beenoobitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) been noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobitaan
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah wax u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo noqod. Biyoobitaanka barafka ka ilaali oo qaboojiyaha geli. biyoole-ha: (magac, lab, keli) ruuxa biyo dhaaminta ka shaqaysta ee intuu soo dhaamiyo sii gada biyaha. Biyoole tanag iiga shub markuu soo maro. Dh: warraad, biyadhaamiye, dameerdhaamiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) mid labadiisii waalid ama midkood waayay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegitaan
-ka: (magac, lab, keli) beegista wax la beego. Beegitaan xumaa dukaankani bal inta waa kiiloo yadhi fiiriya!
beegitaan-ka: (magac, lab, keli) ku toosid oo ku aadid. Ku beegitaanka caroosku waa 12ka bisha afraad. Dh: Abbaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelitaan
-ka: (magac, lab, keli) waayitaan waxaad lahaan jirtay. Aabba beelitaan horey ii heshaye allow hooyo ii daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenoobid
m.f.dh eeg beenow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobid
-da: (magac, dhedig, keli) been noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenoobidda wax la sheegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhir ku abuuris. Beeritaan beereed buu ku maqanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booditaan
-ka: (magac, lab, keli) degdeg u kicitaan. Orod iyo booditaan bu isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booritaan
-ka: (magac, lab, keli) sac irmaan oo dabada maydhax gumareed ama wax kale laga geliyo si uu ilmaha u oggolaado ama u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg goobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobitaan
-ka: (magac, lab, keli) koobaab u samayn; goobaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg noogganaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebitaan
-ka: (magac, lab, keli) reebidda lafteeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeelootaan
vl. n. using cunning ~ guile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) baqoolid waqti cadceeddu kulushahay, socoshada hadhimada dabadeed. Sii boqoolitaan baad tihiin. Dh: dhalandhoolitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
benneditaan
-ka: (magac, lab, keli) ooditaanka iyo xiritaanka afaaf ama meel furan. Dh: awditaan, benniditaan, qufulitaan. Li: furitaan, ballaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) socoshada hadhimada dabadeed. Boqoolitaan ha ha gelin adiga oo badhi cabbay Dh: dhalandhoolitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) ka bogsashada cudur ku hayey. Dawoobitaankayga waxa sabab u ahaa qalitaankii aan in badan diidanaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobitaan
-ka: (magac, lab, keli) qonbobidda lafteeda. Dh: kogitaan, qallalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) yoxoobidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayhoofitaan
-ka: (magac, lab, keli) bayhoofid iyo baylahi hayso. Bayhoofitaan iyo baylahda ka muuqata reerka boohinta ceshan kari maysid. Dh: basanbaasitaan, jaahwareeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) beeqaaqista iyo kormeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u farxitaan. Beerraqitaanka barbaarta, banooni ciyaarka, alla baxsanaa haasaawe wanaaggu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beexaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) yaryarayn oo horay u dhammaansho la'aan. Dh: beekhaamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) hawada dhexdeeda sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aan jirin la imasho. Beenabuuritaanka iyo belada aad waddo jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhiirranaan iyo u jilibdhigitaan hawl aday oo ku soo foodsaartay. Beerdhigitaan ninaan baqin iyo geesi baa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) qabow iyo dhaxan daran oo ku qadhqadhiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexrooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhexroorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaroobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) doodoonitaan wax lumay la raadiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabitaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ku akhriyid; sixir ku samayn. Baabitaanku waa xaaraan. Dh: sixritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, la garramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg babbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeloobid
m.f.dh eeg beelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeloobid
-da: (magac, dhedig, keli) tarmid oo dad beel ah noqosho. Guueku waa asaaska beeloobidda. Dh: neeloobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenowsan
(tilmaame) wax beenoobay. Warkii laguu soo sheegay wuu beenoowsanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqritaan
-ka: (magac, lab, keli) ahaanta boqor boqritaankiisa lagu jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocitaan
-ka: (magac, lab, keli) sare u kicitaan; soo foocniin; soo fuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, dibad u dareeritaan oo u soofitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolitaan
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) dhib ama wax kale, ka gudbitaan oo u dhabar'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg foorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef, meel ku xidhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesitaan
-ka: (magac, lab, keli) hees ku luuqayn: hees qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoogid.d
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooritaan
-ka: (magac, lab, keli) di'itaan ama tiixista roobka.
