bayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayaan
(Bayaan-ka)
Muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u cad ama u qeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaan
m.l 1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayaan
m. n. (adj.): clarity, visibility; explicitness; clear
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bayaan
name-m clear, evident
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayaan
-ka: (n) manifesto (maana- festo); a public declaration; statement (isteeyt.mant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaan
-ka: (magac, lab, keli) qoraal si cad wax u sheegaya oo qeexaya ujeeddo gaar ah. Bayaan ayaa laga soo saaray arrintii lagu muransanaa. Dh: go'aan.
bayaan-ka: (magac, lab, keli) muuqaal aan waxba ku gudbanayn oo toos loo arko. Dh: caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayaan
bw: Arabic
de: clarity, visibility; explicitness; [atr.] clear
lx: bayaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax bayaan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayaani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax bayaan ka dhigid. m.f.dh, bayaanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayaani
v. clarify, define, make explicit, explain; state something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayaani
-yey say: (v) make clear or easier to understand; clarify (kalaara faay); elucidate (i-luu si dheey) ~ faahfaahi, caddee, jilci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaani
(fal) si cad oo aan madmadaw lahayn wax u sheeg. Dadka hadalka u bayaani. Dh: bayaami, qeex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayaani
de: clarify, define, make explicit, explain; state s.t.
lx: bayaani
pd: (bayaaniyey)
ps: v2a=tr
key: bayaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydaan
m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baydaan
m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayaan
(Ayaan-ka)
1. Xoog la moodo inuu dadka u keeno xumaan ama samaan; cawo; hoodo; ul; nasiib;
2. (Ayaan-ta) Qorrax-soo-baxa iyo qorraxdhaca inta u dhexaysa oo iftiinka ah; maalin; dharaar; casho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaan
ayaan¹: m.l Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.
ayaan²: m.dh (-aamo, m.l) Dharaar iyo habeenkeed; maalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayaan
ayaan¹: m.l Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo. Tusaale: Dadku kala ayaan badan.
ayaan²: m.dh (-aamo, m.l) Dharaar iyo habeenkeed; maalin. Tusaale: Ayaan hore ayaan la hadlay Faarax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ayaan
pr. n., [feminine] Ayan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaan
vl. pron. I,
ayaan [feminine] n. day; day time
ayaan m. n., [abstract] luck, fate, good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ayaan
name-f luck, fate, good fortune. Syn: Cawo, Nasiib, Naruuro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayaan
-ka: (n) luck (laak); fortune ~ nasiib
ayaan: (suffix): -ing: used to form the present participle of some verbs with pronoun they. Ex: way arkayaan; they are seeing, way barayaan; they are teaching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ayaan
magac loo baxsho gabadh dhalashadeeda aad loogu farxay ama la filayo inay noqoto nasiib iyo bishaaro fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaan
-ka: (magac, lab, keli) awood qarsoon iyo cawada lagu kala hormaro. Dadku kala ayaan badan. Dh: nasiib, hoodo, cawo, ul, habeen.
ayaan -ta: (magac, dhedig, keli) maalin ama dharaar. Ayaan waliba amuur u gaaray leedahay. Dh: cisho, casho, dharaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ayaan
de: Ayan
hm: 5
lx: Ayaan
ps: name-f
key: Ayaan_5
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
banaan
خارج
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaad
m.l (-do, m.l) Baaxadda awrka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaad
min ka mid ah minanka faala Magiiganaha.
bayaad -ka: (magac, lab, keli) jaad kaalluunka ka mid ah oo aan lahayn jidhif badan. Bayaad ayaanu ku qadaynay maanta. Dh: kalluun.
bayaad -ka: (magac, lab, keli) xaashi cad, baal cad oo aan wax ku qornayn. Warka iigu qor bayaad. Dh: xaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaag
-ga: (magac, lab, keli) timo aan habaysnayn oo baahbaahsan. Timahoo bayaag iyo basaas kala daatay. Dh: bayaayo, falaxfalax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydan
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay noqoto mid deggan oo toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaan
(Dayaan-ka)
1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada dayuurad kacaysa, durbaan la tuma hayo, kd.
