baydhbaydhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baydh- baydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u leexleexasho. Baydhbaydhid nimaan aqoon iyo waxaan ahay qummane toosoone.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydh
(fal) leexleexo oo kolba dhan u baydh. Markaad cararayso baydhbaydh.
baydhbaydh -ka: (magac, lab, keli) ninka fulaha iyo geesiga u dhexeeya. Fule wuu baxaa laakiin baydhbaydh ma baxo.
baydhbaydh-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u leexadka iyo weecweecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhsi
-ga: (magac, lab, keli) kolba dhan u leexleexin wax la wado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydhbaydhis la'aan; toos iyo horay u socosho.
hagaagitaan-ka: (magac, lab, keli) sidii la rabay noqosho; qummanaansho iyo toosni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhitaan
-ka: (magac, lab, keli) leexleexasho iyo luuqluuqmar. Baydhbaydhitaan badan malaha laakiin wuu barjeeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadis
m.l la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama dhibaato kale ka samatabixis. Doonni ayaa loo diray badbaadista dad ay doonni la rogmatay. Dh: samatabixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhi
(fal) barwaaqo iyo liibaan gaadhsii. Badhaadhi Allahayow maatida baradu ka xumataay. Dh: baraari, barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan gaadhsiin; barwaaqo iyo ladnaansho gaadhsiin. Badhaadhin ma helo ninkii caasiyee beenshay Nebigiiye. Dh: baraarin, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhbadhle
-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanqadha 'badhbadh' ee soo celcelisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydhhaydh
-ka: (magac, lab, keli) waxa meel fog laga arko oo aan si fiican u muuqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhsaydh
(fal) daadaadi oo bulqaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) labo meelood, u kala weecasho. Dh: kalabayris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhfaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faadhfaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u tegtegis; ku noqnoqosho oo ka warhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babacdhig
babacdhig¹: m.l la-mid: babacdhigid.
babacdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babacdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid. m.f.dh, babacdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babacdhig
(fal) «u» iska caabbi; u jilibdhig. U babacdhig dhib kaste oo ku soo mara. Dh: difaac jilibdhig, horjoogso.
babacdhig -ga: (magac, lab, keli) «u iska caabbinta iyo u jilibdhigga col ama hawl adag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadid
-da: (n) survival (sar vaay val); the act or process of surviving ~ badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgalka laga nabadgalo dhibaato iyo col. Badbaadidda lama gartee, Allow adu noo jidbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badbaadin
(Badbaadin-ta)
Badbaado siin; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadin
m.f.dh eeg badbaadi. la-mid: badbaadayn, badbaadis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
badbaadin
to save
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbaadin
vl. n. safeguarding, act of caring for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadin
-ta: (n) salvation (saal veey shan) ~ badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo col la filayay ka ilaalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbaadin
de: safeguarding, act of caring for
lx: badbaadin
pd: (-ta)
ps: vn-f
xe: An infant needs caring for.
xv: Dhallaanku badbaadin buu u baahanyahay.
key: badbaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhe
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo liibaan. Badhaadhe iyo baahila'aan ku noolaw. Dh: baraare, guul, barwaaqo, farxad, ladnaan, raynrayn, sareedo, liibaan. Li: basanbaas, luufluuf, saxariir, saranseer.
badhaadhe -ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah khudaarta dheriga lagu daro oo ah budhuq dhulka hoostiisa ku samaysanta oo buurbuurn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadho
-ha: (magac, lab, keli) eeg badhaadhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaq
(ereycodeed) tusmeeya shanqadha uu sameeyo wax jelicsan oo meel ka soo baxaya neefi na la socoto. Dh: badhbadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhankaad u Socotay maahee dhinac kale u kacitaan. Jidka ma garanayo oday baydhasho badanaa. Dh: leexasho, weecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhsani
-da: (magac, dhedig, keli) meeshii loo socday ka baydhsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhi
(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadhi
-ga: (magac, lab, keli) dad, xoolo ama wax kale oo si aan habaysnayn u fadhiya meelo isku dhowdhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhaysi
-ga: (magac, lab, keli) geedka maraaga, gaydhe yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhi
(fal) kala hadal; si cabsiyi ku jirto u hantaatac. Dh: wataatac.
