beercaddow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddow
f.mg3 (-daaday, -daatay) Oohin badan, daal iyo dhibaato ka mudasho (ilmo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddow
v. be worn out ~ exhausted from crying a long time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddow
-ga: (magac, lab, keli) eeg beercaddaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddow
de: be worn out ~ exhausted from crying a long time Lit: liver becomes white
lx: beercaddow
pd: (beercaddaaday)
ps: v3a=intr
key: beercaddow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddaansho
m.f.dh eeg beercaddow. la-mid: beercaddaad (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddaad
m.l 1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. la-mid: beercaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddaad
vl. n., [compound] exhaustion brought about by excessive crying (of a baby)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddaad
-ka: (magac, lab, keli) kalsooni wax lagu qabo. Beercaddaad ayaan Cali hawsha ugu dhiibay. Dh: beercaddi, kalsooni.
beercaddaad -ka: (magac, lab, keli) oohin aan kala joogsi lahayn oo lagu daalo. Ilmaha maxaad beer-caddaadka ugu eegeysiin aamusiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddaad
de: exhaustion brought about by excessive crying (of a baby) Lit: white liver
lx: beercaddaad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: beercaddaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalow
m.l 1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. la-mid: beerfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermadow
m.l Idaha iyo lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermadow
-ga: (magac, lab, keli) idaha iyo lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqow
(fal) qosol aan kala go' lahayn beerxanuun ka qaad.
beerfadhaqow -ga: (magac, lab, keli) qosol, oohin ama orod badan, beerka la xanuunsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraad
n. phr., genetive: rural, agricultural
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeraad
-ka: (magac, lab, keli) dareen jacayl. Beeraad ban qabaa markaan booqdo baradiinna. Dh: caashaq.
beeraad -ka: (magac, lab, keli) beer ka dhigad. Dh: abuurad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraad
de: rural, agricultural
lx: beeraad
ps: np-gen
key: beeraad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BEERDHO
(Berdo) N Pentanisia microphylla (Franch) Chiov. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerxaw
(Beerxaw-da)
Daacuun xun oo beerku googgo'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerxaw
m.dh Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerxaw
m.dh Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerxaw
m. n. disease of the liver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxaw
-ga: (magac, lab, keli) daacuun xun oo beerku dadka googo'o. Beerxaw daacuunka keeniyo allaw belo naga barii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerxaw
cf: beerkurus
de: disease of the liver
lx: beerxaw
pd: (-da)
ps: n2-m
key: beerxaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeycad
(Beeycad-ka)
(midab) Beey caddaanku ku badan yahay; (ama beycad).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeycad
m. n., [compound] light gray color of cattle ~ livestock
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeycad
a: beycad
de: light gray color of cattle ~ livestock
lx: beeycad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: beeycad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deercad
-ka: (magac, lab, keli) midab geelu yeesho oo isugu jira caddaan iyo guuduud. Maxaa deercad geel hallaaboo dibjireyoo dugaag cunay Deero: magaca gabadh midab cas oo ka deerada ah leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reercad
m.l Geela iyo riyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reercad
-ka: (magac, lab, keli) geela iyo riyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerasho
(Beerasha-da)
Beer ka dhigasho; abuurasho, tallaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerasho
m.f.dh eeg beero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerasho
vl. n. farming, planting (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerasho
-beerashada: (n) farming, cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, beer ka dhigasho. Beerashaa loo banbaxay oo bannaanka loo hurdaa. Dh: abuurasho, beerfalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerasho
de: farming, planting (for oneself)
lx: beerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: beerasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerdaro
-beerdarayey / beerdaraysay: (v) waste (weeyst); expend carelessly ~ khasaarin
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beerflow
Agriculture
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerqaad
beerqaad¹: m.l la-mid: beerqaadid.
beerqaad²: f.g1 (-day, -dday) Wax si aad ah uga helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerqaad
f.g1 (-day, -dday) Wax si aad ah uga helid. m.f.dh, beerqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaad
(fal) aad u dhaxmoo oo qadhqadh awgii wada gariir. Beerqaadnay oo jirbaa, nagu helay bannaane, buul dugsoon nageeyoo cuntana, noo baadhbaadh taga e'.
beerqaad -ka: (magac, lab, keli) qabaw daran oo la qadhqadho. Beerqaadka waxa iigu wacan, ban cidluu roob igu soo halaye. Dh: qadhqadhyo, qadhqadh, dhaxan, dhardad.
beerqaad -ka: (magac, lab, keli) wax jacaylkiisu aad kuu saameeyo oo ku laabqaada. Beergaadka jacaylka, saw bestay ma noqon Barniyeey. Dh: Laabqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeryaro
(Beeryara-da)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah oo beerka u eg oo dhiigga wax ka samaysa.
