beegasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegasho
m.f.dh eeg beego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegasho
-da: (magac, dhedig, keli) cabbirasho. Beegashada isaga u daaya. Dh: qiyaasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beegsasho
(Beegsasha-da)
Beegsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegsasho
m.f.dh eeg beegso. la-mid: beegsad, beegsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegsasho
-da: (magac, dhedig, keli) beegidda wax inta uu dhanyahay. Beegasho horteed dooro burka aad rabto. Dh: miisasho, qiyaasasho.
beegsasho-da: (magac, dhedig, keli) beegsadka aad yool beegsanayso. Dh: beegsi, haweysasho, hansasho, haabasho, tiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dbeegasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaga dayasho; wax ad samaynayso wax u eg oo meel kale yaal ka soo qaado. Dh: ku dayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegasho
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo ka ilaalinta wax aad leedahay. Dh: daranyatirasho, dayactirasho.
eegasho-da: (magac, dhedig, keli) wax cid kale lagala wareegayo, fiicnidiisa eegid oo iska hubin. Haddaad gaadhiga iibsanayso eegashadu lacag ma aha.
eegasho-da: (magac, dhedig, keli) daalacasha kitaabka la dhegeysanayo. Dh: daalacasho. eegeeg: (fal) eeg oo haddana eeg. Dh: fiirfiiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerasho
(Beerasha-da)
Beer ka dhigasho; abuurasho, tallaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerasho
m.f.dh eeg beero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerasho
vl. n. farming, planting (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerasho
-beerashada: (n) farming, cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, beer ka dhigasho. Beerashaa loo banbaxay oo bannaanka loo hurdaa. Dh: abuurasho, beerfalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerasho
de: farming, planting (for oneself)
lx: beerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: beerasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisasho
(Miisasha-da)
Beegasho: miisaamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto beegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beego
f.g3 (-gtay, -gatay) Suus, madaal, shood iyo wixi lamida raashin ku miisasho. m.f.dh, beegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miiso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto beegasho. m.f.dh, miisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) beegasho oo miisaamasho. Dh: cabbirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisasho
-da: (magac, dhedig, keli) galaan iyo wax la mid ah wax ku miismiisasho. Miisasho ayaan ku mashquulay. Dh: beegasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beego
de: measure (grain) for oneself
lx: beego
nt: beegad (ka) [vn-m], beegasho (/da) [vn-f]
pd: (beegtay)
ps: v3b=tr
key: beego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegasho
(Adeegasha-da)
Hawl qabsasho; isu adeegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegasho
m.f.dh eeg adeego.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adeegasho
-adeegashada: (n) shopping (shooping) ~ dukaamaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg adeegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecsasho
m.dh la-mid: biicsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la yidhi been u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheegasho
(Dheegasha-da)
Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka fiirsasho; kaga dayasho; ka xigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheegasho
m.f.dh eeg dheego. la-mid: dheegad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegasho
vl. n. imitation, acting like another person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegasho
a: dheegad
de: imitation, acting like another person
lx: dheegasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dheegasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheegasho
(Sheegasha-da)
1. Wax gar u lahaantood ku doodid, ku hadlid.
2. Wax isku sheegid, isku tilmaamid, iska warramid.
3. Tol ama hayb isku tirin, ku abtirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegasho
m.f.dh eeg sheego. la-mid: sheegad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegasho
vl. n. claiming; recounting one's ancestry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegasho
-sheegashada: (n) demanding (di-maanding); claiming (kaleeyming); requesting (rik-weest-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) gar caddaysad, marsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegasho
de: claiming; recounting one's ancestry
initial: s
lx: sheegasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: sheegasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegso
f.g3 (-saday, -satay) Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beegso
f.g3 (-saday, -satay) Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid. m.f.dh, beegsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beegso
v. try to measure up to ~ become equal with; target a higher position
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beegso
-beegsaday / beegsatay: (v) 1. try to reach. 2. aim for a higher position; set one's sight for higher position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegso
(fal) wax ama yool aad rabto inaad gaadho hanso. Dh: haabo, haweyso, tiigso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beegso
de: try to measure up to ~ become equal with; [fig.] target a higher position
lx: beegso
nt: beegsad (ka) [vn-m], beegsasho (/da) [vn-f], beegsi (ga) [vn-m]
pd: (beegsaday)
ps: v3a=tr
key: beegso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogasho
(Bogasha-da)
Wax la samaynayo waqti ku filan u helid; ka dhammaysasho; ka baaraandegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogasho
m.f.dh eeg bogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogasho
vl. n. getting satisfaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogasho
-da: (magac, dhedig, keli) «ka waqti ku filan u helid, ka baaraandegid. Dh: bogosha.
