bedqab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho. m.f.dh, bedqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bedqab
v., [compound] be safe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqab
-ka: (magac, lab, keli) nabadqab aan wax iin ah lahayn. Dh: nabadqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bedqab
de: be safe
lx: bedqab
pd: (bedqabay)
ps: v1=cmp
key: bedqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqab
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax nabad qaba ahaanta. Badqab baan Alle ku barinay. Dh: nabadqab, bedqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayo
m.dh Caafimad, jiro la'aan, bedqabid. la-mid: fayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayo
m.dh Caafimad, jiro la'aan, bedqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqabid
m.f.dh eeg bedqab. la-mid: bedqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadqabid aan wax iin ama waxyeella ah lahayn. Bedqabid laguma waaree intaad bedqabto wax qabso. Dh: nabadqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqabis
m.dh la-mid: bedqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edaab
-ta: (magac, dhedig, keli) habdhaqanka suubban ee guud ahaan qafka. Waxa lagu qiyaasaa diinta iyo dhaqanka bulshadu aaminsan tahay si loo xaddido xumaanteeda iyo samaanteeda. Haddaan uud u shakaalo, jeeruu awle dareemo, anqacduu iga dhawriye edaabtiisu samaa! Dh: adaab, edeb, asluub, akhlaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedaan
-ka: (magac, lab, keli) jaad mid ah gaadiidka badda, doontana ka yar huudhigana ka weyn oo lagu kalluumaysto. Dh: beden.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedlad
-da: (magac, dhedig, keli) dhar is leh ama isu eg. Bedlad buu xidhaa ninkii xarrago doonaaya. Dh: lebbis, iskujoog, joog.
bedlad -da: (magac, dhedig, keli) dhar, suuqad, firaash, iyada oo shayga la xiranyahay mid la mid ah, oo lagu beddesho la haysto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bedlam
/bedlaam/ (n) meel buuq iyo qaylo badan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bedpan
(n) a metal, glass, or plastic container for receiving human bodily waste,
weelka lagaga qaado udaha qofka buka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka bedqab
v. be free of, exempt from ~ immune to something; be healthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_bedqab
de: be free of, exempt from ~ immune to s.t.; be healthy
lx: ka bedqab
pd: (bedqabay)
ps: v1=expr
key: ka_bedqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad iyo amaan ku jirid. Badqabiddaada ayaan ku faraxnay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabis
-ta: (magac, dhedig, keli) nabadqab iyo amaan qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejaqab
m.l la-mid: buuryaaqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhqab
m.l Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadqab
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato la'aan nabadgelyo ku sugnaan. Reerka nabadgabayaan ku ogahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarqab
(Baarqab-ka)
Awrka geela loogu daro inuu rimiyo oo aan la rarine baarkiisii qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarqab
m.l (-byo, m.dh) Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarqab
m.l (-byo, m.dh) Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarqab
m. n. stud camel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baarqab
nickname-m spoiler; stud; lit: very arrogant, logger-headed and troublesome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarqab
-ka: (n) an adult male camel that has not been castrated
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Baarqab
(I) Cammello maschio riproduttore;
(E) Sire Camel
(S) Baarqab (S. g.: Bargàb); Gurpi (A. G.: Gurpi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarqab
magac ama naanays loo baxsho wiil la filayo inuu sida awr baarqab ah yeesho raganimo iyo santaag.
baarqab: -ka: (magac, lab, keli) awrka aan la raran ee geela abaahiya. Baqas adhiya boqolaalka geel, baarqab iyo goolal. Dh: qoodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarqab
de: stud camel
lx: baarqab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: baarqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedaan
-ka: (magac, lab, keli) geed qurux badan oo leh caleemo balballaadhan. Wuxuu u samaysan yahay sidii dallado la is kordhigay oo hadh qabaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeddal
(Beeddal-ka)
Neef gammaan ah oo dheddig kolkuu kudaal u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddal
beeddal¹: m.l B. ah: Geenyo kudaal u baahan. la-mid: beedal¹.
