beer holac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer holac
m.l (daawo) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer holac
m.l (daaw.) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BEERDHO
(Berdo) N Pentanisia microphylla (Franch) Chiov. Rubiaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Beerlula
name-f liver-shaker; lit: sultry beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Beerlula
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda loo hamuumo oo xusuusteedu hammi ku abuurto qofkii bartaba.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeer hoosaad
-ka: (n) bylaw (baay-loo)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afweynholac
m.l (daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space) la xiriiriya godka dhegta dhexe.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BEEN QORAAL
Falsificazione
Falsification; forgery
Waa haddii si sharcidarro ah loo dhigid rogo wax qoraal ah, ama lacag xaashi ah, ama qof kale saxiixiis, iwm.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Been qoraal
Falsificazione
Forgery
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beer yaqaan
Agronomo
Agronomist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsi
m.l la-mid: beerdulucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdulacsi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariisle oo wax doonid iyo soo jiidasho ku jirto oo cid lagu yidhaaho. Beerdulucsiga iga daa oo ujeeddadaada sheego. Dh: beerlaxawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: beerdulucso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernuglaan
m.dh eeg beernugul. la-mid: beernugeyl (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernuglaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo calool dabacsanaan lahaan. Dh: beerjilayc. Li: qalbi'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubno holac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.