baxdoy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxdoy
m.l la-mid: baxdow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdo
-da: (magac, dhedig, keli) markay cadceeddu soo baxdo. Baxdo iyo dhacdo maan fadhiisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxdow
(Baxdow-ga)
Faras dheerayn caan ku noqday; aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsan ama ka soo dhex baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxdow
m.l Faras aad u dheereya oo aan fardaha la mid ahayn ee ka baxsan. la-mid: baxdoy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxdow
m. n. fast horse; horse of excellent quality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdow
-ga: (magac, lab, keli) faras caan ku noqday orod oo aan fardaha la siinnayn. Xiinfiniin baxdow buu ahaa fardo ka sarreeya. Li: magaan.
baxdow -ga: (magac, lab, keli) neef dibadgaloobay oo orodka dheereeya. Banankaan ordaa sidii baxdow bahal ka rooraaye.
baxdow -ga: (magac, lab, keli) qof dhallinyarada ka soo baxa oo ka dhex muuqda. Baxdow Wiilwaal baa ahaa waran waabin kari waayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxdow
a: baxdoy (ga) [n7-m]
de: fast horse; horse of excellent quality
lx: baxdow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: baxdow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxdownnimo
m.dh Baxdow ahaansho (faras). la-mid: baxdoynnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdoow
(fal) noole faraha ka baxay noqo. Bargaabkii wuu baxdoobay. Dh: baxaayoow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bado
f.mg3 (-atay, -adatay) Wax tiradooda kordhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bado
f.mg3 (-atay, -adatay) Wax tiradooda kordhid. m.f.dh, badasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bado
v. increase, multiply
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bado
(fal) noqo wax intii uu hore u ahaa ka badan; noqo wax sii kordhaya ama sii tarmaya. Bado oo belaaya Eebbe kuma tuso dadkaygow! Dh: taran, korodh, beekhaan, bullaal, biir, beexaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bado
de: increase, multiply
lx: bado
pd: (batay)
ps: v3b=
xe: May his camels be plentiful!
xv: Geeliisu ha bato!
key: bado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baday
-ga: (magac, lab, keli) huudhiga yar looxa lagu wado. Badaygii badduu ku dhacay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
badly
/baadli/ (adv) si xun ama aad u daran. e.g. He was injured very badly.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badow
(Badow-ga)
Aan reer-magaal ahayn; reer-miyi; aan wax aqoon; aan ilbax ahayn; galti; khashiin; (ama Badwi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badow
m.l (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badow
m.l (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badow
m. n. countryman, rustic, country bumpkin, bedouin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badow
-gada: (n) wild (waayldh) person; rural person; uncivilized person, regarded as crude; countryman; rustic (ras tik); without arts ~ reer miyi, jungali, badwi, khashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badow
-ga: (magac, lab, keli) eeg badaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badow
a: badwi
de: countryman, rustic, country bumpkin, bedouin
lx: badow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: badow
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bando
s.m. - faafin dawladeed oo qoraal ah; naado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bandy
/daandhi/bandies, bandying, bandied; (v) 1. hadal isku tuur tuurid.(v) 2. hadal lugu soo celceliyo. e.g. I do not want to bandy words with him.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bandy
n., tukubay, -ihi.
bandy, a., qallooc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardo
-da: (magac, dhedig, keli) ul baldhaban oo madaxa ka xooodan oo gaar u ah kaxaynta geela. Bardo geel baa lagu kaxeeyaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bawdo
f. n. thigh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdo
-da: (magac, dhedig, keli) lawga iyo misigta inta udhaxaysa, ee hilibka badan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bawdo
de: thigh
lx: bawdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bawdo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bawdy
/boodhi/ (n) shaactiro wasmo ku saabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxoo
-ga: (magac, lab, keli) qof dabeecad kulul oo aan dadka la heshiin. Li: bulshaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax meel ku jirey kala bixid. 2. Nafley wax halis u ah ka cararid. 3. Ka b.: nafley halis ka badbaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax meel ku jirey kala bixid. 2. Nafley wax halis u ah ka cararid. 3. Ka b.: nafley halis ka badbaadid. m.f.dh, baxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxso
v. escape, flee, get away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxso
-baxsaday / baxsatay: (v) escape or flee one's self ~ fako
soo baxso: (v) serve yourself; help yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxso
(fal) orod oo caymad ama jaf dheh. Baxso oo buuraha ku dhuumo. Dh: carar, fako.
baxso: (fal) sadaqo la bax; hor Ilaahay wax geyso. Ilaahay dartiibuu u baxsaday baabuurka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxso
de: escape, flee, get away
lx: baxso
pd: (baxsaday)
ps: v3a=
key: baxso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandoo
m.l la-mid: bandow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandoo
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad amnixumo ba awgeed, dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka la joojiyo saacado go'an. Dh: xayiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandow
m.l Amar dowladeed oo ku xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu socon waqti go'an nabadgalyo awgeed. la-mid: bandoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bandow
m.l Amar dowladeed oo ku xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu socon waqti go'an nabadgalyo awgeed. la-mid: bandoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandow
m. n. curfew (government order); martial law
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandow
-ga: (n) curfew (ker fiyuu)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bandow
de: curfew (govern-ment order); martial law (e.g., no school, work ~ business; people must stay in their homes) {Hindi}
lx: bandow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bandow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdaw
-ga: (magac, lab, keli) faraska tababbaran ee laylyan. Baxdow waa faraskayga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxdin
vl. n. growth, act of growing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxdin
de: growth, act of growing
lx: baxdin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: baxdin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abandon
/abandhan/abandoning, abandoned; (v) ka tegid aan soo nogod lahayn ama in muddo dheer ah. e.g. You should not abandon your studies.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abandon
/abandan/ (v) ku tabow, gooyow. She abandoned her car in the snow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abandon
v.tr., daa, iska daa, nac; abandon all, wax kasta ka kaalay; do you abandon me? ma i nacaysaa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baantoy
m.l.kh la-mid: baantow.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bahdoon
name-m relative seeker; born away from home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahdoon
magac loo baxsho wiilka dhasha bahda oo reerka arrin u fadhida.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
balcony
/baalkani/ (n) 1. balakoono ama karadooyo (deyr yar oo guriga gadaashiisa ku yaal)(n) 2. kuraasta masraxa ee kor ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baldoos
m. n. bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baldoos
-ka: (n) bulldozer (buul dhoozer) ~ cagafcagaf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baldoos
de: bulldozer
lx: baldoos
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: burburiye, cirfiidad {Eng}
key: baldoos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardays
-ta: (magac, dhedig, keli) ul xagga sare ka soo godan, dhabannadana looxsan oo geela lagu kaxeeyo. Dh: ul.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brandon
brandon, n.m. - marka caws ama qori la shido si wax loogu ifiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxley
m.dh (botani) Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ubaxley
m.dh (botani) Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxley
-da: (magacwadareed) dhirta ubaxa leh oo ah muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
ubaxley -da: (magac, dhedig, keli) geedaha iniintoodu ku dhex jirto midhahooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdoobid
-da: (magac, dhedig, keli) noole farakabixid gaadha. Baxdoodbid baarqab galay geela simin waaye. Dh: baxaayoobid.