baydhbaydhsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhsi
-ga: (magac, lab, keli) kolba dhan u leexleexin wax la wado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydh
(fal) leexleexo oo kolba dhan u baydh. Markaad cararayso baydhbaydh.
baydhbaydh -ka: (magac, lab, keli) ninka fulaha iyo geesiga u dhexeeya. Fule wuu baxaa laakiin baydhbaydh ma baxo.
baydhbaydh-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u leexadka iyo weecweecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u leexleexasho. Baydhbaydhid nimaan aqoon iyo waxaan ahay qummane toosoone.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baydh- baydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhi
(fal) barwaaqo iyo liibaan gaadhsii. Badhaadhi Allahayow maatida baradu ka xumataay. Dh: baraari, barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhaysi
-ga: (magac, lab, keli) geedka maraaga, gaydhe yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhbadhle
-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanqadha 'badhbadh' ee soo celcelisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydhhaydh
-ka: (magac, lab, keli) waxa meel fog laga arko oo aan si fiican u muuqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhsaydh
(fal) daadaadi oo bulqaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) socod waaxwaaxsi ah oo tartarrada la kala fogeeyo sidii wax gudaha dhawraya. Dh: waadhwaadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadhwaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo. Waadhwaadhsiga iska daa oo si fiican u soco. Dh: waaxwaaxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhitaan
-ka: (magac, lab, keli) leexleexasho iyo luuqluuqmar. Baydhbaydhitaan badan malaha laakiin wuu barjeeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadis
m.l la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama dhibaato kale ka samatabixis. Doonni ayaa loo diray badbaadista dad ay doonni la rogmatay. Dh: samatabixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. la-mid: badbaadayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badbaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. m.f.dh, badbaadsasho. la-mid: badbaadayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadso
(fal) waxaaga samatabaxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhe
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo liibaan. Badhaadhe iyo baahila'aan ku noolaw. Dh: baraare, guul, barwaaqo, farxad, ladnaan, raynrayn, sareedo, liibaan. Li: basanbaas, luufluuf, saxariir, saranseer.
badhaadhe -ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah khudaarta dheriga lagu daro oo ah budhuq dhulka hoostiisa ku samaysanta oo buurbuurn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadho
-ha: (magac, lab, keli) eeg badhaadhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaq
(ereycodeed) tusmeeya shanqadha uu sameeyo wax jelicsan oo meel ka soo baxaya neefi na la socoto. Dh: badhbadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhankaad u Socotay maahee dhinac kale u kacitaan. Jidka ma garanayo oday baydhasho badanaa. Dh: leexasho, weecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhsani
-da: (magac, dhedig, keli) meeshii loo socday ka baydhsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhi
(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysi
-ga: (magac, lab, keli) boodhaysad ku weysaqaadasho. Dh: gabogabaysi, booraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadhi
-ga: (magac, lab, keli) dad, xoolo ama wax kale oo si aan habaysnayn u fadhiya meelo isku dhowdhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhi
(fal) kala hadal; si cabsiyi ku jirto u hantaatac. Dh: wataatac.
wadhaadhi -ga: (magac, lab, keli) hadal is dhec yaac ah oo uu ku hadaaqo qof cabsanaya ama argagaxsani. Wadhaadhiga jooji oo calool adkaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhi
(fal) qof sumoobay ama bahali qaniintay dawo sii. Dh: balaladi, xaraari.
xadhaadhi: (fal) sumayn aan lagu dhiman ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhi
(fal) wixii yaalba dhammee oo faaruqi. Tukaanka xandhadhi oo leexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhay
(fal) barwaaqo ka dhig oo liibaan u horseed. Allahayoow dalka noo badhaadhay. Dh: badhaadhee, baraaree, barwaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhee
(fal) eeg badhaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan gaadhsiin; barwaaqo iyo ladnaansho gaadhsiin. Badhaadhin ma helo ninkii caasiyee beenshay Nebigiiye. Dh: baraarin, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhow
(fal) barwaaqo iyo raaxo ku noolow.
badhaadhow -ga: (magic, lab, keli) barwaaqo iyo nabad ku maashoobid; badhaadhe iyo bashbash la kulmid. Dh: barwaaqaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) firkisashada wax duubnaa ama koobnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhti
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhqadh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BADHI-BADHI
(Badi-badi) S, May Rottboellia cochinchinensis (Lour) Clayton. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadhwaadhso
(fal) si isdhawrid ah oo lugaha aad kala fogeynayso u soco. Sida wiil la guday buu u waadhwaadhsanayaa. Dh: waaxwaaxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhacaydhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo irmaan oo qof haysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdabadhiile
-ha: (magac, lab, keli) lugta qaarkeeda sare; halka ay badhida iyo bawdadu iska galaan. Dh: bawdabariile.