baylihis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylihis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baylihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylihi
f.g2 (-iyay, -isay) Hanti baylah ka dhigid. la-mid: baylehee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baylihi
v. leave something unattended, unguarded ~ out in the open
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylihi
(fal) ha ilaalin, ha dhawrin. Xoolaha ha baylihin ka ilaali dugaagga. Dh: daranyee, cidlee, dayac. Li: ilaali, daranyodhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baylihi
a: baylehee [v2b]
de: leave s.t. unattended, unguarded ~ out in the open
lx: baylihi
pd: (baylihiyey)
ps: v2a=
key: baylihi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylihid
-da: (magac, dhedig, keli) baylah dayacan noqosho. Baylihidda iyo daranyada maalkaaga ka ilaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylihin
m.f.dh eeg baylihi. la-mid: baylahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylihin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti dhayalin oo ilaalin la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halladaado
(Halladaada-da)
Baylihis, baylah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhaw
(fal) beddelka wax aad hallaysay ama aad baylihisay oo xoola ah iska bixi. Xoolihii kugu hallaaba iska magdhaw. Dh: kafal, magdhow.
magdhaw -ga: (magac, lab, keli) hanti laga bixiyo bedelka wax la halleeyey ama la baylihiyay ee halakooba oo la siiyo cidda hantida lahayd. Nikii baabuurkaa laga xaday aqalbaa magdhaw loo siiyay. Dh: kafalo, magdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylis
m.l la-mid: baylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylis
-ta: (magac, dhedig, keli) bayl ka dhigid. Baylistaba biyaha dabbaa lagu shidaa taniyo Cali berigiiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinicii loo socdey maahee dhinac kale u kicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylahtir
-ka: (magac, lab, keli) daranyada ka dhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylihitaan
-ka: (magac, lab, keli) dayacnaanta iyo cidla ku dhacitaan. Baylihitaan ha uga baqan geela intaan noolahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayli
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo aad u karkarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayli
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo aad u karkarin. m.f.dh, baylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayli
v. boil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayli
-yey -say: (v) boil something, especially water ~ karkari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayli
(fal) biyo kulayli ilaa intay la karayaan kulyal dartii 100° derejo. Baastada intaanad ku ridin dheriga bayli biyaha. Dh: faxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayli
de: boil
lx: bayli
nt: baylin (ta) [vn-f], baylis (ka) [vn-m]
pd: (bayliyey)
ps: v2a=tr
key: bayli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidis
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeris iyo gargaar dhan walba noqon kara. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahis
m.l la-mid: baahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąahis
m.l la-mid: bąahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahis
-ta: (magac, dhedig, keli) ballaadhashada. iyo faafidda wax meel keli ah ku kaabnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalis
bąalis: m.l la-mid: bąalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfis
balfis: m.l la-mid: balfin.
bąlfis: m.l la-mid: bąlfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balfis
-ka: (magac, lab, keli) balfin ama hawaysiin. Balfiska bariis kulul waa lama huraan. Dh: babbis, hufkis.
balfis -ka: (magac, lab, keli) balfin ku samayn, si dadab ah u leexis, balfis bay ahayd fallaadhii faraha goysay. Dh: dalfis,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg balqin.
balqis -ka: (magac, lab, keli) kolka neef shinkiisa dhalmadu buuxsamo ee sibiishu dabacdo qaskuna hoos u go'o. Sacu wuu dhowyahay balse balqis kama muuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwis
-ka: (magac, lab, keli) reen dibiga qooqan ama sac oomani sameeyo. Dh: bunnaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxis
-ka: (magac, lab, keli) geela oo laga haqab tiro ceel dhane ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariis
(Bariis-ka)
Bariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariis
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARIIS
(Baris) All.Som. Oriza sativa L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariis
-ka: (n) rice (raays) ~ bariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariis
a: bariid; staple of northern Somalia
de: rice
lx: bariis
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bariis
أرز
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhi
(fal) wax meel aan la la rabin u socda, gees u du'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baylah
(Baylah-da)
Wax cidla' jooga oo aan la ilaalina hayn; aan cidi la joogin; dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylah
m.dh 1. Meel cidla ah oo cabsi leh. 2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baylah
m.dh 1. Meel cidla ah oo cabsi leh. 2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baylah
f. n./m: something left unattended ~ unguarded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baylah
-da: (n) the state of being neglected or left unattended
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baylah
Abbandono
Abandonment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylah
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan baylahtirrayn oo dayacan. Baylah bahalkuba wuu cunaa. Dh: dayac.
baylah: (tilmaame) xoolo ciddii ilaaladeeda u xilsaarnayd ka baaqsatay oo dayacan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baylah
de: s.t. left unattended ~ unguarded
lx: baylah
pd: (-da ~ -a)
ps: n0-f/m
key: baylah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylid
m.f.dh eeg bayl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kululaansho, wax bayl ah oo karaya noqosho. Biyuhu baylidda badan way ku uumibaxaan. Dh: baylis,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylin
m.f.dh eeg bayli. la-mid: baylis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo heer karis gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baytis
m.l la-mid: baytin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliis
m.l la-mid: boliis.