hooritaan-ka: (magac, lab, keli) dindimitaanka iyo shubmidda dareere. Dh: di'id, hoorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoositaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos iyo hadh u yeelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) jeelis badan qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenitaag
-ta: (magac, dhedig, keli) makaabbo shubaaleed oo ceel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexitaan
-ka: (magac, lab, kali) jeexis ku samayn.
jeexitaan-ka: (magac, lab, kali) meel taag ah ama buur ka bixitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogitaan
vl. n. staying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogitaan
-ka: (n) presence (para sansi); the act of staying ~ joogid, joogis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogitaan
-ka: (magac, lab, keli) tegitaan la'aan. Dh: nagaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogitaan
de: staying
lx: joogitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: joogitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefitaan
-ka: (magac, lab, keli) carrabka wax ku leefniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolitaan
-ka: (magac, lab, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolniin.
loolitaan -ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolka ciyaaritaan. Dh: loolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg meerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooditaan
-ka: (magac, lab, keli) horay uga gudbitaan. Dh: dhaafitaan.
mooditaan-ka: (magac, lab, keli) malayn aan la hubin qaadasho. Dh: ismoodsiis. Li: hubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moositaan
-ka: (magac, lab, keli) ciid daad celisa dhinac u rogitaan: moos uu daad maroamayn. Dh: moosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabitaan, ku dhejitaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qeexitaan
-ka: (n) definition (defi-ni-shin); clarification (kalaara-fi-keey-shiri) ~ qeexid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qeexitaan
-ka: (magac, lab, keli) sharrixitaan co aad u macnayn. Qeexitaankii meselada ayaan ku raagnay. Dh: qeexniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qodbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) qool u yeelitaan. Qoolitaanka maqasha ha ku raagin. Dh: qoolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooqidda lafteeda. Dh: qoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemitaan
-ka: (magac, lab, keli) reemid ku jirid Hasha reemitaan ayuu waagu ugu beryey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooritaan
-ka: (magac, lab, keli) orditaan la rooro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gefid; haleeliwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeritaan
-ka: (magac, lab, keli) soohdin u yeelitaan; xeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocitaan
-ka: (magac, lab, keli) xulitaan; madhitaan; miiritaan; soocniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohitaan
-ka: (magac, lab, keli) maydhax miiqan, xadhig ka samayn; soohniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala qaybin; soorriin.
sooritaan-ka: (magac, lab, keli) sooridda lafteeda; soorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeditaan
-ka: (magac, lab, keli) isdhinac dhigitaanka walxo badan; sarbitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toositaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdada ka kicitaan. Dh: baraarugitaan
toositaan -ka: (magac, lab, keli) si aan baydhbaydh lahayn u socod. Dh: qumitaan.
toositaan-ka: (magac, lab, keli) wax toosan noqod, hagaagitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) melmelitaan oo dib u majiiritaan. Xeelitaanka gaadhiga miyir oo aayar u melmel. Dh: melmelitaan, wareejitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) xeerid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) boob wax ku qaadasho. Dh: dhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooritaan
-ka: (magac, lab, keli) iska tuuritaan. Xooritaanka qashinka meel ku hubso. Dh: xoorriin, xoorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax lays faray sida loo doonayo u oggolaan.
yeelitaan -ka: (magac, lab, keli) wax samayn. Yeelitaanka waxa aan yeelayo ani ii daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) u dhawaaqitaan. Nin dhegala' yeeritaan ma maqlee taabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloositaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aloosid. aloosnaan -ta: (magac, dhedig, keli) xaaladda qabanqaabo iyo isku diyaarinta hawl taagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arooritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo doonitaan; ceel biyo u doonasho.
arooritaan-ka: (magac, lab, keli) wax, meel hoose u daadejin.
arooritaan -ka: (magac, lab, keli) erey ama weedh macno leh oo meel kale laga soo xiganayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awooditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg awoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aynabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beendabaad
m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beendabaad
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelitaan
-ka: (magac, lab, keli) shidmitaanka iyo ololitaanka dabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bololitaan
-ka: (magac, lab, keli) jabidda qori, laf ama ilig. Bololitaan dhowaa xoday ingegay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofitaan
-ka: (n) departure (di-paarjar)-, departing (di-paarting)-, travelling or leaving (liiving) ~ dhoofid, bixitaan, dhoofniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg engegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg feedhid.