beenhawaasad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenhawaasad
m.dh (-do, m.l) Haweeney beenley ah oo aad u sheeko macaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenhawaasad
-ka: (magac, lab, keli) been abuurid u kas ah. Rooble wuxu xadaa beenhawaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenhawaas
m.l (beenhawaas/-yo, m.dh) Nin beenlow ah oo aad u sheeko macaan. la-mid: beenawaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenhawaas
m. n. big liar, someone who puts you on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenhawaas
-ka: (magac, lab, keli) qof jiritaankiisu khiyaal yahay oo sheekaxariirta Soomaaliga ku jira oo inta badan abnawaas la jila. Beenhawaas iyo abanwaasa waa lab khaa'in, Dh: beenawaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenhawaas
de: big liar, s.o. who puts you on
lx: beenhawaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: beenhawaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenawaas
m.l la-mid: beenhawaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenawaas
m. n. big liar; fibber, storyteller
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenawaas
-ka: (n) one who tells lies; liar (laayar); storyteller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenawaas
-ka: (magac, lab, keli) qof been badan oo ku jira sheekaxariirka Soomaaliga. Abnawaas iyo beenawaas ayaa jirijirey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenawaas
a: beenhawaas
de: big liar; fibber, storyteller
lx: beenawaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: beenawaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansad
m.l la-mid: beekhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenahawaas
-ka: (magac, lab, keli) qofka dadka ugu sheekeeya waxyaabo aan run ahayn. Beenawaas beentiisa iyo runtiisa beentiisaa badan. Dh: beenawaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad la'aan, wax laguu sheegay beenaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beendabaad
m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beendabaad
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansan
f.mg1 (-amay, -antay) Wax beekhaan yeeshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beekhaansan
f.mg1 (-amay, -antay) Wax beekhaan yeeshay ahaansho. m.f.dh, beekhaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerlaxawsad
m.l la-mid: beerlaxawsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerlaxawsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal naxariis leh, ujeeddadiisu tahay in qofku soo dabco oo muraadkii laga rabay laga fushado. Beerlaxawsad buu kaga tooggaystay. Dh: beerlaxawsad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Neefaha Wahsada
Noble Gas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenowsan
(tilmaame) wax beenoobay. Warkii laguu soo sheegay wuu beenoowsanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsad
-ka: (magac, lab, keli) barraaqsadka iyo fadhi aan habaysnayn oo kala baahsan fadhiisi; hawaarsi u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawaafad
m.dh.kh Naag magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo waxay doon-taba sameysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khawaafad
f. n. desperate ~ hopeless woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaafad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumarah oo wax walba ka baqda. Dh: fuleyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khawaafad
de: desperate ~ hopeless woman
lx: khawaafad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khawaafad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hallaasi iyo dhalanteed aan dhab ahayn; hadoof beeneed indhasarcaadis ah. Nin khawaayad iyo been yaqaan, khaa'inkiyo tuugga. Dh: been'abuur, hadur, hadoof, qawaayad, riwaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meehaalad
(Meehaalad-ka)
Filasho; malayn; taawin; (ama miihaalad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaalad
m.l la-mid: meehaalasho, moohaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meehaalad
vl. n. expectation, false hope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehaalad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malaysad.
meehaalad-ka: (magac, lab, keli) socsocod aan macno lahayn. Dh: naannaw, carcaraaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meehaalad
a: miihallad
de: expectation, false hope
lx: meehaalad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: meehaalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecawsad
-ka: (magac, lab, keli) laydh isku dhigid oo hawo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beekhaamid
(Beekhaamid-da)
1. Badasho; tarmid; bulaalid; barakoobid.
2. Dhaqaaloobid; tashiilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaamid
m.f.dh eeg beekhaan². la-mid: beekhaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beekhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax intuu ahaa ka sii bata. Beekhaamid ma leh waxaan bisinka loo qabane. Dh: tarmid, biirid, kordhid, beexaamid.
beekhaamid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u dhammaan oo gellin la quuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansi
m.l la-mid: beekhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beekhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho. m.f.dh, beekhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beendadaab
m.l la-mid: beendabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansad
m.l la-mid: bidhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansad
-ka: (magac, lab, keli) sheed ka aragga wax kuu muuqda. Bidhaansadka geeluu eeganayaa awrka seetaysani. Dh: bildhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarsad
m.l la-mid: heemaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarsad
-ka: (magac, lab, keli) burcad iyo geedo intaad isku darto, heemaar ka samaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysasho
-da: rumaysasho la'aan, wax laguu sheegay beenaysad, been ka soo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddaad
m.l 1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. la-mid: beercaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddaad
vl. n., [compound] exhaustion brought about by excessive crying (of a baby)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddaad
-ka: (magac, lab, keli) kalsooni wax lagu qabo. Beercaddaad ayaan Cali hawsha ugu dhiibay. Dh: beercaddi, kalsooni.
beercaddaad -ka: (magac, lab, keli) oohin aan kala joogsi lahayn oo lagu daalo. Ilmaha maxaad beer-caddaadka ugu eegeysiin aamusiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddaad
de: exhaustion brought about by excessive crying (of a baby) Lit: white liver
lx: beercaddaad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: beercaddaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsad
m.l la-mid: beerdulucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraalaysad
-ka: (magac, lab, keli) warwareegid meel qudha lagu warwareego. Dh: duurid. meeraalaysasho -da: (magac, dhedig, keli) meermeerasho kolba dhan loo meeraysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansasho
m.f.dh eeg beekhaanso. la-mid: beekhaansad, beekhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabaxsan
(tilmaame) la kala goolabay oo si fiican u hufan. Hadhuudh buunshabaxsan ayaa gorow la liga dhigay. Dh: buushibaxsan.