baybaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysi
m.l la-mid: baybaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybaysi
-da: (magac, dhedig, keli) dacwad aan wada run ahayn. Baybaysiga ha rumaysanin ee hubi waxan ku sheegay. Dh: bihinbihis.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) ku jeestayn ama ku tiiqtiiqsi. Baybaysiga iga daa. Dh: tiiqtiiqsi.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) oohin ama wax jeclaan aan run ahayn baruurteeda aadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybayso
f.g3 (-saday, -satay) Waalid sasabasho (carruur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysi
m.l la-mid: bahaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaysi
-ga: (n) 1. a connection based on motherly kinship. 2. alliance (a leey ansi)~ isbahaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybayr
-ka: (magac, lab, keli) fulaynimo meelna la la qaban waayo oo xad-dhaaf ah. Baybayrka fulaynimadiyo rag baa bawdka hoos galaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybasi
m.l la-mid: haybadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysi
(Labaysi-ga)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysi
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg labaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaysi
-ga: (magac, lab, keli) jidh maydhasho. Saabuun ayaa qabaysiga loogu talagalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan hilib lahayn oo wayd ah. Xayaysi la lama borotomo. Dh: caato, xiidxiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysi
m.l la-mid: baasaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaysi
m.l Wax shar leh aaminid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaysi
- ga: (n) pessimism (pese miizem); a negative approach ~ baase-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysi
-ga: (magac, lab, keli) rumayn la rumeeyo in shay uu mar walba xumaan horseed u yahay. Baasaysiga qambaarku waa xujo aan daliil loo hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis iyo ka naxsasho ku lammaan tahay oo gabdhaha lagu sabo kana dhigan 'walaal'. Dh: beerlaxawsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadsi
-ga: (magac, lab, keli) biirbiirsasho wixii xaq loo lahaa wax lagu darsado. Dh: korodhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kasta yaalla oo uu iibkiisu aad u riqiisay ama xoog u jabay. Badhaysiga jaadka, miyaan mijin boobay! Dh: badhayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bannaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysi
m.l la-mid: baryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysi
-ga: (magac, lab, keli) sadaqaysi wax la tuugsado. Dadku baryaysiga way kugu nacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybayle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: bayrabayre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beybeysi
-ga: (magac, lab, keli) oohin been ah oo looga jeedo beerlaxowsi is bihinbihis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysi
m.l la-mid: gambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ganbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysi
(Ganbaysi-ga)
Ganbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybayso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: haybadeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysi
(Kabbaysi-ga)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysi
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) caano labo qof midba mar cantuugayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysi
m.l la-mid: rabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rabbaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrbayrid
-da: (magac, dhedig, keli) miyirsi la'aan kolba dhan u cararid. Bayrbayridda iska daa oo meel ku ekow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybadeysi
m.l la-mid: haybadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysi
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg alaabaysad. alaabayso: (fal) aqal, xafiis ama wax kale, u alaab guro oo qalabayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaysin
m.l la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysin
-ka: (magac, lab, keli) cunug afartanbaxay gardaadin oo tunka ku qaadid. Ballaynta cunugga Buraale bootin dheere u daaya.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) bannaanka aqalka hortiisa oo ood ama dhagax lagu soo wareejiyo; aqalka hortiisa oo si fiican loo goglo ama loo kashkaasho. Ballaysinka noo hagaaji oo gogol. Dh: ardaa, daarad.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) hasha dharaska badan leh halka loogu faadhumeeyo ee lagu liso. Ballaysinka gee toojada.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) wax kula kowsada dabadeedna kula xidhiidha oo aan kaa hadhin. Ballaysin bir ka adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) (is ~) Carab ahaan isu urursasho; Carab ahaan isu raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casabaysi
m.l la-mid: casabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casabaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) eeg casabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid. m.f.dh, dambaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaysii
(fal) ha laga horreeyee u dambaysii; xagga dambe gee. Hadalkaaga dambaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhaylo cunid baarlamaankii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gagabaysi
