been'abuurid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama hadal aan jirin abuuris. Dh: masabid, hafarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuris
-ta: (magac, dhedig, keli) been'abuurid samayn. Beenabuurista dadka ka jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuur
(fal) wax aan jirin sheeg.
been'abuur -ka: (magac, lab, keli) war ama hadal aan jirin oo la been'abuuro. Beenabuur baasna ka daran. Dh: masabid, qadaf, hafar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuurid
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fabricate
/faabrikeyt/ fabrication; (v) 1. samayn, faabrikayn (v) 2. been-abuurid, wax-been ah samayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fake
/feyk/ (v) 1. been-samayn, sida foor-jariga, been abuuridda iwm (n) 2. been, dhalanteed, wax aan run-ahayn, loosa-ekeysiiyey. e.g. fake money.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
falsify
/folsifay/ (v) 1. been-abuurid (been-samayn, sida foor-jariga iwm) (v) 2. been ka-sheegid (si been ah ama si khalad ah u turjumid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prevaricate
/priivaarakeyt/ (v) been-abuurid (runta oo laga meeraysto, oo been la sheego si wax loogu dago).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trump up
/tramp ap/ (v) been-abuurid, siiba dambi been-abuur ah u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenhawaasad
-ka: (magac, lab, keli) been abuurid u kas ah. Rooble wuxu xadaa beenhawaasad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenabuur
-ka: (n) forgery (foorjari); falsification, something fraudulent ~ foorjari
beenabuur: -ay / tay: (v) counterfeit (kaawnterfit); fabricate, falsify, forge, make up, phony ~ beensamayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguurid
m.f.dh eeg beenguur². la-mid: beenguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuuris
m.dh la-mid: beerabuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aan jirin la imasho. Beenabuuritaanka iyo belada aad waddo jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welwel'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) werewer iyo cabsi aloosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguuris
m.dh la-mid: beenguurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer-abuur
m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer-abuur
m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenxariirid
-da: (magac, dhedig, keli) been sheegid oo aad u qurxin. Beenxariirid badanaa beladu ma beri buu ka yimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabfurid
-da: (magac, dhedig, keli) baab horey la isugu dhigay furid oo burin; fal ama sixir hore qof loogu qabtay rogid. Dh: sixirfurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenoobid
m.f.dh eeg beenow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobid
-da: (magac, dhedig, keli) been noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beendabaad
m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beendabaad
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaarid
m.f.dh eeg beersaar². la-mid: beersaar¹, beersaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaarid
-da: (magac, dhedig, keli) beersaaro ku legdid oo beerka dhulka ugu jiidid.
beersaarid-da: (magac, dhedig, keli) faras beersaar ku fuulid. Ninka farasfuulka ahi beersaarid buu fardaha ku fuulaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeftuurid
(Neeftuurid-da)
Si neeftuur ah u neefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeftuurid
m.f.dh eeg neeftuur². la-mid: neefgurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neeftuurid
-da: (magac, dhedig, keli) hiinaagid oo si isdabajoog ah neefta kor iyo hoos u celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuurid
m.f.dh eeg hal-abuur². la-mid: hal-abuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelatuurid
m.f.dh eeg aleelatuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leeddafuulid
m.f.dh eeg leeddafuul². la-mid: leeddafuul¹, leeddo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leeddafuulid
-da: (magac, dhedig, keli) faras si leeddafuul ah ku fuulid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
gees ka tuurid
corner throw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuufid
(Baqti'afuufid-da)
Wax dhimasho ku dhowaadey naf ku soo celin; (ama bakhti'afuufid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Awood Eebbe', qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddabbuurid
m.f.dh eeg gaaddabbuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geed'abaareed
(Geed'abaareed-ka)
Geedaha aan caleemuhu ka dhicin doog iyo abaar midna; dhirta aan abaartu karin oo weligeed caleenta cagaaran leh; weligicagaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geed'abaareed
-ka: (magacwadareed) dhirta aanay biyala'aantu wax badan yeelin ee mar walba caleentoodu doogan tahay. Tiinku wuxuu ka mid yahay geed'abaareedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurid
m.dh la-mid: hanti-abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laba'aabburid
(Laba'aabburid-da)
Si laba'aabbur ah, u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburid
m.f.dh eeg laba'aabbur². la-mid: laba'aabbur¹ (3).