beer'aqoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer'aqoon
-ka: (magac, lab, keli) qof beeraha iyo cilmigooda aad u yaqaan. Dh: beeryaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraqoon
f. n., [collective] agronomy, farm science
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraqoon
de: agronomy, farm science
lx: beeraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: beeraqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer-aqoon
beer-aqoon¹: m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.
beer-aqoon²: m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer-aqoon
beer-aqoon¹: m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.
beer-aqoon²: m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeryaqaan
m. n., [compound] agronomist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeryaqaan
-ka: (n) [Pl. beeryaqaano -da] agronomist (a garo namist)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeryaqaan
de: agronomist
lx: beeryaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: beeryaqaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beer yaqaan
Agronomo
Agronomist
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedo-aqoon
f. n., [compound] botany
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqood
-ka: (magac, lab, keli) orod badan, qosol ama oohin la beerxanuunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraq
(fal) farxad siyaada ah la damaashaad. Beerraqay kolkaan badiyey koobkiiye.
beerraq-a: (magac, lab, keli) farxad la ciyaariddeed. Koobkay qaadeen baa banooniga ka keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerasho
(Beerasha-da)
Beer ka dhigasho; abuurasho, tallaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerasho
m.f.dh eeg beero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerasho
vl. n. farming, planting (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerasho
-beerashada: (n) farming, cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, beer ka dhigasho. Beerashaa loo banbaxay oo bannaanka loo hurdaa. Dh: abuurasho, beerfalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerasho
de: farming, planting (for oneself)
lx: beerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: beerasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerdaro
-beerdarayey / beerdaraysay: (v) waste (weeyst); expend carelessly ~ khasaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernaan
m.f.dh eeg beeran². la-mid: beernaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beeran ama abuuran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeryaro
(Beeryara-da)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah oo beerka u eg oo dhiigga wax ka samaysa.
2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (cilmiga naflayda) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeryaro
f. n., [compound] spleen, pancreas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeryaro
-beeryarada: (n) pancreas (paangkariyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeryaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg beeryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeryaro
cf: ganac, taxaal
de: pancreas, spleen
lx: beeryaro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: beeryaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeryoon
(fal) ciirsi waa.
ceeryoon: (fal) meel, buuxdhaaf. Maanta magaaladu dad bay la ceeryoontay.
ceeryoon-ka: (magac, lab, keli) buuxdhaafka meel dad ama wax kale oo badan yaalliin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciraqoon
f. n., [compound] meteorology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciraqoon
de: meteorology
lx: ciraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
syn: hawo-aqoon
key: ciraqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeryoon
f.mg1 (-oomay, -oontay) la-mid: geeryoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeryoon
v. die, be dead
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeryoon
de: die, be dead
lx: geeryoon
pd: (geeryoomay)
ps: v1=intr
key: geeryoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Is'aqoon
(Is'aqoon-ta)
Qofba qofka kale garanayo, yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryadoon
-ka: (magac, lab, keli) qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalow
m.l 1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. la-mid: beerfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerraqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaaro
m.dh Fuulid degdeg ah oo faras aan koora lahayn la fuulo. la-mid: beersaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaaro
-da: (magac, dhedig, keli) hab fardaha loo fuulo iyada oo aan rakaabka cagaha la saarin. Inta beerka la dhigo had ba dhinac la isaga dejiyaa oo la is u toosiyaa. Beersaaraan ku fuuli jirey fardaha markaan, boqol bidhi ku maalaayey. Dh: beersaar.
beersaaro-da: (magac, dhedig, keli) tab legdenka ka mid ah, inta kor loo qaado qofka, beerka lagaga dego. Beersaaro nimaan aqoon haddii laga soo badiyo, ba' iyo ceeb kuma ahoo, waa wuxuuna soo barane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dal'aqoon
-ka: (magac, lab, keli) qof meesha kolkaa la joogo aad u yagaan oo dawgeeda iyo duuddeeda kala garanaya. Dh: dalyaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer'adayg
-ga: (magac, lab, keli)) qalbi adayg, jixinjix darro, naxariis la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddow
f.mg3 (-daaday, -daatay) Oohin badan, daal iyo dhibaato ka mudasho (ilmo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddow
v. be worn out ~ exhausted from crying a long time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddow
-ga: (magac, lab, keli) eeg beercaddaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddow
de: be worn out ~ exhausted from crying a long time Lit: liver becomes white
lx: beercaddow
pd: (beercaddaaday)
ps: v3a=intr
key: beercaddow
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beeriskoob
Periscope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka ku dhaca. Beerxanuun baa ku dhacay kuwii khamrida biishan jireye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fara'aqoon
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, xirfad u lahaan; aad u garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerkabood
-ka: (magac, lab, keli) nin uu xeer soo dhaadhicyay oo ku gacansaydha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerlajoog
-ga: (magac, lab, keli) garyaqaan xeer'ilaaliye ah oo gardarrada la dagaallama. Xeerlajoog ahaw ama xoololajoog. Dh: xeerilaaliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeryaqaan
m.l (-nno, m.dh) Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeeryaqaan
m.l (-nno, m.dh) Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeryaqaan
m. n., [compound] lawyer, attorney
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeryaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof xeerka iyo qodobadiisa yaqaan oo sida dadka loogu xukumana farsamo u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeryaqaan
de: lawyer, attorney
initial: x
lx: xeeryaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xeeryaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u farxitaan. Beerraqitaanka barbaarta, banooni ciyaarka, alla baxsanaa haasaawe wanaaggu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerlamaane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (baayoloji) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerlamaane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabar'ayoon
-ka: (magac, lab, keli) erey saynis ah oo uu macnihiisu yahay, xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonnada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonnada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meekarafoon
-ka: (n) microphone (maay-karafoon); megaphone (meg'afoon) ~ maggaroofan, makarafoon, maykarafoon
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
observation
(n) the act of watching attentively
eegis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
observation
/observeyshan/ (n) 1. daawasho (indha-indhayn) 2. faallo ka bixin (aragti ka bixin).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Observation
Fiirahayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
observation
observation, n.f. - korjoogis; ilaalin.
remarque - eegid.
être, se tenir en observation - dhawrid; ilaalin arrin fulitaankeeda.
mettre un malade en observation - qof xanuunkisa lala socda; baadhis lagu hayo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
observation
n., indho, -ihi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reservation
/resarveyshan/ (n) 1. boos-celis (boos-celin samaysasho, sida diyaaradda, huteelka iwm) 2. shaki (shaki ka qabid) 3. dhul seerayn (dhul loo xiro dad gaar ah ama hawl gaar ah).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Reservation
Egbid; gawshaysi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
réservation
réservation, n.f. - boos shaneemo ama golaha maaweelada iyo madadaalada oo horay loo sii ijaarto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toona'aqoon
-ka: (magac, lab, keli) daacad ah; aan khaayin ahayn. Toona aqoon ayaa lala rafiiqaa. Dh: lillaahi.