beeqaaqis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jeedaalin. Dh: beeqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedaalin ku samayn. Beeqaaqid iyo dhays ba waa lagu dayoo weli maaro loo waaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeqbaaqid
m.f.dh eeg beeqbaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxan la beer qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaq
(fal) jeedaali oo fiiri. Soo beeqaaq shirka.
beeqaaq-a: (magac, lab, keli) marka aad wax isha ku qabato ama aad eegto. Beeqaaqa hawshu sida ay u socoto ayaan u nimidnay. Dh: jeedaalo, fiiro, dhugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaami
(fal) wax beexaamay oo batay ka dhig. Ilaahoow ceeshka noo beeqaami. Dh: beekhaami, beexaami, barakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerraqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeqaaqid
(Jeeqaaqid-da)
Fiirin; eegid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeqaaqid
m.f.dh eeg jeeqaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka qof sugayo wax aan la hubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baaqbaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beekhaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) si tashiilan u isticmaalid. Beekhaamis u kari bariiska dhaqaa- Juhu wuu yarahay. Dh: tashiilis.
beekhaamis -ta: (magac, dhedig, keli) beekhaaminta wax oo intii uu ahaa ka sii kordhin. Booli baakhaamis ma leh, Dh: tarmis, biiris, kordhis, beexaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerqaadid
m.f.dh eeg beerqaad². la-mid: beerqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabow dartii la gariirid. Beerqaadid baa na haysiyo, dhaxanti dayreede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelwaaqis
m.dh la-mid: geelwaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelwaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) geed yar oo labo badhyood oo la cuno leh. Dh: geelwaaqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, baaq u jeedin. Dh: baaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beqaaq
(fal) wax jeedaali oo fiiri. Dh: beeqaaq.
beqaaq-a: (magac, lab, keli) wax fiirin oo jeedaalin. Dh: beeqaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaan
(fal) eeg beeqaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeqaaq
(Jeeqaaq-a)
Dhugasho; fiiro; beeqaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeqaaq
jeeqaaq¹: m.l 1. Daymo dhinac wax loo dayo. 2. Rajayn wax la rajeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeqaaq
v. stare at, gaze, look at
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeqaaq
(fal) si fiican u dhugo. Jeeqaaq in ay cidi meesha timi. Dh: eeg, fiiri.
jeeqaaq: (fal) xilli aqooleed ag fadhiiso oo is tus inaad baahi qabto. Allow jeeqaaq, soo jarmaadaa, aanu kugu jilan. Dh: iltuug, jarray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeqaaq
de: stare at, gaze, look at
lx: jeeqaaq
nt: jeeqaaq (a) [vn2a-m]
pd: (jeeqaaqay)
ps: v1=
key: jeeqaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) barraaqitaan u fadhiisad. Barraaqis foolxumaa ma duq dhacday baa! Dh: barraahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqabis
m.dh la-mid: bedqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeqbaaq
beeqbaaq¹: m.l Hanka qof qabo marka uu cid hanti ka sugayo.
beeqbaaq²: f.g1 (-qay, -qday) Hanti cid ka sugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqbaaq
-a: (magac, lab, keli) hanka uu qof qabo marka uu hanti cid ka sugayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bashaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalis
m.dh la-mid: beerfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beexaamid
m.f.dh eeg beexaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beexaamid
-da: (magac, dhedig, keli) yaryarayn oo horay u dhammaansho la'aan. Dh: badi, barakay, tarmi, tashiil, beeqaami, beexaami, maradhaadhi. beekhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadis
m.dh la-mid: eedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeraaris
(Feeraaris-ka)
Feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraaris
m.l la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeraaris
vl. n. separation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg feeraarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeraaris
de: separation
lx: feeraaris
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: feeraaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg heehaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalis
-ka: (magac, lab, keli) dib ama dhinac eegitaan. Dh: daymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neecaabin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraaris
(Seeraaris-ka)
Tuuryo kor loo tuuro, si ay wax soke (derbi, aqal, geed, buur, ...) dusha uga marto oo dabadeed hoos iyo meeshii lala rabey ugu dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraaris
m.l la-mid: seeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraaris
-ka: (magac, lab, keli) tuuryo kor loo tuuro, si ay wax soke dusha uga marto oo dabadeed hoos iyo meeshii lala rabey ugu dhacdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) beeqaaqista iyo kormeeritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqbaaqid
m.f.dh eeg baaqbaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) baaqbaaq ku samayn. Baagbaaqidda beerta, Beylow dibigiiyow, berri baa lagaa sugi. Dh: baaqbaaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beekhaamid
(Beekhaamid-da)
1. Badasho; tarmid; bulaalid; barakoobid.
2. Dhaqaaloobid; tashiilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaamid
m.f.dh eeg beekhaan². la-mid: beekhaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beekhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax intuu ahaa ka sii bata. Beekhaamid ma leh waxaan bisinka loo qabane. Dh: tarmid, biirid, kordhid, beexaamid.