beeddal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Kudaal u baahasho (geenyo). la-mid: beedal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeddal
m. n. female horse in heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddal
-ka: (magac, lab, keli) dareen gammaan ay muujiso marka ay u baahato faras saarta. Beedalka geenyada farasku wuu deermaya bal sida uu eegi fiiri! Dh: orgood.
beeddal: (fal) gammaanka dhedig dareen rabitaan gudmo amuuji, labood u baaho. Geeyandu way beeddalaysaa. Dh: oofo, orgoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeddal
cf: asoollan
de: female horse in heat
lx: beeddal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: beeddal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedlay
-da: (magac, dhedig, keli) baadlayda inta ukun ama ugac dhasha. Fiidmeertu beedleyda ka mid ma aha ee waa naaslay. Dh: ugacley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaan
(fal) eeg beeqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaq
(fal) jeedaali oo fiiri. Soo beeqaaq shirka.
beeqaaq-a: (magac, lab, keli) marka aad wax isha ku qabato ama aad eegto. Beeqaaqa hawshu sida ay u socoto ayaan u nimidnay. Dh: jeedaalo, fiiro, dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beldaan
m.dh.w eeg beled.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BEYDAAN
(Beydan) S Terminalia catappa L. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beydaan
-ka: (magac, lab, keli) geed midho macaan. Beydaan dheentiyo dhumuc galool baa leh. Dh: hiinfaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birqaab
(Birqaab-ka)
Bir labo qalbac oo is-haysata ka samaysan oo biraha la tumayo lagu qabto ama lagu qaabiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birqaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iyo wixi lamida lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. la-mid: birqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birqaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iyo wixi lamida lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. la-mid: birqabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birqaab
m. n., [compound] pair of tongs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birqaab
-ka: (magac, lab, keli) bir bal dhaban oo dhexda iskaga laaban oo dhuxulaha dabka ah iyo birta kulul ee la tumayo lagu qabto. Birqaabka dhuxusha ku qabo.
birqaab -ka: (magac, lab, keli) sumad laba farraaq leh oo eg hiinsaraarka oo xoolaha luqunta lagaga dhigo. Ri' birqaab leh ayaa arkay oo baadi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birqaab
de: pair of tongs (e.g., as used for holding or moving charcoal)
lx: birqaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: birqaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddaab
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhudhub ah oo xooluhu hadday maraan aanay ka soo noqon karin. Deddaabta ka horjoogsada geela. deddan: (tilmaame) tuulan oo dusha wax laga saaray. Nin busto ku deedan ayaa jiifa. Dh: dedan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynqab
v., [compound] borrow; be indebted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynqab
de: borrow; be indebted
lx: deynqab
pd: (deynqabay)
ps: v1=cmp
key: deynqab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaad
m.l 1. E. ah: xumaan la falay eeddeeda qaadid. 2. la-mid: eedqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof si badheedh ah eed dhabarka ugu rita. Dh: eedxambaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedlab
m.l (-byo, m.dh) Geed-adayg.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEEDLAB
Allophylus alnifolius 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelqab
-ka: (magac, lab, keli) xoolo aan helin carro dhanaan in muddo ah. Jeelqabka geelu wuu ku caano yareeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladqabo
(Ladqaba-da)
Laqdabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabo
m.dh 1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. la-mid: laqdabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladqabo
f. n. deceit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabo
-da: (magac, dhedig, keli) dhexdhexaadin iyo isku soo dhowayn labo dhinac oo is dilay ama is'afgaranwaa ka dhexeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladqabo
de: deceit
lx: ladqabo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: laqdabo
key: ladqabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeqaab
(Neeqaab-ka)
Qoriga dakhalku ku qotomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeqaab
m.l Qoriga dakhalku ku qotomo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neeqaab
m. n. ship's mast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neeqaab
-ka: (magac, lab, keli) qoriga dakhalku ku qotomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neeqaab
cf: dakhal
de: ship's mast
lx: neeqaab
pd: (-ka)
ps: n-m
key: neeqaab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabad qab
v., [compound] be in peace, be well ~ secure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabad_qab
de: be in peace, be well ~ secure
lx: nabad qab
pd: (qabay)
ps: v1=cmp
key: nabad_qab