beenaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaley
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah, beenta sheega, qawl dharban aan aqoon, runta ku salaaxin. Ballantiyo axdiga baajiyaay beenaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenaaley
m.dh Dheddig been badan (qof); beenley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenley
m.dh (-leeyo, m.dh) Haweeney been badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenley
f. n. liar (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenley
-da: (n) [Pl. beenlooyin-ka] liar (laayar); fabricator, fibber, storyteller female
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenley
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo been badan. Beenlay wax ha weydiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenley
de: liar (female)
lx: beenley
pd: (-da Pl: beenleeyo (/da))
ps: n2a-f
key: beenley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeraley
m.dh.u Dad beeraha tacbada, kuna nool. la-mid: beerrey (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeraley
m.dh.u Dad beeraha tacbada, kuna nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraley
f. n., [collective] farmers, peasants, farm-workers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeraley
-da: (n) farmer (faarmer); peasant (peezanf) ~ qoddoto, beeray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeraley
-da: (magacwadared) dad beero qodato ah. Reerkani waa beeraley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraley
de: farmers, peasants, farm-workers
lx: beeraley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: beeraley
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beeraaley
Agricoltori
Farmers
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerale
m. n. farmer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerale
de: farmer Alt sp: beeraale
lx: beerale
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: beerale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenaale
(Beenaala-ha)
Beensheeg badan; aan run aqoon; beenlow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan, beenlow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan, beenlow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenaale
m. n. liar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenaale
beenaalaha: (n) [Pl. beenaalayaal] liar (laayar); a fabricator, fibber, storyteller male ~ beenlow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaale
-ha: (magac, lab, keli) ninka beenta sheega. Beenaale markhaatigiisa fogeeyaa. Dh: baayir, beenlow. Li: runlow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenaale
a: beenlow
de: liar
lx: beenaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: beenaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesaley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyaaley
(fal) (u ~) calanwalay.
seenyaaley: (fal) laydhka gadhiga dhinacyada kaga yaal u shid oo xaggaad u baydhayso sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedalley
m.dh (baayoloji) Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedalley
m.dh (baay.) Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) calanwalayn: seenyaaleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyaaleys
-ka: (magac, lab, keli) eeg seenyaaleyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
banale
agg. caadi, aan qiimo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banley
-da: (magac, dhedig, keli) dhul bannaan ama dhirtiisu is haysan. Dh: banbannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedal
beedal¹: m.l la-mid: beeddal¹.
beedal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: beeddal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedal
-ka: (magac, lab, keli) is bihinbihinta iyo isku looxlooxidda ay samayso neef dhedig oo oofanayaa. Dh: oofad, lugadeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beegal
Standard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelay
(fal) beel ka dhig. Dh: beelee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Hadal la sheegay, inuu beenyahay caddayn. la-mid: beeni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Hadal la sheegay, inuu beenyahay caddayn. m.f.dh, beenayn. la-mid: beeni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenee
v. refute, disprove, deny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenee
-yey / beenaysay: (v) present opposing evidence or arguments; rebut (ribat) ~ beeni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenee
(fal) wax laguu sheegay, been ka dhig. Beenee warka uu kuula yimid. Dh: beeni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenee
a: beeni
de: refute, disprove, deny
lx: beenee
pd: (beeneeyey)
ps: v2b=tr
key: beenee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerey
-da: (n) 1. farmer (faarmer); peasant (peezant) ~ qoddoto, beeralay. 2. traditonal folks dance ~ beerrey
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beetle
Geesoole
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beetle
(coleopterous insect), n.; the stinking black one, xaar walwaal, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beyley
-da: (magac, dhedig, keli) midab caddaan iyo madaw isku jira ah oo lagu tilmaamo lo'da. Beyley ma maalaan, intay bidhe u qaataane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeley
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noolaha badda oo la bah ah aaragoosato oo qolofteedu aad u hagoogan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eraley
m.dh la-mid: eriley (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eraley
f. n. hysterical woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eraley
-da: (n) bitch (biij); a bitch or qumayo, a nasty woman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eraley
de: hysterical woman
lx: eraley
pd: (-da)