2. Madaxwareerka la moodo in madaxa gudihiisa wax ka yeera hayaan; daryaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaan
dayaan¹: m.l 1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iyo wixi lamida ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. la-mid: daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.
dayaan²: m.l (fiisikis) Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iyo wixi lamida.
dayaan³: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Durbaan, dhul iyo wixi lamida sharqan, hugun weyn ka yeerid. la-mid: daryaan², diryaan², diyaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayaan
dayaan¹: m.l 1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iyo wixi lamida ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. la-mid: daryaan, diryaan.
dayaan²: m.l (fiisikis) Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iyo wixi lamida. m.f.dh, dayaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaan
v. rumble, make a loud noise
dayaan v. become dizzy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayaan
-ka: (n) 1. echo (eekow) ~ jabaq-celis. 2. —dayaan dayaamay/ dayaantay: (v) disoriented (dis-oori-yentidh); dizzy (diisi); feel dizzy ~ dayoob. Ex: waan dayaamay; I become dizzy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dayaan
magac ka mid ah magacda Ilaahay oo uu macnihiisu yahay 'kelidii waare'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaan
-ka: (magac, lab, keli) dhawaaq dheer oo meel ka baxa. Dh: cod, daryaan.
dayaan -ka: (magac, lab, keli) jabaqnoqodka shanqadha ee ay soo celiyaan walxaha jabaq magudbiyayaasha ah sida darbi, qar laageed ama babac buureed.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fayaan
name-m joy. Syn: Farxiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaan
(fal) murqaan dareen; firfircooni saa'id ah yeelo.
fayaan -ka: (magac, lab, keli) mirqaanka la dareemo marka qaad iyo wax la mid ah la cuno. Dh: mirqaan. Li: caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gayaan
°(Gayaan-ka)
Geyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayaan
m.l.kh G. ah: laba qof oo guurkooda is cuntamo; kuf. la-mid: geyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gayaan
m.l.kh G. ah: laba qof oo guurkooda is cuntamo; kuf. la-mid: geyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gayaan
m. n. socially-eligible marriage partner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gayaan
-ka: (n) age group, peer (piiyer) group ~ geyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayaan
-ka: (magac, lab, keli) nidaamka labo qof oo lab iyo dhedig ah isku guursan karaan oo xalaal iskugu yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gayaan
de: socially-eligible marriage partner
lx: gayaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: geyaan
key: gayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaan
(Hayaan-ka)
Geeddi dheer oo dhib badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaan
hayaan¹: m.l 1. Dhawr geeddi, aan kala go' lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhawr geeddi oo aan kala go' lahayn meel fog ugu guurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayaan
hayaan¹: m.l 1. Dhawr geeddi, aan kala go' lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhawr geeddi oo aan kala go' lahayn meel fog ugu guurid. m.f.dh, hayaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaan
m. n. long journey, hard trek, migration
hayaan v. make a long journey ~ hard trek, migrate to a better place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hayaan
name-m long journey, hard trek, migration. Lit: he who was born during a long journey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hayaan
-ka: (n) a long journey in search of rain and pasture for the livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hayaan
magac loo baxsho wiil dhashay xilli uu reerku geeddi dheer ku jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaan
(fal) meel fog oo dhul abaar ihi ka sokeeyo, u guur. Dh: kaynaan.
hayaan -ka: (magac, lab, keli) geeddi dheer oo maalmo qaata. Reerahan hayaanka u baxee meder ku huugaamay. Dh: qayaad, dalandool, kaynaan, callad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rayaan
magac hableed oo laga soo qaatay albaab Jannada ku yaal oo dadka soomaa ay ka galaan.
Rayaan -ka: (magac, lab, keli) albaabbada Jannada mid ka mid ah oo dadka soo soomay gaar u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayaan
(tilmaame) qof cokan ah. Dh: dheregsan.
rayaan -ka: (magac, lab, keli) dhereg buuxa oo gaajo u dhawayn; calooshu u buuxdo. Dh: dhereg. cokanaan, dheregsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arag-qumin
m.dh (daawo) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadyaal
m.l.kh C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. la-mid: caadiyaal.

