid
-da: (magac, dhedig, keli) daal iyo rafaad dartood, jaho la'aan iska socod.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HEER DHAAFID
Scoperto
Overdraft
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraakoobid
m.f.dh eeg shiraakow. la-mid: shuraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) urur noqosho oo wax wada qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuraakoobid
m.dh la-mid: shiraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shirkad noqosho; shirkoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafallafoobid
m.f.dh eeg lafallafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafallafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u caata ah noqosho; lafallafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraaradoobid
m.f.dh eeg xaraaradow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaradoobid
-da: (magac, dhedig, keli) araarad yeelasho. Dh: araaradaw, araaradoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerdhaqameed
-ka: (magac, lab, keli) xeer soo jireen ah oo aan qorrayn oo ka dhexeeya bulsho caado iyo hiddo wadaagta. Xeerdhagameedku waxa uu salka ku hayaa qiyamka diinta iyo dhaqanka ay dadkaasi leeyihiin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HEERKA AQOONTA
Titolo di studio
Educational level
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddaddacoobid
m.dh la-mid: watatacoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddaddacoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacmid oo watatacoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegafarasoobid
(Dhegafarasoobid-da)
Dhegafarasow ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegafarasoobid
m.f.dh eeg dhegafarasow². la-mid: dhegafarasow¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegafarasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dheganuglaansho oo sida faraska degdeg wax ugu maqlid.