-ga: (magac, lab, keli) farsamo salaadda lagu bannaysto oo lagu daahirsado haddii biyo la waayo ama la isticmaali kari waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysi
m.l la-mid: galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg galabaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhaysi
-ga: (magac, lab, keli) geedka maraaga, gaydhe yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysi
(Halabaysi-ga)
Halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysi
m.l la-mid: halabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarsi
m.l la-mid: haybaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysad
m.l la-mid: haybadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybqaybi
(fal) wax tirsama ama miisaanma, dad badan u kala soor soor; qayb qayb ka dhig. Dh: soor soor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaysni
-da: (magac, dhedig. keli) eeg waabaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysasho
m.f.dh eeg baybayso. la-mid: baybaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciid ku waysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leebabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) marka cadceedu sii dhacayso ee ay fallaadhaha cirka ku baahiso. Leebabbaysi bay qoraxdu ku dhawdahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babay
-ga: (magac, lab, keli) nooc khudradda la cuno ka mid ah oo dusha diir laga qaado ku leh boostana baruur huruud ah iyo iniinyo yaryar oo kawa filfisha u eg ku leh Dh: mafafaay, babbaay, cambefilfil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaydi
v. wean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaydi
-yey -say: (n) wean (wiin); accustom [the young camel] to take nourishment other than by suckling ~ naas ka goyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaydi
de: wean
lx: abaydi
pd: (abaydiyey)
ps: v2a=
key: abaydi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabsi
(Baabsi-ga)
Baadi cid kale leedahay oo, xadid darteed, loo suntado, loo summadrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsi
m.l la-mid: baabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabsi
m. n. stray animal belonging to someone else that is stolen and rebranded; bad example (leading someone astray)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo cid kale oo aanad lahayn oo aad kas ugu darsato kuwaaga. Baabsiga iyo boolida joojiya. Dh: boob, dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabsi
de: stray animal belonging to s.o. else that is stolen and rebranded; [fig.] bad example (leading s.o. astray)
lx: baabsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: baabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsi
m.l la-mid: baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsi
-ga: (magac, lab, keli) wax duubnaa ama laabnaa, fidsasho oo ballaadhsasho. Dh: ballaadhsi, fidsi.
baacsi -ga: (magac, lab, keli) cid kale, aad u eryasho oo caydhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansi
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg baansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqsi
(Baaqsi-ga)
(xoolo) Aan waqtigii uu rimi lahaa, rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsi
m.l la-mid: baaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqsi
m. n., [collective] livestock that does not conceive at the expected time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsi
-ga: (magac, lab, keli) ka baaqsi - wax la qaban lahaa ama meel iyo madal ka maqnaansho.
baaqsi -ga: (magac, lab, keli) neef xilligii uu rimi lahaa tebiyay oo aan rimin. Dh: tebis. Li: rimay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqsi
de: livestock that does not conceive at the expected time
lx: baaqsi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: baaqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbay
-ga: (magac, lab, keli) eeg babaay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacays
-ka: (magac, lab, keli) bac ku ridis. Bacays la'aan alaabta ha soo rarina.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badays
-ka: (magac, lab, keli) ceel weyn oo biyo badan. Dh: birqod. Li: goof, dhadhiin, galle, laas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambas
m.l (-syo, m.dh) la-mid: dambas.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bambas
Pampas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambay
(fal) bambo qaraxda ku tuur.
bambay: (fal) ceel, bam biyo kaga soo saar.
bambay: (fal) walax hawo ka buuxi adiga oo bam adeegsanaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbas
(ereycodeed) eeg balasbalas!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabays
-ka: (magac, lab, keli) dab u yeelis. Dabays badan weli umaad yeelin birtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habays
(Habays-ka)
Habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habays
m.l la-mid: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habays
vl. n. act of ordering, arranging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habays
-ka: (n) the act of organizing; arrangement (a-reenjiment), organization (orgizaayshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habays
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo dhigo ama loo qorsheeyo laftiisa. Habayska ayaa markii hore idinka xumaaday. Dh: qaabays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habays
de: act of ordering, arranging
lx: habays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybsi
(Haybsi-ga)
Haybsasho.