batty
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
batty
/baatti/ (adj) qof yara waalan (khafiif ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batay
-da: (magac, dhedig, keli) macdan cad oo durba shiilmi og, oo birta alluminiyumka ku bah ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
battu
battu, adj. - Dagaallamay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fatty
/faati/ (adj) baruur-leh, dufan-leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Battery
Batari
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
battery
/baattari/ (n) 1. batari (dhagxaan). e.g. I have to put new batteries into my radio.(n) 2. wax ama dad tiro badan. e.g. I must undergo a battery of tests.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Battery
Baateri Ama beteri
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
battery
/baattari/ (n) 1. batariyi. 2. wal isleh oo hoollo isly qobythaw.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
batten
v.tr., (fatten) shishlay, naaxi; (to grow fat) v.i., shishlow, naax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
batter
/baattar/ (v) 1. xoog u garaacid ilaa laga dhaawaco(n) 2. bur, ukun, iyo caano markii laysku qaso (garaaco)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
batter
/baatar/ (v) bugdhowow, hufjhiyow. The tsunami waves of 2004 battered a lot of houses to pieces. (n) 2. bur, ukung, biyi amy wang maddi lysky dhowy.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
battle
/baattal/ (n) 1. dagaal laba waddan ama laba ciidan.(v) 2. loolan (laba qolo oo iska soo horjeeda; halgan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
battle
/baattal/ (n) 1. ol, dirir (harby). 2. goob-harby. battleship/baatalship/ (n) markab-oleed.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
battle
n., dagaal, -ki, dirir, -ti, weerar, -ki, xarbi, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
battre
battre, v. - Garaacid; Tumid; Laga badiyo; ka guulaysi.
battre avec un fouet - Karbaashid.
battre le blé, le mil,etc - Balka ka ridid.
battre fort (le coeur) - wadnaha garaaciisa.
battre monnaie - tumidda lacagta; samayska lacagta birta ah
se battre - Dagaalan; Dirir; Hardamaad; Dagaal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beauty
/biyuuti/ (n) qurux.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beauty
/biyuuti/ (n) suurud.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beauty
n., qurux, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
blatte
blatte, n.f. - Baranbaro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chatty
/jaati/ (adj) hadal-badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bat
/baat/bats, bating, batted; (n) 1. ul lugu ciyaaro kubadda oo lugu tuur-tuuro. (beeysboolka). e.g. a baseball bat (n) 2. fiid-meerta. e.g. I saw a vampire bat last night. (n)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bat
/baat/ (n) 1. kibilly. 2. ully boloonighy beeysboolky lyky dheelaaw. (v) 3. ky dhowow.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bât
bât, n.m. - saalada; dhiriqda; dhabcanta; xaarka xoolaha
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bat
n., (flitter mouse) fiidmeer, -ti.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bay
Khoori
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bay
vl. pron. she / they,
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bay
/bey/ (n) 1. gacan (biyo badda ama meel kale ka go'a) (n) 2. faraska midabka kafeega ah leh.(n) 3. xudduud (meel ku xaddidid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bay
/bey/ (n) galang (meel maagnathy haku gohyng).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bay
bay! (ereycodeed) lagu tusmeeyo orod fudud oo dheereeya.
bay-da: (magac, dhedig, keli) xammaarato maska iyo abeesada u eg oo sun leh kase yara weyn.
bay-ga: (magac, lab, keli) dhul ciiddiisu jilicsan tahay oo wada siman.
bay -ga: (magac, lab, keli) askari ama cid kale oo gaadh ah.
bay: (tilmaame) midab madow. Dibi bay leh oo baadiya yaa arkay. Li: caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bay
de: she / they + [FOCUS] = baa + ay
lx: bay
pd: (bey)
ps: focus + vpro
key: bay
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bay
n., jori.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arty
/aarti/artier, artiest, artily, artiness; (adj) qofka xirfad u leh farshaxanka, fanka iwm.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
atto
s.m. - fal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baay
m.dh (xisaab) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay 3.14159... waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baay
m.dh (xisaab) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay 3.14159... waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baay
pr. n., loc. Baay [region in south west Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baay
de: Baay [region in south west Somalia] in Upper Jubba area
lx: Baay
ps: n0-loc
key: Baay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baby
/beybi/ (n) 1. ilmo caruur ah. e.g. My sister had a baby boy. (n) 2. qofka aad jeceshahay sida xaaskaaga. e.g. I like you very much, baby.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
baby
/beybi/ unug yer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bait
/beeyt/baits, baiting, baited; (n) 1. cunto lugu xiro dabin ama xarig, si kalluunku shabaqa ugu soo dhaco (callaaf, lacaaf). e.g. I needed a slice of meat to use for bait.(n) 2. qof ama shay kugu soo jiida ama kugu niyad-galiya in aad wax samayso.(v) 3. in gof aad ku ci-ciyaartid si aad uga xanaajisid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bait
/beeyt/ (n) hung-guryghy ayty (dabyng).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bait
v.tr., (a lure to entice fish ...) lacaf, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bate
v.tr., (lessen) dhin, iga dhin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bath
/baath/ (n) 1. qubays; mayrasho. e.g. I always take a bath in the morning. (n) 2. meesha lugu qubeysto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bath
/baath/ (n) 1. kordhig, bilbylishy, qobooys. 2. musqul (meel lyky kordhighythaw).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bath
n., muquurasho, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
butt
/batt/ (v) 1. madax ku garaacid 2. dabada ama gumadka wax ku dhamaado. (sidda dabada sigaarka)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
butt
/bat/ (n) 1. daab. 2. gumudky sekereedky. 3. infl. biriithy amy dubky. (v) 4. mathy ky dhowow (teesteey- ow).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
butt
n., (mark to shoot at) qiyaas, -ti, duug, -ti; the butt end or extremity of a thing, caaro, -adi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
GATT
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Watt
Waat
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
watt
/wat/ (n) waad (hal-beegga lugu cabbiro isticmaalka korontada).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
watt
watt, n.m. - Halbeeg lagu cabbiro qiyaasta quwadda korontada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-atay
de: you / she did (X)
lx: -atay
ps: v3-2sg/3f-past
xe: she died
xv: =-atey
key: -atay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'ay
erey naxdin darteed dadka, gaar ahaanna dumarka markii ba ka soo booda. Alla, ba'ay oo buulkii gubay. Dh: hoogay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baati
(Baati-ga)
Dhar jilicsan oo midabyo leh oo la tosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baati
m.l (-iyo, m.dh) Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baati
m.l (-iyo, m.dh) Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baati
m. n., [collective] batik (tie-dyed colored cloth)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baati
-ga: (n) batik (ba tiik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baati
-ga: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo midabbo leh. Baati u soo gad gabadha la aroosayo. Dh: shiid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baati
cf: dhar
de: batik (tie-dyed or colored cloth)
lx: baati
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: baati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babay
-ga: (magac, lab, keli) nooc khudradda la cuno ka mid ah oo dusha diir laga qaado ku leh boostana baruur huruud ah iyo iniinyo yaryar oo kawa filfisha u eg ku leh Dh: mafafaay, babbaay, cambefilfil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacay
(fal) bac geli oo ku duuduub; ku rid bac. Alaabtan ii bacay. Dh: bacee.