cad
cad¹: m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iyo wixi lamida ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
cąd: m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iyo wixi lamida ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasiix
m.l.kh 1. F. ah: qof hadalka si fiican u jeedin yaqaan. 2. Hadal bayaan ah oo si qeexan loo yiri.

hadalcun
m.l Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.

haghag
haghag¹: m.l Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. la-mid: haghago.
haghag²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: haghaglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.

tifaftir
tifaftir¹: m.l la-mid: tifaftirid.
tifaftir²: f.g1 (-ray, -rtay) War iyo wixi lamida si bayaan ah oo qeexan u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragqumin
m.dh (daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadyaal
m.l.kh C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. la-mid: caadiyaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cad
cad¹: m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iyo wixi lamida ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa. m.f.dh, caddaan².
cąd: m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iyo wixi lamida ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid. m.f.dh, daahirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasiix
m.l.kh 1. F. ah: qof hadalka si fiican u jeedin yaqaan. 2. Hadal bayaan ah oo si qeexan loo yiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalcun
m.l Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haghag
m.l Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. la-mid: haghago.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaraar caddayn ah soo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaanin
m.f.dh eeg bayaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) si cad oo aan madmadaw lahayn wax u sheegid. Runtu bayaaninta ayay ku fiican tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baylahan
f. n., [collective] animals, livestock ~ belongings left unguarded; neglected
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baylahan
de: animals, livestock ~ belongings left unguarded; neglected
lx: baylahan
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: baylahan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aysaan
de: you all are doing (X)
lx: -aysaan
ps: v1-2pl-prpg
key: -aysaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-nayaan
de: they are doing (X)
lx: -nayaan
ps: v2a-3pl-prpg
xe: they are boiling it
xv: karinayaan
key: -nayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ba'naan
(Ba'naan-ta)
Wax ba'an ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba'naan
m.f.dh eeg ba'an. la-mid: ba'naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'naan
-ta: (magac, dhedig, keli) bugtaan xoog ah; sakaraad iyo xaalad xun. Aabbo ba'naan ayaan kaga imid. Dh: liidasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ba'naan
de: wrongness, suffering, the experiencing of tragedy
lx: ba'naan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: ba'naan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaraan
m.l la-mid: baarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraan
-ka: (magac, lab, keli) wax walba intiisa sare. Baaraanka qaado, laakiin badhka kale anigaa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaal
-ka: (magac, lab, keli) darxumo badan; ba' iyo hoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babaano
-da: (magac, dhedig, keli) si digtooni iyo ilaashiinyo ku jiraan u dhawrid; degganaansho iyo qun yar u wadid. Babaano ku wad baabuurka.
babaano -da: (magac, dhedig, keli) waxtar siin iyo garabjoogsi. Babaano nin baahan baa garane, Eebboow noo gargaar. Dh: taageero, garabgal.
babaano -da: (magac, dhedig, keli) qalabka lagu dagaallamo oo qarxa. Waxa uu leeyahay qaabab iyo awoodo kala duwan. Dh: bam, bambaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badnaan
(Badnaan-ta)
Wax badan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badnaan
m.f.dh 1. la-mid: badnaansho, badni. eeg badan². 2. (fk) Ugu b.: ugu weyn, ugu sarraysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badnaan
m.f.dh 1. la-mid: badnaansho, badni. eeg badan². 2. (fk) Ugu b.: ugu weyn, ugu sarraysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badnaan
f. n., [abstract] (adj.): multiplication; increase, increment; proliferation; abundance; abundant, numerous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badnaan
-ta: (n) abundance (a ban densi); a great or plentiful amount ~ tiro badnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badnaan
-ta: (magac, lab, keli) wax aanay tiradiisu yarayn; ahaanshaha wax tiro badan. Li: yaraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badnaan
de: multiplication; increase, increment; proliferation; abundance; [atr.] abundant, numerous
lx: badnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: badnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badraan
m.l/dh (-nno, m.dh) Qof isla weyni iyo kibir badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badraan
m.l/dh (-nno, m.dh) Qof isla weyni iyo kibir badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraan
-ka: (magac, lab, keli) cid gardarro iyo kibir badan. Dh: batraan, cawaandi, kibraanni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badyaal
(tilmaame) waxaan qarsoonayn oo aanu muran ku jirin.