bayrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrac
m.dh (cilmiga naflayda) Ugaar deerada la bah ah oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh oo dhulka dullada ah ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrac
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah deerada oo ka yar kana weyn sagaarada oo leh dhega waaweyn. Waxay ku nooshahay buuraha. Sidii bayrac qadaw loo daadiyoo dibanna loo qoolay. Dh: bacayr, kudhubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarac
(tilmaame) qof da' yar oo dhan waliba buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayraq
m.l Calan; bandiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayrac
(Mayrac-a)
Xoolo daajinta galabeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrac
mayrac¹: m.l Daajinta xoolaha fiidkii la daajiyo.
mayrac²: f.g1 (-cay, -cday) Xoolo fiid daajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayrac
v. pasture ~ let animals graze in late afternoon until sunset
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrac
(fal) xoolo xilli galab ah daaji oo eeg. Lo'du waa wabaxe mayrac.
mayrac -a: (magac, lab, keli) daajinta xoolaha la daajiyo galabtii inta aanay soo xeroon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayrac
bw: maraac
de: pasture ~ let animals graze in late afternoon until sunset
lx: mayrac
nt: mayrac (a) [vn-m]
pd: (mayracay)
ps: v1=tr
xv: Arabic
key: mayrac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacayr
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah ugaadha oo dhego waaweyn oo balballaadhan leh. Bacayr baa bartan bahal ku cunay. Dh: bayrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiir
(fal) wax badan diirka ka qaadqaad.
diirdiir-ta: (magac, dhedig, keli) dirxi tigaadda iyo sarciga ku dhasha oo aad u waxyeelleeya. Sannadka ay diirdiiri dhalato dhulku wuu abaaroobaa Dh: diir, dirindir.
diirdiir -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ugaadha ka mid ah oo diillimo dhaadheer leh. Diirdiirtu waxay la bah tahay bayracda iyo deeradeerada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
barrack
n., qimad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraco
f.g/mg3 (-cday, catay) 1. (f.g) Xoolo fiid daajisasho. 2. (f.mg) Goor galab ah daaqid (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayraco
v. graze in the late afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayraco
(fal) xoolo adu aad leedahay casar daajiso oo eego. Dh: daajiso.
mayraco: (fal) galab soo daaq oo wax soo cun. Galabta soo mayraco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayraco
de: graze in the late afternoon
lx: mayraco
nt: mayracad (ka) [vn-m], mayracasho (/da) [vn-f]
pd: (mayracaday)
ps: v3a=intr
key: mayraco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baac
(Baac-a)
1. Dhererka u dhexeeya labada gacmood marka la kala fidiyo.
2. Dherer wax lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baac
Fathom
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baac
m. n. fathom (measure length with outstretched arms)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baac
-a: (n) a unit of length measurement equal to stretched out arms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baac
-a: (magac, lab, keli) cabbirka dhererka labada gacmood oo midig iyo bidix u kala baxsan. Ceelkani waa saddex baac iyo badh.
baac -a: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa qoorta ama xabadka iyo gacan keli ah oo la furay.
baac -a: (magac, lab, keli) luqunta geela. Hareeriga ka baxay foocyadey baaca gelisaaye. Dh: luqun, qoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baac
de: fathom (measure length with outstretched arms)
lx: baac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: baac
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bara
s.f. - naxash, nacash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayr
(Bayr-ta)
Iin maanka iyo muruqyada ku dhacda oo wax aan la hubsan lala boodo ama laga dido ama laga cararo; salaaf; biinan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayr
bayr¹: m.l 1. Nuxurka hadal, dood iyo wixi lamida ku saleysanyahay. 2. la-mid: bayrid.
bayr²: m.dh Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda dhan u weecasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayr
bayr¹: m.l Nuxurka hadal, dood iyo wixi lamida ku saleysanyahay.
bayr²: m.dh Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda dhan u weecasho. m.f.dh, bayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayr
f. n. (adj.): impatience, sensitivity, touchiness; unfriendly ~ untame (animal); nervous ~ touchy (person)
bayr v. divert, turn aside, move, change direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayr
-ay/tay: (v) move aside or turn direction ~ baydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayr
(fal) tooskaad u socotay ka leexo. Isgoyska markaad gaadhid jidka ka bayr oo qorraxsin u kac. Dh: baydh.