boliis
m.l Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal qaabbilsan. la-mid: bileys, biliis, booliis, buliis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boliis
m.l Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal qaabbilsan. la-mid: bileys, biliis, booliis, buliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boliis
m. n. police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boliis
-ka: (n) police (poliis); cop (kaap); constable (konis-tibal) ~ booliis, askari
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boliis
a: booliis {Eng}
de: police
lx: boliis
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: boliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buliis
m. n. police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buliis
-ka:(n) 1. police officer (poliis o-fiser)-, cop (kaap)-, constable ~ booliis, boliis 2. police station
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buliis
a: boliis {Eng}
de: police
lx: buliis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: buliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laylis
m.l la-mid: laylyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laylis
vl. n. exercise, drill, training
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laylis
-ka: (n) exercise (eksersaayz); drill (diriil)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laylis
Addestramento iniziale
Initial training
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laylis
-ka: (magac, lab, keli) eeg layli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laylis
de: exercise, drill, training
lx: laylis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: laylis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylis
m.l la-mid: qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayiis
m.l (-syo, m.dh) Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. la-mid: rayiisle (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rayiis
m.l (-syo, m.dh) Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. la-mid: rayiisle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiis
-ka: (magac, lab, keli) meesha timaha lagu jaro. Dh: rayiisle, barbayeeri, timajare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflixis
m.l la-mid: aflixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflixis
-ka: (magac, lab, keli) cid waxbarasho ku jirta, in ay ku guulaysato u horseedid.
aflixis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aflixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) baadigoobidda wax maqan oo la tebayo.
baadhis -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah xiddigaha Soomaalidu ka awaalasheegaan. Waxay isgarab yihiin ururka iyo agaallicaanoodka. Xiddigtii baadhis caaway soo baxday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baariis
pr. n., loc. Paris
Baariis pr. n., [feminine] Paris
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baariis
(n) Paris (peeris); the capital and largest city of France
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baldhin
-ka: (magac, lab, keli) u hiloobidda iyo xiisaha wax kuu qabta. Baldhin baa ii haysa, Burco inaan tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiis
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku ridid. Dh: cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiis
m.l la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiis
-ka: (magac, lab, keli) noole, wax bakhtiyay ka dhigiddiis. Bakhtiiska ayuu dalxawgu ku ba'as yahay. Li: noolayn.
baqtiis-ka: (magac, lab, keli) wax shidan demintiis. Nalka baqtiiska badan ka daa. Li: daaris, shidis. Dh: demin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsiis
(Baxsiis-ka)
1. Ceel cusub oo kolkaas la qoday.
2. Ceelkaas biyihiisa.
3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex bixiyo, laga soo dhex saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsiis
m.l (-yo, m.dh) 1. Ceel cusub oo markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex saaro. 4. la-mid: bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxsiis
m.l (-yo, m.dh) 1. Ceel cusub oo markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex saaro. 4. la-mid: bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsiis
m. n., [compound] new well; water from a new well; anything that is extracted from something else
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsiis
-ka: (magac, lab, keli) ceel cusub, markaas uun la qoday, ceelkaa biyihiisa, wax kasta oo wax laga soo dhex bixiyo ama laga soo dhex saaro.
baxsiis -ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo wax kale laga soo dhexsaaro ama laga soo dhexbixiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsiis
de: new well; water from a new well; anything that is extracted from s.t. else Opp: habac
lx: baxsiis
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: baxsiis
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baydhid
Deflection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinicii loo socdey ma ahee dhinac kale u kicid. Dh: weecad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhin
-ta: (magac, dhedig, keli) dawga ka leexin oo dhan u weecis. Baydhinta ka daa oo gaadhiga saanigaa eryo. Dh: baydhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayidid
m.f.dh eeg bayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayliso
-da: (magac, dhedig, keli) daasad ama tanag lagu bayliyo biyaha oo ay isticmaalaan makhaayaduhu. Baylisada dabka saar.
bayliso -da: (magac, dhedig, keli) qalab lagu diiriyo ama bayliyo biyaha oo lagu sameeyo aqallada waddamada qabaw. Dh: kulayliso, diiriso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayluli
-da: (magac, dhedig, keli) gogol ka samaysan cawda oo darmada ka yara weyn. Bayluli ninkii loo goglaa saw caato goosan maayo. Dh: darfooley, salli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booliis
m. n. police man; police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booliis
ka: (n) 1. police officer (poliis o-fiser); cop (kaap); constable. 2. police office ~ saldhig booliis