ps: n1-f
see: eriley {S}
key: eraley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeley
(fal) eeg meelay.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Penale
Denbi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
penale
agg. - la xariira ciqaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaley
m. n. grasshopper
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraley
m.dh Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedlay
-da: (magac, dhedig, keli) baadlayda inta ukun ama ugac dhasha. Fiidmeertu beedleyda ka mid ma aha ee waa naaslay. Dh: ugacley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaad
-ka: (magac, lab, keli) ahaad been, run ha noqonin. War beenaadka ila dhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenayn
(Beenayn-ta)
Been ka dhigid; beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenayn
m.f.dh eeg beenee. la-mid: beenin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenayn
-ta: (n) the act of rebutting; rebuttal (ribatel); disproof (dis-buruuf) ~ beenin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayn
-ta: (magac, dhedig, keli) been ka dhigid, wax la sheegay run ma ah dhehid. Dh: beenin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenays
-ka: (magac, lab, keli) been ka dhigis. War aan beenays lahayn baan soo maqla. Dh: beenis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenlow
(Beenlow-ga)
Beenaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenlow
m.l (-wyo, m.dh) Nin been badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenlow
m.l (-wyo, m.dh) Nin been badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenlow
m. n. liar (male), deceiver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenlow
-ga: (magac, lab, keli) eeg beenaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenlow
a: beenaale
de: liar (male), deceiver
lx: beenlow
pd: (-ga)
ps: n7-m, n2a-m
key: beenlow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerrey
m.dh 1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. la-mid: beeraley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerrey
m.dh 1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. la-mid: beeraley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerrey
f. n. southern Somali dance step
beerrey: [feminine] n., [collective] farmers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerrey
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar si aad ah looga qaddariyo gobollo badan oo Soomaaliya ah sida; Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Bay. Waxaa lagu ciyaaraa qalabka ay ka mid yihiin: sharaqa, toorreyda, qardhaasta raggu isku qurxiyo iyo kabo sandaal ah oo maqaar laga sameeyay. Dh: beerreey.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Beetles
Doorshaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelley
m.dh.u Dadka geela dhaqda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geelley
m.dh.u Dadka geela dhaqda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelley
f. n., [collective] camelmen, camel owners, camel drivers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geelley
-da: (n) Plural-, camel owners, cameleers or drivers ~ geeleey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelley
-da: (magacwadareed) dadka geela dhaqda: dadka xoolohoodu geela uun yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geelley
de: camelmen, camel owners, camel drivers
lx: geelley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: geelley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesley
f. n., [collective] horned animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesley
-da: (magacwadareed) xoolaha dadku dhaqdo inta geeska leh oo ah riyaha iyo lo'da.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesley
de: horned animals
lx: geesley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: geesley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo dhex marta ragga iyo haweenka, waxaana sida badan lagu ciyaaraa geedaha waaweyn hooskooda, waxaana ciyaartan laga dheelaa gobolka Shabeellada hoose iyo meelo kale.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
penalty
dembi, ganaax, rigoore
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
penalty
/penalti/ (n) 1. ganaax (ciqaab) 2. rigoore (ganaaxa lugu xukumo khaladka ciyaar yahanka, oo ah darbo gool-walaha lugu laado).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Penalty
Ciqaab, cedsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seedley
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka meelihiisa seedaha leh, intii seedleh oo dhan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
segnale
s.m. - calaamo, baaq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
teenage
/tiin-eyj/ teens (n) (adj) aan qaan-gaarin (da'diisu tahay inta u dhaxaysa 13-19 sano).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesley
-da: (magac, dhedig, keli) dad weysooyin sita oo xer ama culimo ah. Weesley ayaa inoo marti ah. Dh: weysalay, wadaaddo.
weesley-da: (magac, dhedig, keli) meel ay ubbada weysada laga sameeyaa ka baxdo. Sagaradu waa weesley. Dh: waysalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaley
m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaley
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad barbar leh oo meelaha daadmareennada ah ka baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: beeddalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalan
(tilmaame) neef oofanaya oo saarasho u diyaar ah. Qaalin beedalan ayaa xerada ku jirta. Dh: lugadegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalid
m.dh la-mid: beeddalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalid
-da: (magac, dhedig, keli) oofasho darteed is bihinbihin oo labka isku nanabid. Qaalintu intay beedalidda ku jirto haddii la saran waayo way tebisaa. Dh: rimid.