bayr-ta: (magac, dhedig, keli) neefka didmada badan ee aan usha lala gaadhin. Baal jiid rag wow daran yahee, bayr aan ugu yeelo. Li: kalsami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babac
(Babac-a, Babac-da)
1. Meel taag ah oo dululub ah; hoobad.
2. Gudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babac
babac¹: m.l/dh (-cyo, m.l) 1. Daaddagga buurta ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee wax loo dhigo. 3. la-mid: babcid.
babac²: f.g/mg1 (-bcay, -bacday; -bci) 1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babac
babac¹: m.l/dh (-cyo, m.l) 1. Daaddagga buurta ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee wax loo dhigo.
babac²: f.g/mg1 (-bcay, -bacday; -bci) 1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin. m.f.dh, babcid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babac
m. n. slope; diagonal; crossing
babac v. place face down, put something across something else
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babac
-a: (adv) sideways (saaydh weeyz) also sidewise (saaydh waays)
babac -babcay day: (v) turn sideways
-u babacdhig -ay/day: (v) oppose (op powz) Ex: u babacdhig cadawga; oppose the enemy iska celi. -Syn: fight, combat, resist, withstand, contest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babac
babac¹: (fal) walax gudub; dhan u janjeedhi. Babac looxa oo maydh.
babac -a: (magac, lab, keli) buurta sinteeda ama dhinaceeda. Anigoo bannaan arkaaya maxaa babac isaari. Dh: dhaban.
babac -a: (magac, lab, keli) dhinaca iyo sinta wax walba. Babac u dhig dhiisha biya kuma jiraane.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Babac
Dhaban, dhinac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badac
(fal) wax aan hore u jirin ama aan la aqoon samee oo billaw. Dh: dhaqaaji, billaw, ambaqaad. Li: dhammee, gunaanad, gabagabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagac
(ereycodeed) lagu tilmaansado jab labo qurub ah oo laf ama wax adag noqdo. Laftii buu gaadhigu bagac ka siiyey. Dh: buguc, barjac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balac
balac¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Daymo, milicsi. 2. B. ka sii/b. ku sii: bal fiiri!
balac²: m.dh (-cyo, m.dh) Dugaagad ballaaran, xardhan oo macdan ka samaysanoo haweenka ku xarragoodaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balac
m. n. glance, look; opening the eyes to look at
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balac
-a: (magac, lab, keli) eeg balaadh.
balac -a: (magac, lab, keli) wax afar dhinac oo iska soo horjeeda leh inta ay labada dhinac ee iska soo horjeedaa isku jiraan. Dhererka qoodigu waa afartan tallaabo balaca qoodiguna waa labaatan tallaabo. Dh: ballac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balac
de: glance, look; opening the eyes to look at
lx: balac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: balac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barad
(Barad-ka)
Qof waxbarasho u cusub guda-galay; arday bilaw ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barad
m.l 1. Qof wax uusan aqoon barashadooda ku jira. 2. la-mid: barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barad
m. n. pupil, apprentice, trainee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barad
-ka: (n) 1. learning to gain knowledge or comprehension. Ex: ilmo af barad ah; a child learning to speak 2. beginner (biginer); trainee (tareey-nii); amateur (ami- jar) barbarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barad
-ka: (magac, lab, keli) qof barasho ku cusub galay. Horay wadidda baabuurka uma aqoone imikaan barad ahay. Dh: arday, bilaw, koowaad.
barad -ka: (magac, lab, keli) barashada wax cusub. qof layli ah oo imika farsamabarasho ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barad
de: pupil, apprentice, trainee
lx: barad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
xe: It is apparent that he is a trainee.
xv: Barad inuu yahay waa laga gartaa.
key: barad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraf
(Baraf-ka)
Biyo, qabow darti la guntama, oo sida dhalada u iftiima oo u dhalaala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Ice
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Snow, Ice
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraf
m. n., (mass n.): ice, snow, sleet, hail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraf
-ka: (n) 1. ice (aays) Ex: warshadda barafka; ice factory. 2. snow (isnoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraf
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabaw dartii la fadhiistay oo dhagaxoobay. Waan surmiyey biyaha baraf iigu rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraf
de: ice, snow, sleet, hail
lx: baraf
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: baraf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baraf
جَمَدَ، جَلِيدٍ، ثَلْجِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baran
Bar maqan yahay; aan buuxin; kala baran; nus ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baran
baran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax weel ku jira, bar noqosho.
