beejaqab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejaqab
m.l la-mid: buuryaaqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryoqab
-ka: (magac, lab, keli) caruur aan wali la gudin oon laga goynin baaradii. Dh: beejaqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beertacab
m.l Beer falow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beertacab
m.l Beer falow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beertacab
-ka: (magac, lab, keli) xanuun aan weyneyn. Wiilka beertacab ayaa haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerjajab
m.l Si aan waafaqsanayn xeerka oo wax loo xalliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerjajab
m.l Si aan waafaqsanayn xeerka oo wax loo xalliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerjajab
-ka: (magac, lab, keli) gar xeer iyo xaagaan la isku daro oo meel dhexe la iskugu. yimaad iyada oon xeerka siddi uu ahaa loo raacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho. m.f.dh, bedqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bedqab
v., [compound] be safe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqab
-ka: (magac, lab, keli) nabadqab aan wax iin ah lahayn. Dh: nabadqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bedqab
de: be safe
lx: bedqab
pd: (bedqabay)
ps: v1=cmp
key: bedqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedaan
-ka: (magac, lab, keli) geed qurux badan oo leh caleemo balballaadhan. Wuxuu u samaysan yahay sidii dallado la is kordhigay oo hadh qabaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaad
-ka: (magac, lab, keli) ahaad been, run ha noqonin. War beenaadka ila dhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaan
(fal) eeg beeqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaq
(fal) jeedaali oo fiiri. Soo beeqaaq shirka.
beeqaaq-a: (magac, lab, keli) marka aad wax isha ku qabato ama aad eegto. Beeqaaqa hawshu sida ay u socoto ayaan u nimidnay. Dh: jeedaalo, fiiro, dhugasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraad
n. phr., genetive: rural, agricultural
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeraad
-ka: (magac, lab, keli) dareen jacayl. Beeraad ban qabaa markaan booqdo baradiinna. Dh: caashaq.
beeraad -ka: (magac, lab, keli) beer ka dhigad. Dh: abuurad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraad
de: rural, agricultural
lx: beeraad
ps: np-gen
key: beeraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beexaan
beexaan¹: m.l 1. Dhammaad; idlaad. 2. Kibir.
beexaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Wax dhammaansho. 2. Qof kibrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beexaan
(fal) wax yaryarayn oo beexaamin.
beexaan -ka: (magac, lab, keli) yaryarayn oo horay u dhammaansho la'aan. Dh: beekhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heehaab
(Heehaab-ka)
Heehaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heehaab
heehaab¹: m.l la-mid: heehow¹.
heehaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: heehow².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heehaab
v. fly, hover; float, keep afloat, flap (about); be unstable ~ unsteady
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heehaab
-ay / tay: (v) float or suspend in the air; hover (hovar); suspend (saspeendh); flutter (falat ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaab
(fal) iyada oo aanay wax ku hayaa jirin, hawada dusheeda, sabbee. Hawada iska dhex heehaab. Dh: sabbee. Li: deg, quus, muquuro.
heehaab -ka: (magac, lab, keli) sabbaynta hawada, adiga oo aan wax kale qabsan. Dh: heehaabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heehaab
bw: heehow
de: fly, hover; float, keep afloat, flap (about); be unstable ~ unsteady
lx: heehaab
nt: heehaab (ka) [vn-m]
pd: (heehaabay)
ps: v1=
key: heehaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeraab
(Heeraab-ka)
1. Docda hoose oo doonyaha iyo wixii la mid ah, tiir dheer oo ku yaal oo isu wada haya, shalmaankuna madaxa hoose ku wada hayaan; lafdhabarta doonyaha.