2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (cilmiga naflayda) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeryaro
f. n., [compound] spleen, pancreas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeryaro
-beeryarada: (n) pancreas (paangkariyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeryaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg beeryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeryaro
cf: ganac, taxaal
de: pancreas, spleen
lx: beeryaro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: beeryaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beymadow
-ga: (magac, lab, keli) midab ku badan yahay bey madow. Beymadow midab beymadow ah buu masku lahaa. Dh: lafcir, buluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burdaddo
(Burdadda-da)
Geed la cuno oo u eg butada ama hataatada waaweyn, oo xubno iyo bukuro leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burdaddo
m.dh (botani) Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno. la-mid: burdad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burdaddo
m.dh (botani) Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno. la-mid: burdad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burdaddo
f. n. edible plant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burdaddo
de: edible plant sp.
lx: burdaddo
pd: (/da)
ps: n-f
key: burdaddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Meecaado
magac loo bixiyo gabadh xilli barwaaqo dhalatay ama nasiib badan loo rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarcadde
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar loo tumo qofka saarku hayo oo jiib iyo jabaq habdhac qurxoon leh oo raggu ciyaaro geeraar iyo midho qurxoonna hay ku sigibtiraan kolkolla habluhu sacabka u giijiyaan. Waa ciyaar qadiimi ah oo caan ku ah gobollada Waqooyi Galbeed, Galgaduud, Togdheer, Awdal iyo meelo kale. Qalabka lagu tumo ama loo qaato waxaa ka mid ah durbaan yar iyo ul yar oo lagu tumo iyo jeedal lagu dheelo. Ninka baarcaddaha loo tumaa wuxu yidhaa: kolka la isoo galgalaayo wilaalbaa i garab jooga golxad bay igu hayaan.
baarcadde -ha: (magac, lab, keli) ninka hoobalka ah laftiisa. Baayir waa baarcadde ciyaar badan.
baarcadde -ha: (magac, lab, keli) geed nagaadheed baxsha ubax cad oo qurux badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraqoon
f. n., [collective] agronomy, farm science
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraqoon
de: agronomy, farm science
lx: beeraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: beeraqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaaro
m.dh Fuulid degdeg ah oo faras aan koora lahayn la fuulo. la-mid: beersaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaaro
-da: (magac, dhedig, keli) hab fardaha loo fuulo iyada oo aan rakaabka cagaha la saarin. Inta beerka la dhigo had ba dhinac la isaga dejiyaa oo la is u toosiyaa. Beersaaraan ku fuuli jirey fardaha markaan, boqol bidhi ku maalaayey. Dh: beersaar.
beersaaro-da: (magac, dhedig, keli) tab legdenka ka mid ah, inta kor loo qaado qofka, beerka lagaga dego. Beersaaro nimaan aqoon haddii laga soo badiyo, ba' iyo ceeb kuma ahoo, waa wuxuuna soo barane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beymmadow
m.l Midab bey ah oo madowgu ku badan yahay. la-mid: giirmadow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beymmadow
m.l Midab bey ah oo madowgu ku badan yahay. la-mid: giirmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesmadow
m.dh Ri' da' weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedaddaw
(fal) rafaad oo jaho la'aan iska soco.
heedaddaw -ga: (magac, keli) aad u rafaadsan oo iska socda; heedadaabo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Meecaaddo
name-f advantage; lasting value; reserved for the future; prosperity; fortune; name of a star (considered a sign of good fortune). Cf: Fartuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer'adayg
-ga: (magac, lab, keli)) qalbi adayg, jixinjix darro, naxariis la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer'aqoon
-ka: (magac, lab, keli) qof beeraha iyo cilmigooda aad u yaqaan. Dh: beeryaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer-aqoon
beer-aqoon¹: m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.
beer-aqoon²: m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer-aqoon
beer-aqoon¹: m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.
beer-aqoon²: m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernuglow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof raxmad badan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beernuglow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof raxmad badan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerqaadid
m.f.dh eeg beerqaad². la-mid: beerqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabow dartii la gariirid. Beerqaadid baa na haysiyo, dhaxanti dayreede.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxan la beer qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeymmadow
(Beeymmadow-ga)
(midab) beey madowgu ku badan yahay; lafcir; buluug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeymmadow
m. n., [compound] dark gray (color)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeymmadow
de: dark gray (color) Alt sp: beeymadow
lx: beeymmadow
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: beeymmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraaddow
m.l 1. Murgidda. 2. Adkaanshada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqo
-da: (magac, dhedig, keli) orod dheer, qosol badan ama oohin badan dhibaatada ay keento ee ay ubucdo noqoto sidii wax biyo dhex socdaan ama turqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqood
-ka: (magac, lab, keli) orod badan, qosol ama oohin la beerxanuunsad.