beekhaamid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u dhammaan oo gellin la quuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beekhaamin
(Beekhaamin-ta)
1. Badin; tarmin; bulaalin; barakayn.
2. Dhaqaalayn; tashiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaamin
m.f.dh eeg beekhaami.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beekhaamin
-ta: (n) sparing (ispeering); frugality (faruugaliti); economiz ing ~ dhaqaalayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beekhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan horey dhammaad ahayn. Dh: tashiilid.
beekhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) intuu ahaa ka sii badin. Beekhaaminta baro sida lacagta loo rogrogo. Dh: tarmin, biirin, kordhin, beexaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaarid
m.f.dh eeg beersaar². la-mid: beersaar¹, beersaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaarid
-da: (magac, dhedig, keli) beersaaro ku legdid oo beerka dhulka ugu jiidid.
beersaarid-da: (magac, dhedig, keli) faras beersaar ku fuulid. Ninka farasfuulka ahi beersaarid buu fardaha ku fuulaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deelqaafid
m.f.dh eeg deelqaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deelqaafid
-da: (magac, dhedig, keli) suugaan qaafiyadda ka jebin oo si aan habdhac fiican lahayn u odhasho. Gabayga ka daa deelqaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deelqaafin
m.f.dh eeg deelqaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deelqaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) tix suugaaneed si u kas ah u jebin oo habdhaceeda uga leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraaris
m.l la-mid: dheeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedakaris
(Geedakaris-ka)
Aqoon ku saabsan sida geedaha, inta la karkariyo, dadka loogu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedakaris
m.l 1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedakaris
m.l 1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedakaris
m. n., [compound] technique of preparing medicinal herbs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedakaris
-ka: (magac, lab, keli) aqoon ku saabsan inta geedaha la karkariyo dadka lagu daaweeyo. geedaqore -ha: (magac, lab, keli) qof geedaha qora oo farshaxan ah. Dh: geedaqor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedakaris
de: technique of preparing medicinal herbs
lx: geedakaris
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: geedakaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedqaadid
m.f.dh eeg geedqaad². la-mid: geedqaad¹, oodqaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedqaaqle
m.l.u Dhirta inteeda sunta leh. geedqodxeed m.l.u Dhirta inta qodaxda leh. geedquwaax m.l.u Geedka qasabka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedqaaqle
m. n. plant species, that has bitter fruits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedqaaqle
-ha: (magacwadareed) dhirta kuwa daratada leh ee cuniddooda lagu dhinto. Hashaan uurka uga soo gingimay tobanka geedqaagle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedqaaqle
de: plant sp., that has bitter fruits
lx: geedqaaqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geedqaaqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geelcaacis
(Geelcaacis-ta)
Farabbadan; dhertaxaniinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelcaacis
m.dh Farabbadan; dhurtaxanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geelcaacis
m.dh Farabbadan; dhurtaxanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelcaacis
f. n., [collective] centipede
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelcaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan yaryar oo lugaha hangaraaraca oo kale leh. Dh: dhantaxaliil.
geelcaacis: -ta: (magac, dhedig, keli) cayayaanka farabbadan. Dh: dhurtaxanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geelcaacis
de: centipede
lx: geelcaacis
pd: (-ta)
ps: n2a-f-col
syn: farabbadan
key: geelcaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalis
-ka: (magac, lab, keli) sheedaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg weedhaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadis
-ta: (magac, dhedig, keli) kala maqnaanshaha muddo dheer. Anna baadistaadaa, boholyow i gelisoo, naftaa kuu ba'aysee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baafis
m.l la-mid: baafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baafis
-ka: (magac, lab, keli) oog baafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahis
m.l la-mid: baahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąahis
m.l la-mid: bąahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahis
-ta: (magac, dhedig, keli) ballaadhashada. iyo faafidda wax meel keli ah ku kaabnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baajis
m.l la-mid: baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalis
bąalis: m.l la-mid: bąalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanis
m.dh la-mid: baanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baanis
vl. n. solemn talk, speech, eulogy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale la dacwin. Baanis waagii beryaba beerku nagu caddaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baanis
de: solemn talk, speech, eulogy
lx: baanis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: baanis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqid
(Baaqid-da)
Baaq samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqid
m.f.dh eeg baaq³. la-mid: baaq¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedinta codsi ku baaqul wajahan meel ama cid gaar ah oo ujeeddo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqin
(Baaqin-ka)
Baaqimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqin
baaqin¹: m.l la-mid: baaqimo.
baaqin²: m.dh Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.