ereyga

beerdulucsad

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerdulucsad

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) hadal naxariis leh oo ay ujeeddadiisu tahay in qofku soo dabco oo muraadkii laga rabay laga fushado. Beerdulucsad buu kaga dhammaystay boqorka wixii uu rabay oo dhan. Dh: beerlaxawsad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulacsad

DHAFAN

m.l la-mid: beerdulucsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Beerdulucsi

DHAFAN
1

(Beerdulucsi-ga)

2

Hadal saamays weyn leh ama wax kale oo la falo oo loola jeedo in qof beerkiisu ku jilco oo uu naxo oo soo debco oo muraad laga doonayo, laga helo; beerlaxawsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulucsi

DHAFAN

m.l la-mid: beerdulucsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beerdulucsi

DHAFAN

vl. n., [compound] act of seeking sympathy

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beerdulucsi

DHAFAN

-ga: (n) flatter (falaater); especially in order to win favor ~ sasabasho

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerdulucsi

DHAFAN

-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis leh oo wax doonitaan ku jiro ku hadlid. Beerdulucsi buu miskiinku nagu baadhay. Dh:beerlaxawsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beerdulucsi

DHAFAN
1

de: act of seeking sympathy

2

lx: beerdulucsi

3

pd: (-ga)

4

ps: vn2-m-cmp

5

key: beerdulucsi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulucso

DHAFAN

f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. la-mid: beerdulacso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beerdulucso

DHAFAN

f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. m.f.dh, beerdulucsasho. la-mid: beerdulacso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beerdulucso

DHAFAN

v., [compound] seek sympathy

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerdulucso

DHAFAN

(fal) hadallo naxariis iyo sasabasho ku ladhanyihiin ku dheh qof si aad dareenkiisa u hanato oo uga fushato muraadkaaga. Beerdulucso boqorka oo baqasha ka keen. Dh: beerlaxawso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beerdulucso

DHAFAN
1

de: seek sympathy

2

lx: beerdulucso

3

pd: (beerdulucsaday)

4

ps: v3a=cmp

5

key: beerdulucso

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Beerdulucsasho

DHAFANDHAAF
1

(Beerdulucsasha-da)

2

Wax beerdulucsi loola jeedo ku hadlid, falid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulucsasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg beerdulucso. la-mid: beerdulacsad, beerdulacsasho, beerdulacsi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerdulucsasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) beerlaxawsi ku hadlid. Beerdulucsasho baabuurka kaga qaad aabbahaa. Dh: beerlaxawsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulacsi

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: beerdulucsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerdulacsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariisle oo wax doonid iyo soo jiidasho ku jirto oo cid lagu yidhaaho. Beerdulucsiga iga daa oo ujeeddadaada sheego. Dh: beerlaxawsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulacso

DHAFANDHAAF

f.g3 (-saday, -satay) la-mid: beerdulucso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerdulacsasho

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: beerdulucsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Beerkurus

DHAFANDHAAF
1

(Beerkurus-ka)

2

Cudur beerka ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerkurus

DHAFANDHAAF

m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beerkurus

DHAFANDHAAF

m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beerkurus

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] liver disease

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerkurus

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xanuun beerka ku dhaca oo barariya. Beerkurus nimuu ka dhacoo barariyey beerkiisa, biyo iyo baad aanu cunayn saw lagaran maayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beerkurus

DHAFANDHAAF
1

cf: beerxaw

2

de: liver disease

3

lx: beerkurus

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m-cmp

6

key: beerkurus

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beeddalsan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) eeg beeddalan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerjilcan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Qof raxmad badan ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beerjilcan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Qof raxmad badan ahaansho. m.f.dh, beerjilcanaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerjilcan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) naxariis badan oo qalbi furan. Dumarku way beerjilcan yihiin. Dh: beerjilicsan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

butuluqsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax kaa miisaan weyn tunka ku qaadid, la budtuluqsasho. Butuluqsad baan ku soo gaadhsiiyey kiishka sonkarta ah halkan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qurdudumsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qurdudumsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerlaxawsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: beerlaxawsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerlaxawsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hadal naxariis leh, ujeeddadiisu tahay in qofku soo dabco oo muraadkii laga rabay laga fushado. Beerlaxawsad buu kaga tooggaystay. Dh: beerlaxawsad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meeraalaysad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) warwareegid meel qudha lagu warwareego. Dh: duurid. meeraalaysasho -da: (magac, dhedig, keli) meermeerasho kolba dhan loo meeraysto.

waa la naqliyay ✓