bacay: (fal) qof sas ama cabsi ku rid; wax aan jirin ku quful ama ka dhaadhici; qof shaki ku beer. Wiilkan yaa baceeyay? Dh: bacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baday
-ga: (magac, lab, keli) huudhiga yar looxa lagu wado. Badaygii badduu ku dhacay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
badly
/baadli/ (adv) si xun ama aad u daran. e.g. He was injured very badly.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bafto
(Bafta-da)
Jaad dharka la qaato ka mid ah oo cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bafto
m.dh (-ooyin, m.l) Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iyo wixi lamida laga tosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bafto
m.dh (-ooyin, m.l) Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iyo wixi lamida laga tosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bafto
f. n., [collective] white cloth, calico
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bafto
-baftada: (n) a plain white sheet of cotton cloth; calico (kaali ko)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bafto
-da: (magac, dhedig, keli) maro cad oo cutub ah oo laga tolan jirey dhar qurxoon; go' cad oo dhulka Soomaalida lagu qaadan jiray. Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weyn leh. Dh: bafta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bafto
cf: maxamuudi
de: white cloth, calico
lx: bafto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bafto
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baggy
/baagi/baggier, baggiest (adj) dhar kaa yara weyn; aan ciriiri kugu ahayn (fitaaxsan). e.g. He likes baggy trousers.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
baggy
/baaghy/ (adj) holof-holof eh. I like baggy pants.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Bakay
(I) Bovino castrato;
(E) Castrated Cattle, Ox
(S) Bakay (S. c.: Bakai)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bandy
/daandhi/bandies, bandying, bandied; (v) 1. hadal isku tuur tuurid.(v) 2. hadal lugu soo celceliyo. e.g. I do not want to bandy words with him.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bandy
n., tukubay, -ihi.
bandy, a., qallooc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banti
-da: (magac, dhedig, keli) shubanka aan la xajin karin. Nin weyn oo banti dhaaftay, bestii weeye. Dh: ban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqay
m.l Dibi dhufaan ah oo shilis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqay
m.l Dibi dhufaan ah oo shilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqay
-ga: (magac, lab, dhedig) jaad ka mid ah haadda waaweyn ee hilibcunka ah. Dh: baqalye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti
(Baqti-ga)
Wax aan la gowricin oo iska dhintay; aan la birayn; (ama bakhti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti
baqti¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Nafley iyadoon la birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo quruntay. la-mid: bakhti¹.
baqti²: f.mg1 (-iyay, -iday, -iyi) Nafley, iyadoon la gawracin nafbixid. la-mid: bakhti².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti
baqti¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Nafley iyadoon la birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo quruntay. la-mid: bakhti.
baqti²: f.mg1 (-iyay, -iday, -iyi) Nafley, iyadoon la gawracin nafbixid. m.f.dh, baqtiyid. la-mid: bakhti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti
m. n. dead animal
baqti: v. die naturally (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqti
-ga: (n) one who has died, especially an animal; dead (dheedh) ~ bakhti-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti
(fal) dhimo oo nafta waa. Dh: bakhti.
baqti -ga: (magac, lab, keli) geeri iyo nafwaayid. Dh: bakhti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
basta
inter. - bes! ku filan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
baste
v.tr., (to beat) ul la dhac; (to sew slightly) qodob, isku qodob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batac
m.l la-mid: butuc (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batac
(tilmaame) aan caato ahayn, hilib leh. Wiil yar oo batacay xambaarsanayd. Dh: shilis, buuran, naaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batal
m.l/dh (-llo, m.dh) Meel bannaan oo aan dhir sare lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
batal
m.l/dh (-llo, m.dh) Meel bannaan oo aan dhir sare lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batal
-ka: (magac, lab, keli) dhulka inta xigta badda ee bataaxa leh ee aad loo wadhan yahay marka loo dabbaaltago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Batar
(Batar-ka)
Cayaar la tumo; sacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batar
m.l Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay ragga iyo dumarku wada dheelaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
batar
m.l Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay ragga iyo dumarku wada dheelaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
batar
m. n. dance step
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
batar
-ka: (n) traditional dance