wadhaadhi -ga: (magac, lab, keli) hadal is dhec yaac ah oo uu ku hadaaqo qof cabsanaya ama argagaxsani. Wadhaadhiga jooji oo calool adkaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhi
(fal) qof sumoobay ama bahali qaniintay dawo sii. Dh: balaladi, xaraari.
xadhaadhi: (fal) sumayn aan lagu dhiman ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhi
(fal) wixii yaalba dhammee oo faaruqi. Tukaanka xandhadhi oo leexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhay
(fal) barwaaqo ka dhig oo liibaan u horseed. Allahayoow dalka noo badhaadhay. Dh: badhaadhee, baraaree, barwaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhee
(fal) eeg badhaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhow
(fal) barwaaqo iyo raaxo ku noolow.
badhaadhow -ga: (magic, lab, keli) barwaaqo iyo nabad ku maashoobid; badhaadhe iyo bashbash la kulmid. Dh: barwaaqaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhis
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baxsan ka dhigid. Dh: ballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahardaad u fadhiisi. Balwaadhis baad u fadhidaa sarakacoo kaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhig
f.lg1 (-gay, -gtay) Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iyo wixi lamida isu eegid. la-mid: isbarbardhig².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbardhig
f.lg1 (-gay, -gtay) Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iyo wixi lamida isu eegid. m.f.dh, barbardhigid. la-mid: isbarbardhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbardhig
v., [compound] put side by side, compare (one thing to another)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbardhig
-ay / tay: (n) 1. place or put aside ~ dhinacdhig. 2. compare (kom-peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhig
-ga: (magac, lab, keli) «is ~ kolka laba walxood ama laba noole la is garab dhigo, si loo ogaado waxa ay is dheeryihiin. Barbardhigga labada buug sax ma ahayn.
barbardhig: (fal) labo walxood is garabdhig, labada dhinac isu saar. Barbardhig dhiilka haanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbardhig
de: put side by side, compare (one thing to another)
lx: barbardhig
pd: (barbardhigay)
ps: v1=cmp
key: barbardhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrbayrid
-da: (magac, dhedig, keli) miyirsi la'aan kolba dhan u cararid. Bayrbayridda iska daa oo meel ku ekow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaadi karo, kolba kor u tuuris.
bidhbidhid-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhsa badan u iftiimid oo haddana markiiba u demid. Bidhbidhid tiriiggu waa marka uu gubanayo. Dh: dhaldhalaalid, birbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhfadhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is haystay ama isku yaallay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhmadhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid oo xadka dhaafid. Wiilyar oo madhmadhid sanka la taagaya ayaa gabadha caayay. Dh: kibrid.
madhmadhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u qudhmid oo urid. Harag la aasay madhmadhid ka sug. Dh: qudhmid, qurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhoodhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madhoodhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaamis
m.l la-mid: maydhaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) qabaw ama xummad darteed la gariirid. Dh: jarayn, jarcayn, burunjiyeyn, qarqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawdhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillaacid. Qawdhadhidda cagaha dhaxantaa keenta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof bahali qaniintay ama sumoobay wax xadhaadhka bi'iya siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) idlayn oo wixii yaalba wada qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BADHI-BADHI
(Badi-badi) S, May Rottboellia cochinchinensis (Lour) Clayton. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax tilmaan ama calaamad u noqda wax kaa lumay oo aad raadinayso. Dh: birbiriso.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo fadhis
Marsh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-fadhis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-fadhis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabool ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho: kala leexasho. Dh: kalabayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhfaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul aasan qodqodid oo soo qufqufid; faadhid oo hadana mar kale faadhid. Dh: baadhbaadhitaan, faarfaarid, faarfaaris, qufitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku noqnoqosho; meel tegtegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhacaydhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo irmaan oo qof haysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdabadhiile
-ha: (magac, lab, keli) lugta qaarkeeda sare; halka ay badhida iyo bawdadu iska galaan. Dh: bawdabariile.