been'abuuris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuris
-ta: (magac, dhedig, keli) been'abuurid samayn. Beenabuurista dadka ka jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama hadal aan jirin abuuris. Dh: masabid, hafarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuur
(fal) wax aan jirin sheeg.
been'abuur -ka: (magac, lab, keli) war ama hadal aan jirin oo la been'abuuro. Beenabuur baasna ka daran. Dh: masabid, qadaf, hafar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuuris
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenabuur
-ka: (n) forgery (foorjari); falsification, something fraudulent ~ foorjari
beenabuur: -ay / tay: (v) counterfeit (kaawnterfit); fabricate, falsify, forge, make up, phony ~ beensamayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguuris
m.dh la-mid: beenguurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuurid
m.dh la-mid: beerabuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aan jirin la imasho. Beenabuuritaanka iyo belada aad waddo jooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguurid
m.f.dh eeg beenguur². la-mid: beenguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer-abuur
m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer-abuur
m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welwel'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) werewer iyo cabsi aloosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenoobidda wax la sheegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerburis
m.l la-mid: xeerjebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenbeenis
-ta: (magac, dhedig, keli) waxbaayo aan jirin oo been ah sheegsheegis, wax aan run ahayn run uga dhigis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunbuunis
-ka: (n) exaggeration (igzaajirayshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuunis
-ka: (magac, lab, keli) buunbuunin ka dhigid sida hadal ama war. Warku buunbuunis iyo beenta kuma roona. Dh: kabadbadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuuris
m.dh la-mid: hal-abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) been sheegid oo aad u qurxin. Beenxariirid badanaa beladu ma beri buu ka yimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqid.