ereyga

been'abuur

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

been'abuur

DHAN
1

(fal) wax aan jirin sheeg.

2

been'abuur -ka: (magac, lab, keli) war ama hadal aan jirin oo la been'abuuro. Beenabuur baasna ka daran. Dh: masabid, qadaf, hafar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beenabuur

DHAFAN
1

-ka: (n) forgery (foorjari); falsification, something fraudulent ~ foorjari

2

beenabuur: -ay / tay: (v) counterfeit (kaawnterfit); fabricate, falsify, forge, make up, phony ~ beensamayn

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

been'abuurid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) war ama hadal aan jirin abuuris. Dh: masabid, hafarid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

been'abuuris

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) been'abuurid samayn. Beenabuurista dadka ka jooji.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beer-abuur

DHAFAN

m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beer-abuur

DHAFAN

m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. la-mid: beerabuurid, beerabuuris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

counterfeit

DHAABAN

/kawntarfeyt/ (adj) been-abuur (foojari, sida lacag been ah, baasaboor been ah iwm.)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fabricate

DHAABAN

/faabrikeyt/ fabrication; (v) 1. samayn, faabrikayn (v) 2. been-abuurid, wax-been ah samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fake

DHAABAN

/feyk/ (v) 1. been-samayn, sida foor-jariga, been abuuridda iwm (n) 2. been, dhalanteed, wax aan run-ahayn, loosa-ekeysiiyey. e.g. fake money.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

falsification

DHAABAN

/falsifikeyshan/ (n) been-abuur, foor-jari.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

falsify

DHAABAN

/folsifay/ (v) 1. been-abuurid (been-samayn, sida foor-jariga iwm) (v) 2. been ka-sheegid (si been ah ama si khalad ah u turjumid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

forge

DHAABAN

/forj/ (v) 1. guurin ama been-abuur samayn, si wax loo khiyaamo e.g. He forged her signature. (v) 2. dubbayn, tummid (v) 3. dheerayn, xawaare badin (n) 4. hoosada tumaalka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

forger

DHAABAN

/forjer/ (n) been-abuur sameeye, foorjari-sameeye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

forgery

DHAABAN

/forjeri/ (n) foorjari, been-abuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fraud

DHAABAN

/frodh/ (n) 1. khayaano, been-abuur, foorjari (n) 2. qab-qable (qofka iska dhiga wax uusan ahayn, ama mardadabo wax ku-meel mariya).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fraudulent

DHAABAN

/frojulant/fraudulence (adj) khayaano-ah, been-ah siiba foorjari ama been-abuur ku jiro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

libel

DHAABAN

/laybal/libelous; (n) dhaleecayn; cambaarayn (siiba qoraal, ku been abuurasho ah oo qof lugu sharaf ridayo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

prevaricate

DHAABAN

/priivaarakeyt/ (v) been-abuurid (runta oo laga meeraysto, oo been la sheego si wax loogu dago).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

slander

DHAABAN

/slaandar/ (n) 1. qadaf (af- lagaaddo xun oo been ah, oo qof lugu cambaareeyo) been-abuurad (v) 2. af-lagaaddayn (qadfid, caayid) ~ been-abuurasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

trump up

DHAABAN

/tramp ap/ (v) been-abuurid, siiba dambi been-abuur ah u samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

falsificatóre

DHAABAN

s.m. - been abuure.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenhawaasad

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) been abuurid u kas ah. Rooble wuxu xadaa beenhawaasad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidci

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) qof la yimaad cibaado sharciga khilaafsan. Bidcigu waa been'abuurte.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

khawaayad

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) hallaasi iyo dhalanteed aan dhab ahayn; hadoof beeneed indhasarcaadis ah. Nin khawaayad iyo been yaqaan, khaa'inkiyo tuugga. Dh: been'abuur, hadur, hadoof, qawaayad, riwaayad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beenguur

DHAFANDHAAF
1

beenguur¹: m.l Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).

2

beenguur²: f.g1 (-ray, -rtay) God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerabuurid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: beerabuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerabuuris

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: beerabuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baabuur

DHAFANDHAAF
1

(Baabuur-ka)

2

1. Gaadiid badanaaba afar garangarood leh oo ku socda qalab dhaqaajiya (motoor) oo gudaha ugu jira; dadka iyo alaabada buu qaadaa; gaari.

3

2. Qalab jiko oo inta dab lagu kor shido, wixii wax lagu karsana hayo, la kor saaro; girgire, birjiko; marakab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baabuur

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baabuur

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada; gaari.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baabuur

DHAFANDHAAF
1

m. n. car, automobile, truck

2

baabuur m. n. tin cooking stove, steamer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

baabuur

DHAFANDHAAF

-ka: (n) car (kaar); auto (oo tow), automobile (ooto moobiil); vehicle (viikal); truck (taraak) gaari, fatuurad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baabuur

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) gaadiid ku socda afar walxood ama in ka badan oo ka samaysan bir iyo cinjir neef lagu afuufay kuna shaqeeyaa shidaal. Dh: gaadhi, gaari, tamaamuul.

2

baabuur: -ka: (magac, lab, keli) qalab jikada loo adeegsado. Dhagax si farshaxannimo loo qoray ama ka samaysan ama walax bir ah oo inta dhuxul lagu shido wax lagu dul kariyo. Distida baabuurka dul saar oo xeraadka innoo kari. Dh: birjiko, girgire, marakab, burjiko.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerfuur

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: beergooyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunabuur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh ama daaqa, inta uuna madaxa soo ridin ee uu ubaxiisu soo buurmo. Dalaggu weli waa cunabuur. Dh: dhays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hal'abuur

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) kartida iyo awoodda ay maskaxdu u leedahay in ay wax curiso oo sannifaad suugaaneed iyo mid kalaba ay samayso. Dh: curin, halcurin.

2

hal'abuur -ka: (magac, lab, keli) qof leh karti iyo mawhibo uu wax ku curiyo. Dh: abwaan. Wa: hal'abuurro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beendabaad

DHAFANDHAAF

m.l Beenlow; beenley. la-mid: beendadaab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beendabaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof aad u been badan oo caado beenta ka dhigta. Dh: beenaale.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenxariir

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) qofka beenta qurxiya ee runta u ekaysiiya. Beenxariir been sheegi ogaa.

2

beenxariir -ta: (magac, dhedig, keli) been la qurxiyey si loo moodo run; dhab aad ugu eg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerxanuun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka ku dhaca. Beerxanuun baa ku dhacay kuwii khamrida biishan jireye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hawl'abuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hawl la sameeyo abuurid ama samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenaffuufe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof lagu yaqaan in uu had iyo jeer been sheego. Dh: beendabaad, beendaac.

waa la naqliyay ✓