ereyga

beembeenin

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beembeenin

DHAN

m.f.dh eeg beembeeni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beembeeni

DHAFAN

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beembeeni

DHAFAN

v. amuse someone by telling fibs; pretend, make something seem true that isn't so (for sake of diversion ~ entertainment)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beembeeni

DHAFAN

-yey / say: (v) tell a childish lie to someone; fib (fib) ~ sasab

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beembeeni

DHAFAN

(fal) cid kale, hadal beenbeen ah u sheeg. Dacaayadaha la sheegayo beembeeni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beembeeni

DHAFAN
1

de: amuse s.o. by telling fibs; pretend, make s.t. seem true that isn't so (for sake of diversion ~ entertainment)

2

lx: beembeeni

3

pd: (beembeeniyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: beembeeni

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Beenbeenin

DHAFAN
1

(Beenbeenin-ta)

2

Waxyaalo aan jirin u sheegsheegid oo ku dagid; been u sheegsheegid, wax aan run ahayn run uga dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beenbeenin

DHAFAN

vl. n. repetition of denials, justifications

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenbeenin

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) waxbaayo aan jirin oo been ah sheegsheegid; cid kale, wax aan run ahayn run uga dhigid. Beenbeenin bay nagu wareeriyeen yaa naga qabsada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beenbeenin

DHAFAN
1

de: repetition of denials, justifications

2

lx: beenbeenin

3

pd: (-ta)

4

ps: vn-f

5

see: beembeen

6

key: beenbeenin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beembeen

DHAFAN

m.dh Been waaweyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beembeen

DHAFAN

m.dh Been waaweyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beembeen

DHAFAN

f. n., pl., (adj.): pack ~ heap of lies; big lie; false

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beembeen

DHAFAN

-ta: (n) an insignificant or childish lie; fib (fib); falseness; falshood ~ beenbeen

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beembeen

DHAFAN

-ta: (magac, lab, keli) hadal sasabo ah oo aan run ahayn oo carruurta lagu aammusiiyo. Sasabuhu run maahee waa beembeen. Dh: beenbeen.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beembeen

DHAFAN
1

de: pack ~ heap of lies; big lie; [atr.] false

2

lx: beembeen

3

pd: (-ta)

4

ps: n-f-pl

5

key: beembeen

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beenbeeni

DHAFAN

-yey / say: (v) tell a childish lie to someone; fib (fib) ~ sasab

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenbeeni

DHAFAN

(fal) wax aan jirin u sheegsheeg; been ku maaweeli. Yarku muxuu idiin beenbeeniyey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenbeenis

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) waxbaayo aan jirin oo been ah sheegsheegis, wax aan run ahayn run uga dhigis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beenbeen

DHAFANDHAAF

-ta: (n) lie (laay); falseness; falsehood ~ beembeen

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenbeen

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax run u eg laakiinse aan ahayn xaqiiqo. War beenbeen ah baa la noo keenay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

is beembeeni

DHAFANDHAAF

v. delude oneself, be founded on illusions

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

is_beembeeni

DHAFANDHAAF
1

de: delude oneself, be founded on illusions

2

lx: is beembeeni

3

pd: (beembeeniyey)

4

ps: v2a=expr

5

key: is_beembeeni

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beebbee

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) gaadhi ciidan oo gaashaaman; taangiga kaaraha ee lagu dagaalgalo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beesteen

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: beestayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beesteen

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg beeso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Belbelin

DHAFANDHAAF
1

(Belbelin-ta)

2

Belbel u yeelid; belelin; ololin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

belbelin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg belbeli. la-mid: belbelis, belelin, belelis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

belbelin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) belbel u yeelid. Dh: balbalin, belelin, ololin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bambaanin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg bambaani.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bambaanin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) dhawrid oo si taxadir leh u maarayn; aayar u wadid oo turunturrada iyo carqaladaha ka ilaalin. Xaajadu hadday bambaanin weydo way badhqataa. Dh: banbaanin.

2

bambaanin -ta: (magac, dhedig, keli) garab joogsasho oo hoo iyo hadalba ku taageerid. Ninku maanta ayuu bambaanin u baahan yahaye garab joogsada. Dh: taageerid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

seeseejin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dharw jeer gefsiin; dhaafsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buumbuunin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg buumbuuni. la-mid: buumbuunnis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buumbuunin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhacdo sidii ay ahayd si ka weyn oo biirbiirini ku jirto u sheegid. Buumbuunintu ma fiicnee sidii wax loo arkaa loo warramaa. Dh: buunbuunin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leexleexin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u duwid. Dh: leexleexis, weecweecin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Meermeerin

DHAFANDHAAF
1

(Meermeerin-ta)

2

Warwareejin; leexleexin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meermeerin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg meermeeri. la-mid: meermeeris¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meermeerin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ka doonaysa kolba ballan been ah iyo cudur daar an jirin ku habsaamin. Dh: meermeeris.

2

meermeerin -ta: (magac, dhedig, keli) wadwadid oo kolba dhan u kaxayn. Dh: warwareejin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefneefin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) neef kolbaka sii dayn oo kolba yar nasin.

2

neefneefin -ta: (magac, dhedig, keli) naqas meel ku celcelin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

seexseexin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) had ba dhinac dhul dhigid, wax badan jiifjiifin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

adeenbeelid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) shakibeelid; muran beelis. Markay aad u kala miirantay wada adeenbeesho. Li: kalsooni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beensheegid

DHAFANDHAAF

m.dh Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. la-mid: beensheeg (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beensheegid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) been ku warramid; hadal xaqiiqada ka duwan dhihid. Beensheegid ninka caado ka dhigtaa beenaale ayuu noqdaa. Dh: beensheegis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sheesheelin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) celcelin, wax inuu soo socdo raba hahakin.

waa la naqliyay ✓