2. (dab) dab baxa haya oo aan weli ololin; hulaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraab
m.l (-bo, m.l) Docda hoose ee doonyaha tiir dheer oo ku yaal oo isu haya, shalmaankuna madaxa hoose ku hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeraab
m. n. keel of boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeraab
-ka: (magac, lab, keli) dab, dab baxaya oo aan weli ololin; hulaaq.
heeraab -ta: (magac, dhedig, keli) docda hoose ee doonyaha iyo wixii la mid ah, tiir dheer oo ku yaal oo isku wada haya; wuxuu wada hayaa shalmaanka oo madaxa hoose kula wada jira; waa na lafdhabarta doonta. Dh: udubdhexaad.
heeraab -ta: (magac, dhedig, keli) dab baxaya oo aan weli ololin. Dabku weli waa heeraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeraab
de: keel of boat
lx: heeraab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heeraab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelqab
-ka: (magac, lab, keli) xoolo aan helin carro dhanaan in muddo ah. Jeelqabka geelu wuu ku caano yareeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeqaab
(Neeqaab-ka)
Qoriga dakhalku ku qotomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeqaab
m.l Qoriga dakhalku ku qotomo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neeqaab
m. n. ship's mast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neeqaab
-ka: (magac, lab, keli) qoriga dakhalku ku qotomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neeqaab
cf: dakhal
de: ship's mast
lx: neeqaab
pd: (-ka)
ps: n-m
key: neeqaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: beeddalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalan
(tilmaame) neef oofanaya oo saarasho u diyaar ah. Qaalin beedalan ayaa xerada ku jirta. Dh: lugadegsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaqab
-ka: (magac, lab, keli) daahir ahaansho wixii weysada burinaayay aanay kugu iman. Masaajidka waysaqab ku ictikaaf. Dh: weysaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beendadaab
m.l la-mid: beendabaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeryaqaan
m. n., [compound] agronomist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeryaqaan
-ka: (n) [Pl. beeryaqaano -da] agronomist (a garo namist)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeryaqaan
de: agronomist
lx: beeryaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: beeryaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeddalan
Beeddal ah; kudaal u baahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax kudmo rabo ahaansho (geenyo). la-mid: beedalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeddalan
der. [adjective] being in heat (of domestic animal, e.g., horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddalan
(tilmaame) gammaan lab saarta u baahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeddalan
de: being in heat (of domestic animal, e.g., horse)
lx: beeddalan
pd: (beeddalnaa)
ps: adj-der
key: beeddalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la beeleeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la beeleeyey ahaansho. m.f.dh, beelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysan
(tilmaame) beelbeel u samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenawaas
m.l la-mid: beenhawaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenawaas
m. n. big liar; fibber, storyteller
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenawaas
-ka: (n) one who tells lies; liar (laayar); storyteller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenawaas
-ka: (magac, lab, keli) qof been badan oo ku jira sheekaxariirka Soomaaliga. Abnawaas iyo beenawaas ayaa jirijirey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenawaas
a: beenhawaas
de: big liar; fibber, storyteller
lx: beenawaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: beenawaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad la'aan, wax laguu sheegay beenaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedaalin ku samayn. Beeqaaqid iyo dhays ba waa lagu dayoo weli maaro loo waaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jeedaalin. Dh: beeqaaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraqoon
f. n., [collective] agronomy, farm science
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraqoon
de: agronomy, farm science
lx: beeraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: beeraqoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerraqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryaqab
(Buuryaqab-ka)
Buuryo ku taal; aan la gudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryaqab
buuryaqab¹: m.l (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. la-mid: beejaqab.
buuryaqab²: m.dh (-bo, m.l) Gabar aan gudnayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuryaqab
m.l (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. la-mid: beejaqab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryaqab
m. n., [compound] uncircumcised male
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuryaqab
-ka: (n) not circumcised male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryaqab
-ka: (magac, lab, keli) baarada weli laga goyn, weli la gudin. Waan ogahayinaad buuryoqab tahoo, weli biri ku taabane. Dh: beejaqab, baaraqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryaqab
de: uncircumcised male
lx: buuryaqab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: buuryaqab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beer yaqaan
Agronomo
Agronomist