bedqabis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqabis
m.dh la-mid: bedqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabis
-ta: (magac, dhedig, keli) nabadqab iyo amaan qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqabid
m.f.dh eeg bedqab. la-mid: bedqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadqabid aan wax iin ama waxyeella ah lahayn. Bedqabid laguma waaree intaad bedqabto wax qabso. Dh: nabadqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho. m.f.dh, bedqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bedqab
v., [compound] be safe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqab
-ka: (magac, lab, keli) nabadqab aan wax iin ah lahayn. Dh: nabadqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bedqab
de: be safe
lx: bedqab
pd: (bedqabay)
ps: v1=cmp
key: bedqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad iyo amaan ku jirid. Badqabiddaada ayaan ku faraxnay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jeedaalin. Dh: beeqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadis
m.dh la-mid: eedqaadid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Babis
Marwaxadda buufinka ee inta gacanqabsiga laga wareejiyo qabaalka dabayl ku buufisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedis
-ta: (magac, dhedig, keli) bedidda wax magtiisa lagugu lahaa. Gaadhigii aad jiidhay bedistiisa ayaa lagaa sugayaa. Dh: magis.
bedis-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii jeer ee lagaa dhaliyey dib u dhalinteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabis
(Dabis-ka)
Waxaa yeesha xoolaha shinbirtu (cudur) ku dhacdo: calannaqsiga bay kolkol mar labaad liqi waayaan oo camanka hoostooda isaga haystaan, kolkaasaa camanku meelo ka soo buurtaan oo afka qaabkiisu foolxumaadaa; cantab; (ama tabis, tabsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabis
m.l 1. la-mid: tabis. Cudur xoola ku dhaca oo calanaqsiga inay liqaan u diida. 2. Nooc ka mid ah deris kunnoolka caloosha dadka ku dhasha. 3. Nooc ka mid ah suuska timirta gala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabis
m.l 1. la-mid: tabis. Cudur xoola ku dhaca oo calanaqsiga inay liqaan u diida. 2. Nooc ka mid ah deris kunnoolka caloosha dadka ku dhasha. 3. Nooc ka mid ah suuska timirta gala.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabis
m. n., [collective] disease in birds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabis
-ta: (magac, dhedig, keli) cudur lagu arko xoolaha ay shimbirtu ku dhacdo oo calanaqsiga ayey kolkol liqi kariwaayaan.
dabis-ta: (magac, dhedig, keli) gaadhi aan gaar u socon karin, ku kale ku xidhiidhin.
dabis-ta: (magac, dhedig, keli) dugaagga ama ugaadha, dabin ku qabasho. Dabid kunool weeye reerku oo duunyo ma qabo.
dabis-ta: (magac, dhedig, keli) il, isku qabasho.
dabis-ta: (magac, dhedig, keli) tidcidda iyo soohidda timaha. Dabista badan timaha ka ilaali.
dabis -ta: (magac, dhedig, keli) ul iyo wixii la mid ah, qalloocsamid. Dabis baan uga cabsiqabaa usha inta ay jiicamoodka tahay.
dabis-ta: (magac, dhedig, keli) neef la dabrayo, si fudud u xidhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabis
a: tabis ~ tabsi
de: disease in birds
lx: dabis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: dabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabis
-ta: (magac, dhedig keli) eeg qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqab
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax nabad qaba ahaanta. Badqab baan Alle ku barinay. Dh: nabadqab, bedqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqamis
m.l la-mid: balqamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabis
m.l la-mid: ladaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ladaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiqaris
m.dh Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg badqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxan la beer qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
denbiqabis
-ta: (magac, dhedig, keli) gef galid; qalad samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadis
m.l la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama dhibaato kale ka samatabixis. Doonni ayaa loo diray badbaadista dad ay doonni la rogmatay. Dh: samatabixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badmaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeq bardaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddalid
m.f.dh eeg beeddal². la-mid: beedalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddalid
-da: (magac, dhedig, keli) rabitaanka gammaan oofanaya. Beeddalid geenyaduba way muujisaa markay faraska doonayso. Dh: orgood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenoobidda wax la sheegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedaalin ku samayn. Beeqaaqid iyo dhays ba waa lagu dayoo weli maaro loo waaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalis
m.dh la-mid: beerfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerraqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerraqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadid
m.dh Xumaan la falay eeddeeda qaadid. la-mid: eedqaad (2), eedqaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eedxambaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaybis
m.l la-mid: garqaybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg heehaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalis
-ka: (magac, lab, keli) dib ama dhinac eegitaan. Dh: daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabays
m.l la-mid: ladqabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladqabays
vl. n. soothing ~ settling (a quarrel, negative questions)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ladqabayn. ladqabee: (fal) cid kale, dhagar ku samee; mardabee; sir; laqdabee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladqabays
a: ladqabayn (ta) [vn-f]
de: soothing ~ settling (a quarrel, negative questions)
lx: ladqabays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: ladqabays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg miidaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neecaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg weydaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabaadiino qabid. Dh: badqabid, badqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdaqaawis
-ka: (magac, lab, keli) u xaydxaydasho dagaal been ah oo qof lagu cabsiinayo. Bawdaqaawiska beenta ah barbar ula joogso ma fulaad i moodday. Dh: fulabajin, fulagguul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuuris
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdaqaawis
m.l la-mid: bowdaqaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdaqaawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bowdaqaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowdoqaawis
(Bowdoqaawis-ka)
Dagaal u darbasho iyo xaydxaydasho been ah oo qof kale lagu bajina hayo; fulabbajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bowdoqaawis
vl. n. girding one's loins; tucking up ones garments in preparation for a fight; bluff
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bowdoqaawis
de: girding one's loins; tucking up ones garments in preparation for a fight; bluff
lx: bowdoqaawis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
syn: carcoorri
key: bowdoqaawis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabis
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg qabanqaabin.