baran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax weel ku jira, bar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baran
der. [adjective] partial, incomplete; halved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baran
(adj) partial or incomplete; half (haaf); halved ~ badhan. Ex: koob baran; half cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baran
(tilmaame) laba u kala qaybsan oo badh ah. Joonyaddu way kala baran tahay. Dh: badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baran
de: partial, incomplete; halved
lx: baran
ps: adj-der
key: baran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraq
m.l Duub ulo jilicsan ah oo dhigaha aqal-Soomaaliga lagu xoojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo iftiinka hillaaca. Hillaac baa baraqda haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barar
(Barar-ka)
Oogada, oo cudur ama nabar ku dhacay darteed la buurata; kabrar; fuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barar
barar¹: m.l Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barar
barar¹: m.l Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho. m.f.dh, bararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barar
v. swell (up)
barar: vl. n. swelling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barar
-ka: (n) the condition of being swollen; swell (isweel); bulge (boolji); distension (dis-teen-shin)
barar: -ay/tay: (v) become sv ollen (iswoolen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barar
(fal) meel jidhka ah, soo kuusan nabar ama xanuun awgii. Boogtii way barartay.
barar -ka: (magac, lab, keli) jidhka noolaha oo xanuun ama nabar soo gaadhay dartiis la soo fooca, la soo kuusma, dhiigga oo guntama, meel isugu taga. Barar ciyil maha.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
barar
ورم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baras
(Baras-ka)
Cudur oogada ku dhaca oo dubka ka diira oo xajiin iyo cuncun badan; caddaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baras
m.l Cudur cuncun leh, oogada dadka ku dhaca oo caddeeya. la-mid: barras.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baras
m.l Cudur cuncun leh, oogada dadka ku dhaca oo caddeeya. la-mid: barras.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baras
m. n., [collective] psoriasis (skin disease)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baras
-ka: (n) psoriasis (sa-raaya- sis); an inflammatory skin disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baras
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun dubka ku dhaca oo midabka asalka ah beddela oo jidhka caddaan ka dhiga. Ilaahoow baras iyo bugtaan kalaba naga hay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baras
bw: Arabic
de: psoriasis (skin disease)
lx: baras
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: baras
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barax
(Barax-a)
Caano iyo biyo laysku daray; xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barax
barax¹: m.l 1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.
barax²: f.g1 (-rxay, -raxday; -rxi) 1. Caano biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barax
barax¹: m.l 1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.
barax²: f.g1 (-rxay, -raxday; -rxi) 1. Caano biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan samayn. m.f.dh, barxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barax
m. n. mixture of milk and water
barax: v. dilute something with water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barax
-a: (n) dilution (daay luushin); adulteration (a-dal-tareey-shin); mixture (miksi-jar) of water and milk
barax: -ayday: (v) dilute (daay-luut); water down; add water; adulterate (a-dal-tareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barax
(fal) caano biyo ku dar, isku laaq biyo iyo caano oo wax mid ah ka dhig. Barax bay na siiyeen kuwii boqolka soo maalay. Dh: badhax, xariir.
barax: (fal) 'baraar' kolba dhan cidla' ah u orod, markuu ababka yahay ee ay hurdo la tagto ama ka reebto maqasha. Dh: baydad, fako, bibbo.
barax-a: (magac, lab, keli) isku jir labo dareere siiba biyo iyo caano la isku daray, caano iyo biyo la isku daray oo noqday badhax. Barax bilaash laguma helo. Dh: badhax, xariir, bera.
barax -a: (magac, lab, keli) bibbadka baraarka, siiba markuu abab yahay ee ay hurdo la tagto ama ka reebto maqasha. Baraxa ka ilaali naylaha yaryar. Dh: baydad, fakad, badhax.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Basra
name-f town of Basra; bright, sweetness. Lit: sweet like dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Basra
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo u eg timirta magaalada Basra ee dalka Ciraaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batac
m.l la-mid: butuc (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batac
(tilmaame) aan caato ahayn, hilib leh. Wiil yar oo batacay xambaarsanayd. Dh: shilis, buuran, naaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayre
-ha: (magac, lab, keli) cidlajoog ama gooni daaq. Sida geriga bayraha ah bay bucusha laacdaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax toos u socday, dhinac u weecin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax toos u socday, dhinac u weecin. m.f.dh, bayrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayri
v. turn aside; make someone deviate, change direction, withdraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayri
(fal) eryo oo adoo ka cabsiinaya meel dheer u orodsii. Ugaadha ha innaga bayrin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayri
de: turn aside; make s.o. deviate, change direction, withdraw
lx: bayri
pd: (bayriyey)
ps: v2a=tr
key: bayri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayac
(Dayac-a)
Aan sidii la rabey oo ekayd loo ilaalin; iskulladid.