bogasho -da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» hawl gudasho ama wax ka haqabbeelid. Bogasho maleh hadalku haddii la ismaqli waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogasho
de: getting satisfaction
lx: bogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degasho
(Degasha-da)
(geed, faras, kd.) ka degid; degad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degasho
m.f.dh eeg dego. la-mid: degad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degasho
vl. n. descent, act of dismounting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degasho
-degashada: (n) the act of climbing down or getting down
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degasho
de: descent, act of dismounting
lx: degasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: degasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ee'asho
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta codka ee'adka oo ah dhawaqa riyaha ee xanuunka ku lammaan. Dh: ci', cabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eebasho
m.f.dh eeg eebo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg eerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexasho
(Eexasha-da)
1. Eex gelid; kala godobsasho.
2. (u eexsasho) u turid; gaar ugu samafalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexasho
m.f.dh eeg eexo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eexasho
vl. n. state of being biased, partial; showing favoritism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eexasho
-eexashada: (n) favorable prejudice or bias
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eexasho
Favoreggiamento
Favouritism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg eexad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eexasho
de: state of being biased, partial; showing favoritism
lx: eexasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: eexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergasho
m.f.dh eeg ergo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deexasho
(Deexasha-da)
Hadal badan shubid; dalqamid; aad u warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexasho
m.f.dh eeg deexo. la-mid: deexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal si laabfurni ah, u warrantid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenasho
(Feenasha-da)
Hilibka yar oo lafaha ku dhegdhegsan oo feenka la yiraahdo, cunid, ilkaha ku diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feenasho
m.f.dh eeg feeno. la-mid: feenad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg feenad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerasho
(Feerasha-da)
(time, kd.) Firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerasho
m.f.dh eeg feero. la-mid: feerad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerasho
vl. n. act of combing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feerasho
-feerashada: (n) the act of combing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, shanlayn. Dh: feedhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feerasho
a: firasho
de: act of combing
lx: feerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: feerasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fergasho
(Fergasha-da)
Fargasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fergasho
m.dh la-mid: fargasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fergasho
vl. n. struggle, writhing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fergasho
-fergashada: (n) the act of writhing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fergasho
-da: (magac, dhedig, keli) fakasho iyo baxsasho. Dh: fargasho.
fergasho-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama geeriyood. Fergashadu waa xaq. Li: nolol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fergasho
a: fargasho
de: struggle, writhing
lx: fergasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: fergasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelasho
m.f.dh eeg heelo. la-mid: heelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemasho
(Heemasha-da)
1. (haad) degid isu diyaarina haya.
2. Wax badan oo meel ama wax kale ku soo kor gowriirsanaya, ku soo shamuumaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemasho
m.f.dh eeg heemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemasho
f. n. agreement, consent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heemad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemasho
de: agreement, consent
lx: heemasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heemasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeesasho
(Jeesasha-da)
Jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesasho
m.f.dh la-mid: jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexasho
m.f.dh eeg jeexo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexasho
(Leexasha-da)
Meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho, uga bayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexasho
m.f.dh la-mid: leexad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexasho
-leexashada: (n) the act of turning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Leexasho
Deviazione
Deviation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u baydhid; meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho. Dh: baydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mergasho
(Mergasha-da)
Wax la liqay, hunguriga dhexdiisa joogsasho, is-taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mergasho
m.dh la-mid: margasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mergasho
vl. n. choking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama cunto ku joogsasho. Qur'aanka si fiican u xafid oo mergashada iska jir.