beerdulucso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulucso
f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. la-mid: beerdulacso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerdulucso
f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. m.f.dh, beerdulucsasho. la-mid: beerdulacso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerdulucso
v., [compound] seek sympathy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdulucso
(fal) hadallo naxariis iyo sasabasho ku ladhanyihiin ku dheh qof si aad dareenkiisa u hanato oo uga fushato muraadkaaga. Beerdulucso boqorka oo baqasha ka keen. Dh: beerlaxawso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerdulucso
de: seek sympathy
lx: beerdulucso
pd: (beerdulucsaday)
ps: v3a=cmp
key: beerdulucso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: beerdulucso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerdulucsi
(Beerdulucsi-ga)
Hadal saamays weyn leh ama wax kale oo la falo oo loola jeedo in qof beerkiisu ku jilco oo uu naxo oo soo debco oo muraad laga doonayo, laga helo; beerlaxawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulucsi
m.l la-mid: beerdulucsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerdulucsi
vl. n., [compound] act of seeking sympathy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerdulucsi
-ga: (n) flatter (falaater); especially in order to win favor ~ sasabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdulucsi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis leh oo wax doonitaan ku jiro ku hadlid. Beerdulucsi buu miskiinku nagu baadhay. Dh:beerlaxawsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerdulucsi
de: act of seeking sympathy
lx: beerdulucsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m-cmp
key: beerdulucsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdulucsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal naxariis leh oo ay ujeeddadiisu tahay in qofku soo dabco oo muraadkii laga rabay laga fushado. Beerdulucsad buu kaga dhammaystay boqorka wixii uu rabay oo dhan. Dh: beerlaxawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsi
m.l la-mid: beerdulucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdulacsi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariisle oo wax doonid iyo soo jiidasho ku jirto oo cid lagu yidhaaho. Beerdulucsiga iga daa oo ujeeddadaada sheego. Dh: beerlaxawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerdulucsasho
(Beerdulucsasha-da)
Wax beerdulucsi loola jeedo ku hadlid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulucsasho
m.f.dh eeg beerdulucso. la-mid: beerdulacsad, beerdulacsasho, beerdulacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdulucsasho
-da: (magac, dhedig, keli) beerlaxawsi ku hadlid. Beerdulucsasho baabuurka kaga qaad aabbahaa. Dh: beerlaxawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsad
m.l la-mid: beerdulucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsasho
m.dh la-mid: beerdulucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerkurus
(Beerkurus-ka)
Cudur beerka ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkurus
m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerkurus
m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerkurus
m. n., [compound] liver disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkurus
-ka: (magac, lab, keli) xanuun beerka ku dhaca oo barariya. Beerkurus nimuu ka dhacoo barariyey beerkiisa, biyo iyo baad aanu cunayn saw lagaran maayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerkurus
cf: beerxaw
de: liver disease
lx: beerkurus
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: beerkurus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernuglaansho
-ha: (magac, lab, keli) naxariis badnaansho; calooldabacsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho. m.f.dh, beelaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelayso
v.auto: colonize, settle (down in an area)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelayso
(fal) beel ahaan isku xigsii; qolonimo uu u dhawayso. Ninkii walaalkaa ah beeleso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelayso
de: colonize, settle (down in an area)
lx: beelayso
pd: (beelaystay)
ps: v3b=auto
key: beelayso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerdaro
-beerdarayey / beerdaraysay: (v) waste (weeyst); expend carelessly ~ khasaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfuur
m.l la-mid: beergooyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Beerlula
name-f liver-shaker; lit: sultry beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Beerlula
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda loo hamuumo oo xusuusteedu hammi ku abuurto qofkii bartaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teermuus
-ka: (magac, lab, keli) eeg termuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalis
m.dh la-mid: beerfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernugul
f.mg4 (-glaa, -glayd) Qof raxmad badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beernugul
f.mg4 (-glaa, -glayd) Qof raxmad badan ahaansho. m.dh, beernuglaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beernugul
adj., idiom: soft-hearted, generous, kind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugul
-ka: (magac, lab, keli) eeg beernugeyl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beernugul
de: soft-hearted, generous, kind Lit: soft liver
lx: beernugul
pd: (beernuglaa)
ps: adj-idiom
key: beernugul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqso
(fal) wax kaa miisaan culus dulsha ku qaado oo la soco. Culays buu la butuluqsanayaa xammaalkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerjilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof raxmad badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerjilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof raxmad badan ahaansho. m.f.dh, beerjilcanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerjilcan
(tilmaame) naxariis badan oo qalbi furan. Dumarku way beerjilcan yihiin. Dh: beerjilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdudumso
f.g3 (-saday, -satay) Wax adag ilka ku burbursasho. la-mid: qurdujubso, qurjujubso, qurjujumso, qururumso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalasho
m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerfalasho
m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerfalasho
-beerfalashada: (n) the act of farming (faarming); cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul beer ah qodasho. Beerfalashadu waa isku fillaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerkutaalo
-beerkutaalada: (n) gall bladder ~ beeryaro, beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerlaxawso
f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerlaxawso
f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. m.f.dh, beerlaxawsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerlaxawso
v. seek sympathy, try to convince someone ~ move him to pity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerlaxawso
(fal) qofka qalbigiisa dhexgal adiga oo ku odhanaya ereyo dareenkiisa taabanaya oo dabacsi keenaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerlaxawso
de: seek sympathy, try to convince s.o. ~ move him to pity
lx: beerlaxawso
nt: beerlaxawsasho (/da) [vn-f], beerlaxawsi (ga) [vn-m]
pd: (beerlaxawsaday)
ps: v3a=tr
key: beerlaxawso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraalayso
(fal) meel keliya adoo jooga wareeg oo adu isku meerayso. Dh: wareegalayso.
meeraalayso: (fal) socsoco oo magaalada kolba dhinac u soco adoon meelna ku hakan. Kolkaad boolis shaqaynaya aad tahay meeraalayso. Dh: socsoco, duurduur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beer quudasho
Farming subsistence